Madaxwayne Cukuuse Ma kaba Qaad-nimadad Ku Dalacsiisay?

0
Wednesday July 03, 2013 - 19:14:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Cukuuse Ma kaba Qaad-nimadad Ku Dalacsiisay?

    Waxaa ayaan daro ah markii geela lo diray ninkii maqasha dayacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ayaan daro ah markii geela lo diray ninkii maqasha dayacay

Waxaan manta kusoo qaadan doonna qaybtan waxaa dhaqamada uu ku caanka yahay mr cukuuse iyo masuulinta mucaridka ah qaabka uu ugu jawaabo”intaynaan guudo galin bal aynu ku horayno hadal uu manta ka jeediyaay xafladii xil wareejinta ee maanta markii lo dhiibay mikara-foonka ayaa waxaa afkiisa ka soo baxay ereyo ay ka naxeen dadkii gobta fadhiiyay.

Waxaanu uu egaa in annu xaladiisu cadi ahayn isla markaana waxaa ka muqday wajigiisa xalad kacsan.waxaanu yidhi,”waxaanu la yabay oo saxiibka wasiirka hawlaha guud igu yidhi maxaa heelay shaqaalaha manta oo dhan sacab may tumiin ee waxaan ugu jawaabay waxaa hayaa saar” waxaayna uu bahan yihiin cuudin wananu cuudin doonna si kastaba ha ahaatee waxaa ayaan-daro lagu tilmaami kara masuulkan shaqaalaha ka doonayaa in ay mar-xabaysiiyaan.waxa jirta cukuuse in uu jeceel yahay qofka uu sacaba tum,sla markaana waxaa uu isleeyay sidaad siilaanyo ugu sacab tuunto oo kale halaguugu tuumo.waxaana manta gabal-u dhacay wasaraddi warfaafinta oo mas galay maxaad kala socota gul-wadayta cukuuse

Waxaa ayaan daro ah in Siilaanyo oo sheeganayaa Madaxweyne uu dad aan la aqoon iyo guulwadayaal daba-ka-naaxa oo uu soo urursaday xilalna uu u dhiibtay uu yidhaahdo aqoonyahanka iyo haldoorka reer somaliland caaya isagoo adeegsanaya qalabkii warbaahinta Qaranka.

Waxaa la yaab leh Qofka la yidhaahdo Cabdilahi Cukuuse oo Siilaanyo xil u dhiibtay balse aan shacabka somaliland aqoonsanayn in uu maalin kasta halyey qaran oo ummada sumcad weyn ku leh cay iyo aflagaado kula kufo oo siilaanyo adeegsado oo sida eyga yidhaahdo Qabo Qabo.

Siilaanyo waxaa u qurux badan in uu ilaaliyo haykalka dawlanimo iyo anshaxa maamulka qaranka kana waantooba dadka ciyaal suuqa ah ee uu u adeegsanayo cayda muwaadiniinta shacabku jecelyihii

Waxaruhu sidaan qabo,


weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn karo.

Qaraf iyo tixaa gabay
ku qaraabo uma baran
quudkaygu muu gelin,
qatanaha saboolka ah
dantoodaan ku qummiyaa.
Hadba wiilka qooqane
maalintaasi qoodha ah
qushuuciisa ma akhriyo,
ways kala qabweynahay
qofna kabaha uma tiro.

.

Gabogabadii

Waxaa ayaan daro ah markii geela lo diray ninkii maqasha dayacay lasoco…..

Qallikii Cabdi casiis Bashiir Nuur

Email

Infoxogreebnews.com

Hargeysa /Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured