Shaqsiyaad Ku Fashilmay Hoggaaminta Dalka Sidee Bay Uga Talin Karaan Masiirka Ummadda

0
Friday July 12, 2013 - 20:42:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqsiyaad Ku Fashilmay Hoggaaminta Dalka Sidee Bay Uga Talin Karaan Masiirka Ummadda

    Sanadkii 1997-kii ayuu Maxamed Xaashi jagada madaxweynenimo kula tartamay alla ha u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 1997-kii ayuu Maxamed Xaashi jagada madaxweynenimo kula tartamay alla ha u Sanadkii 1997-kii ayuu Maxamed Xaashi jagada madaxweynenimo kula tartamay alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraam Cigaal
Waxaa maalintii salaasada magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland lagaga dhawaaqay urur loogu yeedhay golaha wada tashiga { Consultation council}, golahan waxaa ku dhawaaqay rag miisaan culus ku lahaan jirey saaxada siyaasadda, balse ku fashilmay hoggaaminta dalka.
Tusaale ahaan guddoomiyaha xisbiga UCID, laba jeer ayuu u tartamay sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Somaliland, labada jeerba shacabka Somaliland ayaa diidey oo ku yidhi, kugu aaminimayno hoggaaminta dalka, sidoo kale waxaa ka mid ahaa raga ururkan ku dhawaaqay Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aas-aasayaashii


ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, dhowr jago oo wasiirnimo ayuu soo qabtay, balse wuxuu noqday nin aan ku saldhigan xilalka wasiirnimo,xukuumadihii madaxweyne Cigaal, madaxweyne Rayaale Iyo Madaxweynaha Somaliland ee imika talada dalka haya md. Siillaanyo intaas oo madaxweyne mid waliba shaqada ayuu ka eryey Maxamed Xaashi Cilmi, isaga oo lagu tilmaamo shaqsi macagag ah oo aan siyaasad ahaan lala shaqayn Karin, sidoo kalena aan noqon Karin hoggaamiye.

Sanadkii 1997-kii ayuu Maxamed Xaashi jagada madaxweynenimo kula tartamay alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraam Cigaal iyo Saleebaan Maxamuud Adan, wuxuuna helay Maxamed Xaashi Hal cod {one vote}.

Ibraahim Dhega-weyne ayaa ka mid ah raga ku dhawaaqay ururkan aan sharciga u haysan aas-aaskiisa ibraahim Dhega-weyne wuxuu ka mid ahaa garabkii Military wuxuuna door muhiim ah ka soo qaatay halgankii dalka lagu xoreeyey, balse siyaasada Somaliland intii madax banaanideeda la soo noqotay Ibraahim dhega-weyne siyaasadiisu waxay ahayd mid aan fadhiyin, ururkii ASAD ayuu ka mid ahaa sidoo kalena wuxuu aas-aasay ururkii UDHIS oo ku hadhay doorshooyinkii dhowaan Somaliland ka dhacay, waana shaqsi ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Xasan Ciise Jaamac ayaa ka mid ah raga ururkan wada tashiga aas-aasay, wuxuuna ka mid ahaa ragii aas-aasay ururkii SNM, wuxuuna noqday madaxweyne ku-xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato, markii xukuumaddii uu madaxweyne ku-xigeenka uu ka ahaa ay waqtigeedii ku dhamaysatay guul-darro wuxuu ka nastay siyaasada, laakiin dhowaan markii madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Siillaanyo uu fasaxay nidaamka asxaabta badan oo ah in ururo badan la furan karo.

Xasan Ciise wuxuu aas-aasay ururkii Xaqsoor oo ku guul-daraystay in uu ku soo boxo urur qaran, fashilkii ku yimid ururkan Xaqsoor ayaa so0maliland wuxuu ka abuuray buuq badan oo aan wanaagsanayn dalkana aan dani ugu jirin, waxaana muuqa in Xasan Ciise uu ka mid yahay shaqsiyaad ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Hadaba waxaa muuqata in ururkan loogu magic daray wada tashiga uu yahay urur lidi ku ah qaranimada, madax banaanida iyo distoorka Somaliland, waana urur sharci darro oo loo aas-aasay on lagu wiiqo dumuqraadiyada iyo haykalka dowladnimo ee dalka ka jira, sidoo kale la isku hortaago horuumarka dalka ka socda, kaas oo leh dhinaca dhaqaalaha, mashaariicda horuumarineed iyo dowlad wanaaga taasoo ay hormood ka tahay xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

Hadaba waxaa haboon in shaqsiyaaadkani ay fahmaan in dalka uu leeyahay distoor sidoo kalena ay jiritaanka qaranimada Somaliland ay ku fadhido sharci iyo kala danbayn sharciguna uu yahay ka dalka ugu sareeya RULE OF LAW, waxaa kale oo muhiim ah in shaqsiyaadkani ay fahahmaan in ay Somaliland ka gudubtey waqtigii la qaabkan beelaysan loo dhaqmi jirey ayna Somaliland tahay dalka ku dhaqma shuruuc iyo distoorka ay leedahay.

Waxaan odhan lahaa shaqsiyaadkan ku dhawaaqay rururka aanay u haysan wax ogolaansiiyo ah MANDATE in ay ka waan toobaan dariiqan qaloocan ee ay ku socdaan ummadda ka daayaan khalkhalka, waxaana is weydiin leh su?aasha ah shaqsiyaad ku fashilmay hoggaamina dalka sidee bay uga talin karaan masiirka ummadda?
C/laahi Axmed Caarshe, Hargeysa somaliland
Maxamed Siciid


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured