MUCJISADA KU XEERAN M/WEYNAHA SOMALILAND

0
Tuesday July 02, 2013 - 19:35:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUCJISADA KU XEERAN M/WEYNAHA SOMALILAND

    Wax Ka Baro Astaamaha Ugaarka ah uu M/weynaha Somaliland Mudane,Axmed moxammad maxamuud.(Siilaanyo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Ka Baro Astaamaha Ugaarka ah uu M/weynaha Somaliland Mudane,Axmed moxammad maxamuud.(Siilaanyo) Mucjisada u horeysa waxay ahayd,27-ki Juulay 2010-ki oo ku beegnayd 24-kii saacadood ee
Barakaysana,dadka Muslimiinta?

“Mucjisada Habeenka
15-ka Shacbaan , waxaa u dheer
saddexdii sannadood sideed[8] maalmood oo ku beegan labada[2] bisha Juulay ee 2013.

“Mucjiso kale Xiliga
Uu Magacaabo Golaha Xukumadiisa Ama Wasiiradiisa,



Waxaa laga joogaa muddu gaadhaysa saddex sannadood iyo
sideed maalmood wakhtigi ay xukuumadu la wareegtay xilka ay maanta hayso,ee uu
M/weynaha ka yahay Mudane,Axmed moxammad maxamuud.

Mudadaas ay jirtay xukuumadan,wax qabadkeeda iyo horumarka
ballaadhan ee ay ku tallaabsatay oo ah mid aan indhaha shicibka laga qarin
Karin,oo si cad uga muuqda gudo iyo debadba,geesina waa garanaya doqona loo
sheegi mayo.

Haddaba markaan ka gudbo waxqabadka iyo horumarka ay ku
tallaabsatayba,taariikhdaa qiraysa,qirina doonta. Waxaan inta uga gudbaya
arrimaha mucjisada ah oo aan la sugayey
wakhti ay ku habboon tahay inaan u soo gudbiyo shacabweynaha S/Land,si
ay u ogaadaan dayrka ku xeeran xukuumada,gaar ahaan M/weynaha oo ah xiddiga ka
iftiimaya Afrika gaar ahaan geeska
Afrika.

Waxaynu u gudbayna Mucjisooyinka ku xeeran xukuumadda,oo ah
mid u baahan inay dadku ku xisaabtamaan qiimaha ay dal ahaan iyo dad ahaanba u
leeyihiin. Mucjisada u horeysa waxay ahayd,27-ki Juulay 2010-ki oo ku beegnayd
24-kii saacadood ee Barakaysana,dadka Muslimiinta ahna qiimo weyn ugu fadhida.
Koreeye Ilaahay[sw] agtiisana aan halkan lagu soo koobi karayn qiimaha iyo fadhliga
ay ku fadhiyaan Habeenka
iyo Maalintaasi. Waana Habeen & Maalin aan soo marin saddexdi M/weyne ee
soo maray dalkan,siiba dalalka muslimiinta ah horeysiyo dambaysoba aanay weli
soo marin maalintan iyo habeenkan barakaysan oo kale,M/weyne ka mida inta aynu
kor ku soo xusnay. Waana Habeenka 15-ka Shacbaan .

Waxaanay saddexdii sannadood ugu buuxaan,isla markaana ku
beegan 24/06/013 oo ay Bisha Shacbaana
tahay 15,waxaa u dheer saddexdii sannadood sideed[8] maalmood oo ku beegan
labada[2] bisha Juulay ee 2013. Dibna u
jalleec saddexdaas sannadood waxay soo qabatay
xukuumadani,hadday kaa dahsoon yihiin kor iyo hoosba u akhri maqaalkan
waad ka bogan doontaa, iyadoo aan soo koobay qoraalkaygan.

Waxaa laga soo wariyey,Abu Hurayrata [RTC] wuxuu yidhi
isagu,Rasuulka[SCW] ayaa yidhi, waxaa ii yimid, Jibraa`eel[cs] Habeenki
15-ka,Shacbaan waxaanu igu yidhi,Yaa MOXAMMAD
[SCW]habeenkan Caawa ah, waxaa la furaya Albaabada SAMADA & Albaabada RAXMADA ee
Istaag oo tuko,madaxa iyo
gacmahaagana ilaa Samada kor u qaad.NABIGI[scw]ayaa ku yidhi, Jibriilow[cs] waa
maxay habeenkani,maxaase dhacay….? Wuxuu igu yidhi, habeenkan waxaa la furayaa
saddex boqol oo ka mida Albaabada RAXMADA. Waxaana loo dambi dhaafaya guud
ahaan inta aan u shirki yeelin
Ilaahay[sw] ee aan ahayn,saaxiriinta,faaliyayaasha,laaluush qaataha,kuwa khamriga
caadaystay,kuwa u socda Sinada,kuwa
Ribada cuna,waalid caasiga,Namiimiyaha,kuwa jara Riximkooda[Qaadico Rixim]
kuwaasi looma dambi dhaafayo,ilaa ay ka toobad keenaan oo ay ka tagaan.

Jibriil [cs ] ayaa ku yidhi,yaa MOXAMMAD[scw] kor u qaad
madaxaaga oo eeg Samada,maxaad
arkaysa…..? NABIGI[scw] ayaa
eegay waxaanu arkay albaabadi Samada oo
furan iyo Malaa`igti Samada aduunyada
iyo kuwi Carshiga oo Sujuudsan,isla markaana dambi dhaaf u dalbanaya UMMADDA
NABI MOXAMMAD [ SCW ]. Waana
habeenka iyo maalinta,xisaab xidhka ee la furayo Diiwaanka Cusub lana xidhayo
Diiwaanki hore oo ah,sannad walba habeenka 15-ka Bisha Shacbaan ayaa la
xidhaa,Camalki Sannadkaas oo
dhan Samaan iyo xumaan. Waxaana la furaa
Diiwaan Cusub oo bilow u ah
adoomaha oo dhan.

Waxaa haddaba,mucjiso noqotay inuu M/weyne Axmed Moxammad
Maxamuud,la kowsaday habeenka iyo
maalinta barakaysan ama 24ka saacadood ee barakaysan,Diiwaanka cusub iyo xilka
ugu sareeya aadamaha oo maalintaas lagu wareejiyey iyo saygiisi oo ku
dhamaystay Diiwaanki xisaab xidhka oo la laabay ama la xidhayba samaan iyo
xumaan wuxuu lahaa oo dhan. Waxaanay
markhaati cad u tahay inu yahay shakhsi haybad iyo sharaf weyn xambaarsan oo
dalkan iyo dadkiisaba u horseedaya halka ay higsanayaa.

Mucjisada labaadna waa saddexda magac ee uu sito oo Cisi iyo
Karaamo ku leh,Ilaahay[sw] agtiisa. Fadhliga
magacyadani ay leeyihiin,waxaa noo xadiisay ama noo sheegay; Axmed
bin C/llaahi,wuxuu yidhi,Awowgay,isna
Aabbahay,Abul Cabbaas,sidqata bin Muusa bin
Tamiim bin Rabiicata bin damratul Qanawi Mawla Caliyi
bin Abi Daalib,waxaa noo sheegay Abi oo ka soo xigtay Xumaydal Dawiil isna uu
ka soo xigtay, Aanis binu Maalik [ RTCH ] wuxuu yidhi,Rasuulka [scw] ayaa
yidhi,laba adoon ayaa Ilaahay[sw] gacanta loo soo galinaya,kadib wuxuu ku
amraya inay JANNADA galaan. Labadi adoon ayaa odhanaya,Rabbigayagiiyow maxaanu
ku mutaysanay Jannad….camalkeediiba lamaanu iman ama maanu soo shaqaysan…?
Koreeye Ilaahay[sw] ayaa ku odhanaya,waxaad adoomadaydiiyow Jannada ku
galaysaan…. Anigu waxaan ka xishoonaya
adoon magaci Xabiibkayga leh
inaan NAARTA galiyo.

Culimo badan oo uu midba midka kale ka soo xigtay,NABIGANA[scw]
ay ka soo wariyeen,ayaa yidhi,NABIGA[scw] ayaa nagu yidhi,ka carruurtiisa
labadan magac Axmed iyo Moxammad u
bixiyaa,waa mid barakaysan isaga iyo
wiilkiisuba Jannada ayey galayaan. Qaar kalena waxay yidhaahdeen,haddaad u
bixisaan labadan magac mid ahaan waji farxad leh ku soo dhaweeya, karaamo
yeela,ha ka cadhaysiinina,hana huruufina. Haddaba magacyadan shakhsiga
xambaarsan,ma laga filaya inu shicibkiisa khayaali ku maaweeliyo….? Jawaabtu
waa Maya. Eeg kitaabka sacaadatul daarayn,bogg.393—399 .

Waxaanu shaki ku jirin oo hubaal ah,xisbiyada mucaaridka iyo
shakhsiyaadka xag jira,shirqool kasto ay doonayaan inay ku mijo xaabiyaan,wax
guul ah kama gaadhayaan,siiba war xume tashiilku ciddi us-kageed kama dhimi
karaan ,nidaamka iyo hawl maalmeedkiisa uu ku gudanayo waajibaadkiisa shaqo.
Taa waxaa raaca inta aan kor ku soo xusay hadday soo hor fadhiistaan, iyagoo
cadhaysan waxay ka soo baxayaan iyagoo QOSLAYA. Tallaabo kasto uu qaadona
guul mooyee,kuma guuldaraysanayo waanu
ka wada buruud weyn yahay. Sidaas darted,yaan laga cadhaysiin,yaan la qallin daarin
ee ha loo
daayo Xilka loo igmaday.

Mucjisada saddexaad ee ka dahsoon shicibka ama aysan ku
xisaabtamin,waxaa weeyaan Safarki dheera
ee uu Gobollada bariga oo dhan ku soo maray,iyadoo uu hore u soo maray
Gobollada galbeedka S/Land. Safarkan oo
baal Cusub oo Taariikhiya u furay Xukuumadan,isla markaana uu noqday M/weynihi u
horeeyey oo Safar noocan
oo kale ah ku taga inta Gobol ee uu dalkani ka kooban yahay. Waxaanu safarkaasi
u quus gooyey,cid kasto cadow u ahayd gudo iyo debadba. Waxaa taa u raacda ka
qayb galki shirki London,oo argagax , amakaag iyo fajiciso ku noqotay TFG-da
soomaaliya[sheikh shariif]iyo cid kasto olole ugu jirtay midnimada soomaaliya.

Arrimahaas iyo kuwo kaleba,waxay kor u qaadeen sumcadi iyo
sharafti aynu ku lahayn Caalamkan,kuwaasoo fikirki ay ka haysteen S/land ay wax
weyni iska bedeleen,isla markaana u qireen horeysiyo dambaysoba waxay
qabsatay,kuna booriyey inay iyago laba dawladood ah miiska wada hadalka isugu
yimaadaan oo ay
Dawlad saddexaadna dhexdhexaadiso,taasina waxay ku timid go`aanki geesinimada
lahaa ee uu shicibkiisa u soo bandhigay,kala tashaday in shirkaas laga qayb
galo oo aynu aduun weynaha u soo bandhigno waxaynu doonayno iyo waxaynu diidan
nahayba,mawqifkeenana aynu halkaa ka caddeyno........iwm.

Wax qabadka xukuumadan halkan laguma soo koobi
karo;balse,sannadkan u dambeeyey ayeynu inta u muhiimsan ka soo qaadanayna.
Marka hore waxaynu soo qaadanayna wacdarihi
iyo geesinimadi uu ku qaadacay inuu ka qayb galo shirki koofurta
soomaaliya loogu qabanayey dalka Ingiriiska,go’aankii uu ka qaatay ee uu
Ra’isal wasaaraha D.Cameron uu ugu jawaabay Af iyo qoraalba,inaanu shirkaasi
khusayn JSL.ka qayb galkiisuna uu xaaraan yahay. Isla markaana ay shicibweynaha
S/LANDna aad ugu khushuuceen kuna taageereen go’aankaa geesinimada leh ee uu ku
qaadacay shirkaasi….iwm.

Waxaa kaloo xusid mudan oo aan marna qarsoomayn,isla
markaana M/weynayaashi soo maray ama ka horeeyeyba aanay hoosba u eegin
hay’adaha Dawladdu dhismayaasha ay ku jiraan oo aan marna loo arki jirin
Xafiisyo dawladeed,muuqaalkooda gudo iyo debadba leh oo aan lahayn qaab
xafiisyo dawladeed ah…..iwm.

Haddaba,maanta bal ka warama shicibow,dhismayaasha cusub ee
hay’adaha dawlada loo dhisay iyo kuwa dhismahoodu socdo oo aan halkan lagu soo
koobi karayn,muuqaalkooda bilicda san ee gudo iyo debadba leh,maantana u muuqda
xafiisyo maamul iyo nidaam leh oo la tartami kara dowladaha aynu jaarka nahay
iyo kuwo kaleba. Waana arrin ay iska indho tiraan kuwa af-lagaadeynaya,cambaareynaya
iyagoo arkaya wax qabadka iyo horumarka ballaadhan ee ay xukuumadani gudo iyo
debadba ku tallaabsatay,horti jirena awoodi waayey inuu wax is-bedela ku
sameeyo hay’adaha loogu adeego shicibweynaha iyo Ajaanibka dalka soo booqda…
iwm.

Qof kasto dardara kululna dabar lagu ceshaa jira,waxaan
leeyahay mucaaridow cadhuuftaada dib u
liq,oo ha ku hungoobin hadal aan wax kuu soo kordhinay,sharaftaada iyo
sumcadaadana waxaan jirin ka
dhigaya…iwm. Waxaan leeyahay waa M/weyne dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah oo
aanu jirin shakhsi maanta lagu doorsan karaa. 24/06/013,waxaa ugu buuxsamay
saddex sannadood,oo ku beegan 15-kii shacbaan iyo isku shaandhaynta golaha
wasiirada oo bog cusubi u furmay kii horena la laabay,waana guul u soo hoyatay
JSL.oo dhan.

Waxaan ku soo afjaraya maqaalkan mustafaysan,in M/weynaha
loo daayo taladiisa iyo go`aanka uu ku
meel marinayo wax qabadkiisa dhaw iyo kan fogba.waxaana hubaal ah haddii aan la
qalin daarin inu kaga dhabayn doono
himiladiisa uu ku doonayo,inu dalkani noqdo mid loo soo shaqo tago,balse aanu
noqon mid laga tahriibo ama laga cararo. Waana M/weyne, Daacad u ah shaqadiisa
oo aan cidna u habranayn. Shir kasto uu isago goob joog ka yahayna uu ku helayo
wuxuu markaas ka doonayo ama uu ka dalbanayo .

Muwaadin ha ka hadhin tareenka,maalin aan fogayn waxaad arki
doonta busaaradi oo jabtay iyo shicibweynihi S/land oo yar iyo weynba u
DUCAYNAYA,M/weyne,Axmad Moxammad Maxamuud. Waxaana kaaga filan mucjisooyinka
aan kor ku soo xusay,oo ka turjumaya
Barwaaqada iyo Nimcada ku soo fool leh
JAMHUURIYADA S/ LAND.

Allaa Mahad Leh

Waxaa soo diyaariyey, ,AXMED M.M.C, MOHAMMAD JAAMAC LIIBAAN

Tel.0634268588-79118404

gadbadiir2013@outlook.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured