Xog Xiiso Leh: Faysalow Ma Ihi Habarjeclo, Xirsina Ma Aha Ra´iisal-wasaare

0
Thursday July 11, 2013 - 20:50:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Xiiso Leh: Faysalow Ma Ihi Habarjeclo, Xirsina Ma Aha Ra´iisal-wasaare

    Bal ila akhriya qormadan inta aanan u gudbin jawaabtii Faysal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bal ila akhriya qormadan inta aanan u gudbin jawaabtii Faysal Intii aannu toddobaadkii hore dib u curannin khilaafkii Faysal iyo Xirsi ayaan dhambaalkan oo ciwaankiisu ahaa "Eng Faysal: Hadma Ayaa Dastuurka Somaliland Lagu Daray Jago Ra?iisal-Wasaare, Xirsi-na Loo Magacaabay?" u diray Eng Faysal Cali si aan u weydiiyo aragtidiisa waxaanse la yaabay kelmadihii uu Guddoomiyeha UCID iigu soo jawaabay, waxaase la yaab igu noqotay inuu markiiba i mooday reerka Habarjeclo la yidhaado.

Bal ila akhriya qormadan inta aanan u gudbin jawaabtii Faysal

Muddo bil ku dhaw ayaa laga joogaa markii ay Warbaahinta VOA ku qabatay Hargeysa dood ku saabsan suudalka (tahriibka) oo ay ka qayb-galeen Guddoomiyeyaasha UCID iyo WADDANI, Wasiirro, madaxda laanta afka Soomaaliga ee VOA, Saxaafadda iyo dadweyne kale. Halkaas waxa lagu faaqiday aafada tahriibka oo la isla gartay inuu yahay mushkilad horleh oo soo wajahay dadka waddanka ku abtirsada gaar ahaana lur iyo hadimo culayskeeda leh ku haya barbaarta. Qofka masuulka ahi marka uu cid eedaynayo waa inuu ka taxadirro inuu ku hadlo weedho ku liddi ah kuna tumanaya xeerarka Somaliland u yaalla. Waxa aan aad ula yaabay Guddoomiyeha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe oo hubsiimo la?aan cambaarayn ugu jeedinaya Wasiirka Madaxtooyada kuna tiraabay ereyo ay ka mid yihiin ?Raii-sal Wasaare Xirsi kama uu hadal mawduucii?.. Bal fiiriya kana fekera hadalkan: Raii-sal Wasaare! Raii-sal Wasaare! Raii-sal Wasaare! Raii-sal Wasaare! Raii-sal Wasaare!

Waa weydiine, hadma ayaa Dastuurka Somaliland lagu daray in qof loo magacaabo Raii-sal Wasaare? Haddiiba Xirsi loo magacaabay xilkaas goorma ayay ahayd waa gef uu Madaxweyne Siilaanyo ku kacay oo baaxaddiisa lehe? Haddaanay labadaasi jirin miyaanay ahayn meel ka dhac Faysal u geystay dastuurka iyo hoggaanka qaranka oo lagula xisaabtami karo? Mise kulankii uu Ingiriiska kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uu mooday in meeshu Federaalkii Soomaaliya tahay, Wasiir Xirsina waxa uu mooday Raii-sal Wasaare Saacidkii Xamar, maskaxdiina waxa ka dhex guuxayay xiise uu u hayo Koonfur waxaana madax maray bariidadii uu reer Muqdisho la wadaagay?

Sannadkii 1993-kii markii ay waxgaradka Somaliland ku shireen magaalada Boorama waxa ay go?aamiyeen in xukuumadda loo dhiso qaab ah Madaxweyne iyo kux-geen, iyada oo loo arkay inuu qaabkaas madaxweynuhu ku heli karo awood fulineed oo dhammaystiran, waxaana meesha laga saaray samaynta Raii-sal Wasaare muran, yuus iyo fadqalalo abuura sida aynu ka arkayno waxa Koonfurta Soomaaliya haysta.

Qoraal faahfaahinaya qaab-xukumadeedka aynu ku heshiinnay Shirkii Boorama ka dhacay 1993-kii ayaa u dhigan sidan ?Waxa laga dooday qaabka ay yeelanayso xukuumadda shirka lagu dooranayaa, aragtiyo kala door ah ayaa la soo bandhigay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

? In la sameeyo shan madaxweyne oo midiba xilka hayo 1/5 xilliga guud ee loogu talo-galay madaxweynaha, kuna salaysan hab-beeleed. Shantaas madaxweyne waxa ay ka soo kala jeedayeen: Habar-awal, Habar-jeclo, Garaxajis, Harti iyo Samaroon/Ciise oo saami wada qaadanaya. Qodobkani ma helin cod badan, waana laga aamusay,

? in xukuumadda loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyo

? In xukuumadda loo dhiso qaab ah madaxweyne iyo ra?iisal wasaare, qodobkanina cod badan kama helin ergada?

Haddaba waxa aan Faysal Cali-Waraabe leeyahay miyaanad ka warhaynnin sooyaalkaas dalku leeyahay? Sidee ayaad bulshada uga dooni kartaa sharaf iyo madaxnimo adiga oo baal-maraya qawaaniinta aynu qaranka ku nahay? Inta aad dastuurka ku tumanayid miyaad weyday gol-daloolo kale oo aad Xukuumadda ka weerarto? Mise waa hadal hubsiimo la?aan kaaga soo dhacay oo aad qoomammo iyo tiiraanyo ka dhaxashay oo aad raalli-gelin ka bixinayso dhakhso insha Allah?
Aniga oo aan jeclayn in aan qormadan sii dheereeyo, waxa aan xaal iyo raalli-gelin siinayaa ummadda Somaliland ee uu Faysal Cali-Waraabe ka dhacay shuruucdii ay heshiiska ku ahaayeen. Haddii aan garanayo meel lagula xisaabtamo Guddoomiyeha UCID iyo maxkamad aan la tiigsan karo mar hore ayaan falkaas fulin lahaa!"

Iga dhawra warcelinta Faysal haddii Eebbe xukmo

Axmed Cabdi Axmed

ayaasiin55@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured