Inqilaab lagu sameeyey Madaxweynahii Dalka Masar Maxamed Morsi, Joojiyey Dastuurkii Dalka Masar Isla Markaana Magacaabay Madaxweyne Ku Meel Gaadh Ah

0
Thursday July 04, 2013 - 07:49:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inqilaab lagu sameeyey Madaxweynahii Dalka Masar Maxamed Morsi, Joojiyey Dastuurkii Dalka Masar Isla Markaana Magacaabay Madaxweyne Ku Meel Gaadh Ah

    Qaahira (xogreebnews.com-—Janaraalka ugu sareeya Militeryga dalka Masar Janaraal Cabdifataax Alsiisi ayaa khudbad toos loo0ga daawanaayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira (xogreebnews.com-—Janaraalka ugu sareeya Militeryga dalka Masar Janaraal Cabdifataax Alsiisi ayaa khudbad toos loo0ga daawanaayey Qaahira (xogreebnews.com-—Janaraalka ugu sareeya Militeryga dalka Masar Janaraal Cabdifataax Alsiisi ayaa khudbad toos loo0ga daawanaayey telefishanadda caalamka oo dhan oo uu tabinayey telefishanka dalka Masar wuxuu ku dhawaaqay in ciidamaddu iyagoo eegaya xaaladda dalku gallay ay joojiyeen dastuurkii dalka Masar, xilkana ka xayuubiyeen madaxweynahii dalka Masar Maxamed Mursi, isla markaana ay ku bedeleen inuu madaxweyne ku meel gaadh ah noqdo guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Masar Maahir Al Baxaari, iyadoo ra’isal wasaarana loo magacaabay Haashim Qandil oo xilkaasi hore u hayey, waxaana Janaraal Siisi uu sheegay in doorasho la qaban doono wakhtigeeda ka soo hor marta sannadkani dabayaqaadiisa, qorshahani oo ay Militerygu ugu yeedheen (Khariiradda qorshaha) ayaa waxay ku eedeeyeen in Mr. Mursi uu gebi ahaanba ku guul daraystay kalsoonidii shacabka.i

Xaaladda Dalka Masar Oo Aad U kacsan
Xaaladda dalka Masar ayaa aad iyo aad u qasan iyadoo magaalada Alnasar ay iskugu soo baxeen boqolaal kun oo qof oo taageersan madaxweynaha xilka laga xayuubiyey ee Mursi, taageerayaasha oo u badan kuwa xisbiga madaxweyne Morsi ee walaalaha Muslimiinta (Akhwaanul Muslimiin) ayaa waxay ku dhawaaqayaan inay dhiigooda u daadinayaan inaan madaxweynaha laga tuuray xilka ee Mursi tallada aanu sidaasi kaga tagin.
Afgambi Farsamaysan Oo Ka Dhacay Masar
Janaraalka ugu sareya Militeryga Al Siisi ayaa isagu doraad ku dhawaaqay in ay siinayaan madaxweyne Mursi 48 saacadood inuu xal kama danbays ah ku keeno, balse madaxweyne Mursi ayaa ku eedeeyey Militerygu inay qorshaynayaan Afgambi.
Alsiisi ayaa maanta markii uu telefishanka kala hadlaayey dadka oo ay hareero fadhiyeen hogaamiyayaasha diinta ee dalka Masar hogaamiyaha Alasahar iyo hogaamiyaha kiniisadda masixiyiinta ee Kobtiga dalka Masar, ayaa wuxuu sheegay inaanay Militerga wax damac ahi ka haynin inay xilka iyo hogaanka qabtaan, balse ayuu yidhi ay sidani u yeeleen markii uu madaxweyne Mursi diiday inuu dhegaysto baahida dadka.
Kooxaha Mucaaridka Oo Afhayeen U Doortay Maxamed Al Baradi.
Maxamed Al Baradi oo isla maanta kooxaha mucaaridku u doorteen Afhayeen oo isaguna hadal ka jeediyey madashii wasaaradda gaashandhiga ee xilka lagaga xayuubiyey madaxweyne Mursi, ayaa sheegay inay si diiran usoo dhawaynayaan go’aankani.
Malaayiin Qof oo Tamaashaad Ka Samaynaya Taxriir Markii Go’aanka Lagu Dhawaaqay
Malaayiin qof oo iskugu soo baxay barxadda caanka ah ee Taxriir oo sannadkii hore dadweynaha masaaridu ku afgambiyeen madaxweynahii hore Mubarak, ayaa tamashaad iyo masraxiyad ku soo dhaweeyey, iyadoo boqolaal kun oo kale oo taageersan madaxweyne Mursi oo iyaguna banaanbax la mid ah ka hor samaynaayey goobo kala duwan oo ay ka mid tahay jaamacadda Qaahira ay aad uga xumaadeen go’aanka.
Go’aanka Militeryga Oo Sababi Kara cawaaqib Xumo
Khubaradda siyaasadda beriga dhexe ayaa sheegaya in go’aanka militeryga Masar ku afgambiyeen madaxweyne Mursi ay sababi karto qalalaase iyo rabshado burburiya dalka Masar, taasi oo haddaba ay dadka reer Masar ku kala qaybsanyahiin.
Mursi ayaa ka duwan Mubarak, waxaana uu Mursi haysta malaayiin qof oo taageersan, mana fududa inuu sida dhibta yar ku tago.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured