WAA MAXAY UJEEDADA LAGA LEEYAHAY BAAQ SHACAB!. Qore: AbdiQani Egal.
WAA MAXAY UJEEDADA LAGA LEEYAHAY BAAQ SHACAB!. Qore: AbdiQani Egal.
Qoraalkaygan kooban ayaan waxyar bulshada ugu iftiimin doonaa Koox kamida dhalinyarada reer Somaliland oo soo saartay waxay ugu magacdareen #Baaqshacab”. Kooxdan oo aan anigu ubixiyay "SHACBIYIINTA”, ayaa sheegay in shir ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socday lixda Gobol ee Somaliland, laga soo saaray baaq ku sheegooda, in kastoo goorta shirkaasi dhacay ama mudada uu socday iyo goobta uu ka dhacay midna aanay kooxdu ku xusin qoraalkooda,
Baaq ku sheega ay kooxdani soo saartay ayaa siday udhigeen ay ku dabaqayaan bayaankii la baxay MANAFESTO ee markay taariikhdu ahayd 15 May 1990, oo dawladii Jamhuuriyada Dimoqoradiga Soomalia ku gudo jirtay 29 guuradii ka soo wareegtay maalintii Xornimada, ay koox aqoonyahan iyo Ganacsato ahi ka soo saareen magaalada Muqdisho ee Caasimadii Dalkii Somalia. Aqoonyahanka xiligaas bayaanka qoray waxay isku dayayeen inay badbaadiyaan dalkii Jamhuuriyada Diiqoraadiga Somalia oo xaaladiisu kasii daraysay, inkastoo xiligaas ay dhibaatadu meel wax laga qabto dhaaftay , dadkii Soomaaliyeedna ay ka quusteen inay inuun kasoo rayn karto dawladii militaryga ahayd ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Nasiib daro lix bilooduun kadib maalinntii ay aqoonyahanku bayaankaas soo saareen ayay dawladii Jamhuuriyadii Dimoqaraadiga Somaliya markaliya burburtey markay taariikhdu ahayd 05 January 1991. Dalkii Somaliyina waxay madaxa lagashay dagaalo sokeeye iyo Dawlad la,aanta ilaa maanta haysata ee loo taag iyo maaro layahay.
Sidaas si lamid ah ayay koox dhalinyaro ahi waxay soo saareen qoraal ay ku sheegeen "BAAQ SHACAB” taariikhdu maalintay ahayd 18 May 2020, oo ku beegan 29 guuradii ka soo wareegtay maalintii la soo noqoshada Gobonimada JSL. Maalintan ayaa ah maalin siweyn shacbiga JSL u xusaan uguna dabaal degaan halgan dheer kadib maalintii Shacbiga JSl ay qori caaradii xuriyadoodii ka gala soo noqdeen walaalahoodii dalasaday ee koonfurta Somalia. Hadaba ayadoo ay cadahay in xaalada somaliland maanta ku sugantahay aanay lamid ahayn xaaladii jamhuuriyadii dimoqoraadiga somaliya ku sugnayd sanadkii 1990, aduunyaduna ka marag kacday in hormar dhinacyo badan leh sida dimoqraadiyad ku dhisan xisbiyada badan, xuriyatul qawlka, iyo hanaanka dhaqaale ee suuqa xorta ah uu Somaliland ka hanaqaaday waliba maalinba maalinta ka danbaysana uu sii qaangaadhayo, iyadoo somaliland hawlahii ugu horeeyay ay hada ka bilaabeen haayadaha caalamiga ah sida World Bank iyo afrikan development Bank Hadana, Geedisocodka Somaliland mid dhaliilo ka madhan maaha balse waa mid lagu diirsaday oo dhiiri galin mudan iyadoo mararka qaar aduunyadu ku macnaysay mucjiso.
Hadaba, Baaq ku sheega ay kooxdan dhalinyarada ahi soo saarateen 18 May 2020 oo umuuqda qaab cod bixineed ama waxa luuqada qalaad looyaqaan "petition” laakiin aan ujeedo sugan lahayn, tirada dhalinyarada saxeexay ama cod-bixiyayaasha ahina (Petioners) ay ku dhawdahay boqol qof, ayaa nuxurkiisu yahay in dawlada maanta katalisa JSL ee xisbiga kulmiye ay ka leexatay wadadii dastuuriga ahayd iyo hanaanka sharciga ee dalka JSL.Sidoo kale waxa qoraalkood ku sheegeen inay dalka ka jiraan dhibaatooyin kale sida kala sad roonaan, musuqmaasuq iyo qaraabe kiil iyo Cadaalad daro, dhibaatooyinkaas oo ay xalintooda ugu baaqeen xukuumada JSL maanta ka talisa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Sidaas oo ay tahay, kooxda qoraalka soo saaratay ku may xusin wax cadayn ah oo muujinaya dhibaatooyinkaas, sidaas si lamid ah , qoraalkaas ay kooxdani soo saaratay laguma soo qaadin hab suurta gal ah oo dhibaatooyinkaas xalkooda loo mari karo Sidoo kale habyaraatee majirto wax cilmi baadhis ah oo kooxdan iyo cidkale mid na ay sameeysay oo dhibaatooyinkaa ay sheegeen lagu soo ogaaday oo ay kooxdani qoraalkooda ku sheegtay.
Sidaas si lamida, waxa iyaguna isla maalintan barakaysan ee 18 May 2020, qoraal ay sheegeen inay ku magacaabeen sagaal qof oo gudidooda fulinta ah iyo xubno kale oo gudidooda joogtada noqon doona soo saaray kooxda kale ee la baxaday "MARKALE MIDNIMO”. oo dalka gudihiisa looga yaqaaan "MARKALE MIYIRSO". Qoraalka ay kooxdani soo saareen ayaa lagu sheegey in gudidooda fulinta iyo Gudida Joogtada ah ee Kooxdooda qaar kamid ahi ay dalka gudahiisa joogaan,oo amaankooda awgeedna aan magacyadooda hada qoraalka lagu sheegi karin. kooxdan debed wareega ah ee la baxaday "MARKALE MIDNIMO" hore ayaynu qoraalkooda ugasoo hadalnay markalena uma baahnin in aynu ku noqono oo wakhti kulumino.
inkastoo in la xaqiijio xidhiidhka ka dhexeeya labadan kooxood ubaahanyahay baadhis dheeriya oo wakhti qaadanaysa; Hadana waxaan shaki ka jirin inay labadan kooxood wadaagaan astaamo ama sifooyin badan: ugu horayn labada kooxoodba waxay u habaysan yahiin sidii ururo oo kale waxaanay leeyahiin laba calaamadihii ururada, Dabacan, kol hadii ey ururo noqdeen waa unugyo loo abuuray hawlo gaara inay ka fuliyaan Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa. kooxahan qoraalada soo saaray ayaa sidoo kale kamidaysan in labada kooxoodba badh kamid ahi uu joogo xamar islamarkaana ay shaqooyin muhiima ka haya Dawlada Federalka Somalia, oo ah ta ka faa iidaysanaysa ee qoraalada ay maalintan barakaysan soosaareen labadan kooxood. Sidoo kale ,waxay labadan kooxood wadaagaan inay labadooduba aad u isticmaalayaan cayayaanka baraha bulshada si ay rayul-caamka umajaro habaabiyaan isagana dhigaan inay shacbiga JSL taageero baladhan ka haystaan, una dhiirigaliyaan kacdoonay sameeyaan mahaya moogta iyo inta quluubtoodu madhantahay. Waxa kale oo ay kooxahani kamidaysan yahiin ujeedadooda guud oo ah inay maalintan barakkaysan ee 18 May 2020 ay dadka reer Somaliland ku furaa tashuush, muran iyo kala qaybin ay kaga hortagayaan dabaal dega maalinta 18 May 2020 oo ay shacbigu JSL yar iyo weyn ku mashquul sanayeen si ay Maqaamka maalintan hoos ugu dhigaan uguna muujiyaan cadawga in xuska maalintan 18 May 2020 lagu kala qaybsan yahay
Hadaba, kol hadii shacbi weynaha JSL la caaglaystay oo aan aniguna isu arko inaan ka mid ahay inta ka aragtida duwan kooxdan ee shacbi weynaha JSL kamida ah. Sidaas darteedna aniga iyo shacabka JSL intooda badan ee daacada ahiba aanu dhibane u nahay kooxdan; oo sheegatay inay guud ahaan dadka reer somaliland metalaan oo ay afkooda ku hadllayaan, waa inaan si kooban aan u iftiimiyo aragtidayda aan lawadaago inta badan dadka reer Somaliland ee ku aadan kooxdan dhalinyarada ah iyo Baaq kusheegooda.
Ugu horey kooxdan dhaliyarada ahi waxay umuuqdaan qaar isku soo toosiyey Go,aanadii Shirkii Gacan Libaax oo ay u la baxeen "Baaq Shacab”,go,aamada shirka Gacan libaax waxa soo saartay beel tixgalin iyo sharaf ku dhex leh dalkan Somaliland ee ma, ahayn go,aan shacbiga Somaliland ay soo saareen, sidoo kale wax shaqo ah oo go,aamadedeeda la xidhiidha beeshu umay igman dhalinyaro ciday doonaanba ha ahaadeene. Beeshuna gudi miisaankeeda leh ayay udooratay inay fuliyaan go,aamadii shirkii gacan libaax oo ay danteeda iyo danta Somalilandba u aragtay.
Hadiiba aynu kooxdan toodaba u raacno iyo in cadaalad daro ay somaliland ka jirto waxa xusid mudan in Mr Darfac iyo inta bahda sharciga iyo cadaalada ku abtirsata ee baaq kusheegan ku saxeexani ay yahiin kuwa ugu dhawdhaw ee ku hareeraysan Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland kuwaas oo ay kasoo fulaan talooyinka aan lamahadin ee lafyabka ku ah cadaalad JSL, Sidoo kale Mr Darfac iyo inta bahda sharciga iyo cadaalada ku abtirsata ee baaq ku sheega ku saxeexan ayaa ah xunaha ugu xun dhinaca cadaalada dalkan marka la eegayo guud ahaan jilayaasha bahda sharciga iyo cadaalada JSL,Xubnahan ayay bahda sharciga iyo cadaaladu JSL ku tilmaamaan inay dhaabad iyo dhabarjebin ku yahiin hanaanka cadaaladeed ee dalkan JSL, hadaba hadii cadaalad daro dalka JSL lagu sheego intii ay xubnahaasi dilaaleenbaa latabayaaye yaakale oo ay maanta wax kasaaridoonaan ileen Hargeysa ways xaal ogtee.
Waxase hubaanti ah in kooxdan yar uu xero ka waydaar wado oo muqadisho , Iyo xafiiska raysal wasaaraha looga Gacan haadinayo sijoogtana looga shidaalinayo.Hadaba, hadii ay mashruuc ka qaateen khayrlaawe sida qoloda markale midnimo labaxday inay shaqatagaan Bay hayde baroortani orgiga ka weyn. Umamalaynayo in kooxdan hawshoodu sidaas ku dhamaanayso.sababtoo ah Beryahaaba waxaan arkayay iyagoo hadalo badan oo aan aqoon ku dhisnayn dadka ka iibinaya, oo abaabul iyo kicin gudaha JSL ka wada Dawalada hada somaliland ka jirta oo markay u darbanaanta fulinta sharciga iyo ilaalinta masiirka umadu u igmmatay ay noqoto, dulqaad ku tilmaami maayee uu xagal daac xoogi ka muuqdo ayaa kooxdan ku sintay inay maanta shacbiga ay ka been abuurtaan, Maraa waaxid, Dawlada somaliland inay jilicsantay waxa kamarag ah inaad sicad u been abuurateen wakiilnimada Shacabka JSL oo aniga iyo inta shacbiga intooda badani idinka fikir duwanyahay ayaad afkoodii ku hadasheen,,waliba aad go,aamona ku soo saarteen,Balse ilaa imika aan sharciga laydin horgayn oo wali laydhu idin maraysaa.
Aniga iyo Shacbiga JSL ee daacada ahba waxa metala kaliya Golayaasha Qaranka iyo sadexda xisbi Qaran ee JSL, kuwaas baa ka wakiil noqon kara afkoodana ku hadli kara. Sidaas oo ay tahay kooxdani may sheegin inay saddexda xisbi qaran ee JSL midna ay kamid yahiin, hadii aanay ka mid ahayn oo aanay ku hadlayn afkii xisbiga labaxay Hilaw oo xamarna ka dhisan, hadana sheegta in taageerayaashiisu ay Somaliland Joogaan.!
Waxaan xasuustay tuduc kamid ahaa gabayagii Mujaahid ibraahin gadhle ee ahaa "TUUGU WUU MILDHAABAA HALKA UU KA XADO TULUD TAHANBUU KA GUURAA ,TODOBAADKAN XAAJOW MID TIRIIG SITAA YIMID",waxa tuugaas kadhigan kooxdan yar ee sheegatay inay afkii shacbi weynaha JSL ay ku hadlayaan, ee hadana halkii ay ka dhuuman lahaayeen Baaq kusheegoodii soo dhex dhigay dad weynahii JSL ee ay ka been abuurteen oo dhibane ah magacoodiina lagu jeediyaywax aanay aaminsanayn..
Ugu danabayntii, waxaan weydiin lahaa kooxdan sheegatay inay shacbiga JSL Metalaan bal inay meelna sharciga kasoo galayso in kooxdoodan yar ee "SHACBIYIINTU" ay ku hadlaan afkii dad weynaha JSL? Hadiiba ay wax sharciyada uhayaan falkan ay ku kaceena,inay dadka usheegaan sharcinimada ay aniga iyo dad weynaha JSL ay nagu metalaan baaqooduna uu kunaqonayo mid shacbigii somaliland afkoodii huwan?.
Hadaba, hadii anay kooxdani sheegashadooda aanay wax sharciyada uhayn, umana helayaane waa inay ogaadaan inay iyagu Cadaalad daro sameeyeen oo ay xuquuqdii dadweynaha JSL meel kadhac ku sameyseen ,
Sidaas darteedna waa wax ugub ah ah in koox yar oo ciyaala xaafad ahi ubaadheedhaan inay xaaraan dhardhaarataan magacii shacbigana huwiyaan fikir aan dadku laqabin,hadana ay cadaalad daro iyo qaraaba kiil cid kale ku eedayaan. Sidaas darteed, Kooxdani cadaalada ka fogi maaha qaar wax khaldan inay saxaan doonaya ee waa qaar dad xor ah inay qalin iyo waraaq ay guryahooda la dhex haystaan doonaya inay ku afduubaan oo ku gumeeyaan. indha adaygaasna lasoo shaqo tegay oo mashruuc kusooqaatay. Gaf ka sharci iyo midka xuquuqeed ee kooxdani ay sibadheedha shacbi weynahaha uga galashayna waa danbi aan mid lamid ah cid hore dadkan Gobtaah uga gashay taariikhda soo marin, waana in horjoogayaasha kooxdan cadaalada la horkeeno hadii sharci sareeyaa jiro!
GUULAHEEN HALA JIRO SOMAALILAND
Qore: AbdiQani Egal
Email:cigaalkale@gmail.com
Hargeysa ,Somaliland Leave a comment |
|
WAA MAXAY UJEEDADA LAGA LEEYAHAY BAAQ SHACAB!. Qore: AbdiQani Egal.
WAA MAXAY UJEEDADA LAGA LEEYAHAY BAAQ SHACAB!. Qore: AbdiQani Egal.