WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI

0
Tuesday July 16, 2013 - 19:50:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI

    soonku waa jib ayuu ku noqonayaa qof kasta oo muslim ah, halkaa waxa ka baxaya qofkii gaalka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

soonku waa jib ayuu ku noqonayaa qof kasta oo muslim ah, halkaa waxa ka baxaya qofkii gaalka ahaa 7. AXKAAMTA BISH RAMADAAN

waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni todobaad oo aynu kaga hadli doonaa axkaamta soonka bisha barakaysan ee ramadaan.

Soonku waa waajib ku

soo arooray Kitaabka Quraanka Kariimka ah, Sunnada Nabigeenna (NNKHH) oo dhamaan Umadda Muslimiintu ay isku raaceen. Eebbe korreeye wuxuu yidhi "Kuwa Iimaanka laga helayow waxa la idinku faral yeelay dushiina Soonka sidii loogu faral yeelay kuwii idinka horeeyey ", waxaa kale oo uu Nabigeenuna (NNKHH) wuxuu yidhi " Islaamka waxaa lagu dhisay shan, shahaadataynka, oogista Salaadda,bixinta Sakada,Soomista Ramadaan iyo gudashada xajka (Kacbada)".


Ummaduna waxay isku raacday waajibnimadiisa, inuuna yahay tiir ka mid ah tiirarka Islaamka , qofkii beeniyana uu noqonayo gaal diinta ka baxay. Waxaana la faral yeelay bisha ramdaan ee barakaysan maalin Isniin ah oo ay Shacbaan labo ahayd sanadkii labaad ee Hijriyada.

? DADKA UU WAAJIBKA KU YAHAY SOONKU

Soonku waajib ayuu ku noqonayaa qofkasta oo laga helo shuruudaha soonku ku waajibo buuxiyana, culimadu waxay isku raaceen in Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan uu waajib ku yahay qof kasta oo Muslin ah, oo buuxinayaa shuruuda soonka maalinkaas, hanaqdo lab iyo dhidig kuu doonee, hadaba dadka uu waajib ku noqonayo soonku waxa ka mid ah:

? QOFKA MUSLIMKA AH.

soonku waa jib ayuu ku noqonayaa qof kasta oo muslim ah, halkaa waxa ka baxaya qofkii gaalka ahaa oo ka gaalka ah waajib ku noqon maayo.

? QOFKA MIYIRKA QABA.

Waajib ayuu ku noqonayaa soonku qofka miyirka qaba, sidaas oo ay tahay waajib ku noqon maayo kii miyirka la´aa, ilaa iyo intuu xiskiisu u soo noqonoyo.

? QOFKA QAAN-GAADHKA AH.

Qofka qaan- gaadhka ah soonku waajib ayuu ku noqonayaa, oo waajib ku noqon maayo qofkii yaraa ee aan wali qaan gaadhin, Ilmaha yarse waxaa fiican haddii uu karayo inuu waalidikii ay ku barbaariyaan inuu Soomo haddii uu karayo. asxaabtiina waxay odhan jireen ´´Waqtiga Soonka caruurtayada ayaanu Soomin jirnay, markaasaa intaanu Masaajidka gayno ayaanu suuf ciyaar uga dhigi jirnay, haddii midkood cunto u ooyana waannu siin jirnay ilaa afurka laga gaadhayo´´.

? QOFKA CAAFIMAADKA QABA.

Ku noqon maayo soonku waajib qofkii xanuun sanayey oo qofka xanuunsanayana hadii xanuunkiisii ku sii kordhayo, soonka waa iska dhaafi karaa, maarkuu caafimadana wuu gudi karaa soonkaa ka tagay.

? QOFKA AAN SAFAR KU JIRIN.

Haduuna qofku ku jirin safar waajib ayuu ku noqonayaa soonku, laakiinse haduu safar ku jiro waajib ku noqon maayo soonku, dushiisana waajib kuma aha, laakiin kaasi dib ayuu ka gudayaa, hadii uu karo soonkaa ka taga.

? QOFKA DUMARKA AH EE DHIIGA CAADADA LEH.

Waajib ku noqon maayo qofkii dumarka ahaa ee lahayd dhiigii caadad ama dhiigi dhalmada, marwadana waxa looga baahanyahay inay daahir ka tahay intaas haday la imanyaso soon, dibna wey ka gudaysaa maalinka ay afursanayd.

? QOFKA GABOOBAY AMA DA´DA AH.

Dadka da´da ah ama gaboobay ee xanuunsanaya ee aan lahayn awood ay ku soomaan, dushooda ma ahaan waajibnimada soonku, waxaana lagu leeyahay inay malinkasta oo ramadaan miskiin afuriyaan.

? QOFKA DUMAR AH OO UUR LEH, AMA NAASKA JAQSIINAYSA.

Qof dumar ah ee uurka leh iyo mid naaska ilmo nuujinaysa midkoodna ma saarna inay soomaan, laakiin waxa waajib ku noqonaya inay dib ka gudaan.

? DADKUU SHARCIGU U FASAXAYO INAY AFURAAN.

Waxaa jira dad uu sharcigu u fasaxay inay afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadkaasoo ilaa saddex waji kala yeelanaya:-

? DADKA SHARCIGU U BANEEYEY INAY AFURAAN MAALIN KASTA MISKIIN QUUDIYAAN.

Dadka da´da ah ee xanuusanay ee aan lahayn bogsashada.

? DADKA SHARCIGU U BANEEYEY AFURAAN GADAALNA KA GUDI KARA.

dadkan iyaga dib wey ka gudi karaan soonka haday karayaan, weyna iska dhaafi karaan oo waajib kuma sii noqonayo soonku.

Dadka buka ee laga rajo qabo inay bogsadaan. siduu Eebe koreeye quraankiisa ku sheegay ´´ Qofkii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa dushiisa ah ayaamo kale (Soonkooda)"

Dadka safarka ku jira, siduu nabigeenu inoo sheegay (NNKHH) ) "Waa fasax xagga Ilaahay ah , markaa kii qaataa way wanaagsan tahay , qofkii jeclaysta inuu Soomana dambi dushiisa maaha", markaa wuu soomikaraa iska dhaafi karaana.

? DADKA SHARCIGU U BANEEYEY INAY AFURAAN KU WAAJIBIYEYNA INAY DIB KA GUDAAN.

Qofka dumarka ah ee labadii dhiig midkood leh(caadada ama dhalmada), qofka muslimadda ah waajib ayuu ku noqonayaa inay dib ka guddo, haday iyadoo leh soontana ansax maaha soonkaasi.

Iyadana waxa la mid ah qofkii naaska jaqsiinaysay, ama uurka lahayd, iyadna waajib ayey ku tahay inay dib kala timaad, oo ay gadaal ka soonto.

Waxa la mid ah qofkii soonku ka jabay maalin ka mid ah ramdaan sababtuu doono hakaga jabee isna qofka waa lagu leeyahay soonkaa dibna waa uu ka gudayaa.

? XUKUNKA QOFKA SOONKA CUDUR-DAAR LA´AAN UGA TAGA.

Qofku inuu Soonka cudur-daar la´aan uga tago ama ukaso diinteenu wey ka digtay, Nabigeenuna (NNKHH) aad iyo aad ayuu uga digay in qofka Muslimka ah uu Soonku dheeldheel iyo u kas uga tago. Rasuulkeenuna waa kii xadiis ku lahaa (NNKHH) "Qofka afura maalin Ramadaan ka mid ah, isagoon fasax haysan uu Ilaahay u fasaxay, kama gudo isaga Soonka cimrigiisa oo dhan hadduu Soomo" sidaas ayey diintu uga digtay qofku inuu iska afuro maalin ramdaan, kaasi oo ayna ubanaanayn inuu afuro.

Qormadeenan todobaad ee aynu kaga hadlaynay axkaamta soonka intaa ayeynu ku soo afmeeraynaa, Eebe ha inaga yeelo kuwii wax ku qaata, kuna camal fala, khayrka bisha ramadaana ina siiyo, inagana yeelo kuwii kafaa´idaysta bishan barakaysan khayrkeeda.
wirdaani@hotmail.com
Alpha Universty
Hargaysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured