Mudane Madaxweyne Axmedow ma adigaa yidhi“Hubaal ayaa wax iga sheegtay” mise waa caadadii Wasiir Xirsi!

0
Saturday July 06, 2013 - 20:56:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Madaxweyne Axmedow ma adigaa yidhi“Hubaal ayaa wax iga sheegtay” mise waa caadadii Wasiir Xirsi!

    Nin Somalilander ah ayaa laga hayaa “Allaylehe inteedaan ku sugay.” Ma maanta ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Somalilander ah ayaa laga hayaa “Allaylehe inteedaan ku sugay.” Ma maanta ayaa Nin Somalilander ah ayaa laga hayaa “Allaylehe inteedaan ku sugay.” Ma maanta ayaa Madaxweyne Axmed-Siiraanyo u adeegsaday xukunka Hubaal xeerkii ciqaabta ee Somaliya,kuna saxeexan-yahay Adam C.Cusman,lana dejiyay 1962.Ma anigaa riyoonaya oo u qaba dalkan Jamhuuriyada Somaliland inuu leeyahay dastuur u gaar ah,sharciyo iyo xeerar u gaar ah,yahay-na dal madaxbanaan mise qoon qarsoon ayaa dalkan ka taliya.

Wax badan ayaynu ka maqalay madaxweyne Axmed-siiraanyo isagoo leh “Cadaalada ayaanu sugi doonaa.” Tolow ma waxa uu u jeeday xabaal ayaanu ku ridi doonaa cadaalada marka dhibanayaashii wargeyska Hubaal mar labaad madaxtooyadu u adeegsatay boliska,xeer ilaaliyaha guud iyo garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex ayagoo ku eedaynaya Madaxweyne Axmed-Siiraanyo,wakiilka ganacsiga itoobiya iyo niilka ayay hubaal wax ka qortay.Waa yaabe miyaanu Madaxweyne Axmed-siiraanyo ahayn musharaxii shalay ay saxaafadu u badheedhay hiilkiisa? Maxaa maanta isbedelay ee ay saxaafadu ku mutaysatay abaal-darrada la gashay xabsiyada dalka.Sawtuu khudbad kasta oo uu ummada u jeediyo ku darsanaayay “waxaanu dhiiri gelin doonaa saxaafada madaxa-banaan”.


Mar kasta oo aan dib u raaco ballan-qaadyadii,khudbadahii Madaxweyne Axmed-Siiraanyo iyo talaabooyinka cadaalad darrada ah ee ay dawladiisu ku hayso saxaafada madaxabanaan waxaan talo ku daayaa ma jiro wax u dhaxeeya dhaqamadii keli-taliyahii Afweyne iyo dhaqamada Madaxwene Axmed-siiraanyo ku hogaaminayo dalka,waxaanu heeryada ka rogay inuu yahay laba nin ama cid kale metesho.Waxanse madaxweynaha leeyahay “ogow dhirta waxa jira geed lagama garaacaan ah.” Nabad aan ku ledo,waxaan doonana aan falo ogow waa tii adiga iyo aniguba ka halganaye.

Markaan jaleeco falalka wasiir Xirsi oo hadal hayntiisu ku badantahay shacabkana waxa igu soo dhacda inuu wasiirku ku hawlan-yahay olole u gaar ah oo ku jihaysan siduu u fuuli lahaa kursiga uu maanta ku fadhiyo Madaxweyne Axmed-siiraanyo.Hadaan yara saro waxa muuqata mar labaad inuu Kulmiye isu diyaarinayo hogaanka dalka,Xirsi-na uu dheelaayo waalo-da ay geel-jirahu ardaaga ku cayaaraan.Bal u fiirso tabaha uu ugu dhameeyay tartamayaal ka soo baxa degaanka uu Xirsi ka soo jeedo ee uu keli mudh ka soo yidhi.Wasiir Xirsi waxa uu haatana ku hawlan-yahay shaxdii uu ugu dhamayn lahaa tartame ka soo baxa degaanka waqooyiga Hargeysa oo ahaa codadkii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo baxay.Waana arrinka maanta dabada haya wada-tashiga ay wadaan degaanka waqooyiga Hargeysa.Waa sida uu filayo-e waxa u muuqata Xirsi inuu keli ku noqdo tartanka madaxweyne ee Kulmiye filaayo doorka labaad inuu ku guulaysto hogaanka dalka.Sidaa darteed ayaan u arkay xukunka xaqdarrada ah ee ay dawladu kula kacday wargeyska Hubaal inuu garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex fuliyay amar kaga yimi dhinaca Wasiir Xirsi loona soo mariyay Xeer-ilaaliyaha guud.Waayo,waxaynu ogsoonahay mar kasta oo ay dawladu danay-nayso dacwad in loo dhiibo garsoore Cusmaan oo ka mid ah 12ban garsoore oo ka hawl gala maxkamada gobolka M/Jeex.Weliba marka uu garsoore Cusmaan waday xukunka xaqdarrada ah ee uu ku riday Hubaal waxa ku socday dacwad,waxaana la balansanaa gudida cadaalada.Waxa loo xushay garsoore dacwadi ku socoto waa dhako qaawan.

Waxa aan ku soo afjarayaa fariin aan u dirayo Madaxweyne Axmed-Siiraanyo,waxaanan leeyahay madaxweyne kaama qabato saxaafadii ku garab gashay ee si badheedh ah kuugu hiilisay inaad maanta ku xidh-xidho wax baa layga qoray ee waa inaad dhibanayaasha hubaal iyo wargayskaba si dhakhso ah ugu soo celisaa xoriyadoodii oo aad fulisaa odhaah-daadii ahayd “Waanu ka soo horjeednaa cabudhida saxaafada madaxa banaan.Markaa Mudane Madaxweyne ma adigaa yidhi”Hubaal ayaa wax iga qortay” mise waa caadadii wasiir Xirsi.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured