MAJAAJILAYSTAHA REER DJIBOUTI MR SHOO-DHAHAYGII OO KA WARAMAY SABABTA UU KU JECLAADAY INUU MARKASTA SOO BANDHIGO DHACDOOYINKA MIRQAANKA QAADKA

0
Tuesday July 02, 2013 - 19:11:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAJAAJILAYSTAHA REER DJIBOUTI MR SHOO-DHAHAYGII OO KA WARAMAY SABABTA UU KU JECLAADAY INUU MARKASTA SOO BANDHIGO DHACDOOYINKA MIRQAANKA QAADKA

    Hargeysa, (xogreebnews.com-— Majaajilaystaha reer Djibouti ee dhalinyarada ah C/rashiid Nuur Jaamac (Shoodha-haygii) ee deegaamadda Somaalida aadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com-— Majaajilaystaha reer Djibouti ee dhalinyarada ah C/rashiid Nuur Jaamac (Shoodha-haygii) ee deegaamadda Somaalida aadka Hargeysa, (xogreebnews.com-— Majaajilaystaha reer Djibouti ee dhalinyarada ah C/rashiid Nuur Jaamac (Shoodha-haygii) ee deegaamadda Somaalida aadka looga xiiseeyo ayaa habeen hore soo gaadhay Caasimadda dalka ee Hargeysa, kaas oo shalay Wargeyska Haatuf uga waramay sababaha uu inta badan Riwaayadihiisu ay ugu badan yihiin dhacdooyinka Qaadka ay Soomaalidu kala kulanto ama sida loo yaqaano Mirqaanku dhaxalsiiyo.

C/rashiid Nuur Jaamac waxa uu sheegay inay qisooyinka Mirqaanka qaadku dhaxalsiiyo Soomaalida ama dadka uu qabatimay ee cunistiisa u ban-baxay inay yihiin dhacdooyinka ugu qosolka iyo xiisaha badan ee bulsho kasta oo balwada qaadku haleeshay ay aad uga helaan in looga sheekeeyo. Sidoo kale Majaajilaystahan reer Djibouti waxa uu Haatuf u sheegay inuu dhalinyarada Somaliland u soo sameeyey Filim ka hadlaya dhibaatadda Tahriibta oo run ahaantii ah misiibo aafaysay dhalinyaradii dalka, kaas oo xusay inuu si wayn u rajaynayo in Riwaayadihiisaas waxwayn ka tari doonaan joojinta Tahriibta. Waraysigaas uu C/rashiid Nuur Jaamac oo ku caanbaxay kalmada (Shoodhahaygii) waxa kaga hadlay arimo badan oo door ah, kaas oo ugu horayna ka hadlaya sida uu arko safarkiisa Somaliland oo ah markii ugu horaysay ee uu waligii booqasho ku yimaado, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Intaanan ka hadlin sida uu iila muuqdo socdaalkaygan Somaliland, waxaan marka ugu horaysa u mahadnaqayaa Shacbiga Somaliland iyo xukuumadoodaba, kuwaas oo aan uga mahadcelinayo sida fiican ee ay ii soo dhaweeyeen ee gobonimada leh oo markii hore maqal uun igu ahayd balse imika aan si cad u arkay wanaaga dadka reer Somaliland ee aanu walaalaha nahay. Waxaanan ugu talo galay inaan bulshaddan u sameeyo Barnaamijyo fiican iyo riwaayado ay aad ula dhacaan oo ku taxaluqda noloshooda iyo xaaladaha dhabta ah ee ay markasta arkaan, riwaayadaha aan reer Hargeysa ugu soo talo galay ee aan u soo bandhigi doono waxay ka hadlayaan Tahriibta, dhibaatada qaadka iyo Mirqaanku uu Soomaalida ku hayo iyo arimo kale oo badan”.

S: Siduu kuula muuqdaa Safarkaagani, walise hore ma u timid Somaliland?
J: Safarkaygan aan Hargeysa ku joogo waxaan ku sifaynkaraa safarkii iigu qiimaha badnaa ee aan abid dal kale ku tago, waxaan sidoo kale aad ugu farxay sida la iigu soo dhaweeyey Hargeysa iyo Berbera oo aan shalay ka soo degay, isla markaana aan ku arkay laba cimilo oo aad u kala duwan, isla markaana kulayl iyo qabowba leh, waxaanan ogaaday in Berbera iyo Djibouti ay kalama-adkaan yihiin xaga kulaylka, laakiin markii aan Hargeysa soo gaadhay ayaan hadana u yimid Cimilo kale oo qabow oo aan ku raaxaystey.
Hadii aan kaaga jawaabo su’aasha kale ee aad raacisay, waligay hore umaan imanin anigu Hargeysa iyo guud ahaan dhulka Somaliland oo dhan gabi ahaantiisba, waanan ku faraxsanahay inaan imaado halkan oo aan in badan sheeko uun ku maqli jiray.
S: Maxaad ka aaminsanayd markii hore ee aanad imanin Somaliland ama Caasimadda dalkan ee Hargeysaba?
J: Run ahaantii taasi waa su;aashii loo baahnaa inaad iigu horaysiiso, laakiin hadii aan waxyar kaaga taabto sida aan u haystey Hargeysa ama Somalilandba intii aanan imanin ka hor, inay ku nool yihiin dad aad u rabshad badan oo dabcan beenowday imika, waxaana la igu odhan jiray markaad Hargeysa tagto ee aad qaadka iyo mirqaanka wax ka sheegto way ku birayn-doonaan dadkaasi, taasina waa mid aan si dhab ah u ogaaday inay dacaayad loo samaynayo reer Hargeysa ay tahay oo runtii waxaan halkan ku arkay dad ilbax ah oo nin walba shaqadiisa iyo hawlihiisa ku mashquulsan yahay.
S: C/rashiid mudadii koobnayd ee aad joogtay Somaliland ma aragtey wax aad kuu soo jiita ama wax aad la yaabto oo aanad hore u arkin?
J: Haa waxyaabaha iga yaabiyey intii aan halkan joogay waxa ka mid ahaa sida ay noloshu u jaban tahay oo aad runtii ii soo jiitey, waxaan Hargeysa ku arkay Cunto raqiis ah iyo qaad raqiis ah iyo nolol aad u macaan oo ay ku tusayaan dadka halkan ku nool oo ah dad kalgacal badan oo si wanaagsan kuu soo dhawaynaya.
S: Socdaalkaagan aad Hargeysa ku joogtaa muxuu daaran yahay amase uu salka ku hayaa amaba aad u haysaa dadka reer Somaliland inta badan kaala socon jiray Shaashadaha TV-yada?
J: Horta markii hore ee aan Djibouti ka soo baxayey wax ujeedo ah oo aad u wayn oo aan socdaalkayga ka lahaa oo aan ahayn Dalxiis may jirin oo bac iyo cabsi ayaaba iga haysay Hargeysa laakiin imika waxaan go’aansaday inaan Riwaayado Majaajilo ah oo aad u soo jiidan doona bulshadda aan Huteeladda Hargeysa ku sameeyo hadii Alle yidhaahdo. Waxa kale oo aan ogaaday in xoriyad badani halkan taalo oo aan meel walba si xor ah u mari koro, waxaanu safarkaygani noqon doonaa kii iigu macaanaa ee aan abid baxo, waxaanan rajaynayaa inaanan waligay ilaawin sida la iigu soo dhaweeyey Somaliland.
S: Maadaama oo Riwaayadahaaga ama Majaajilooyinkaagu ay u badan yihiin arimaha Qaadka iyo dhacdooyinka ku lamaan, maxaad ku Calmatey inaad sidaas oo dhan qaadka ugu talax-tagto?
J: Waxaan ku doortey arimaha qaadka iyo qisooyinka ka hadlaya Mirqaankiisa, run ahaantii sida aynu wada ognahay qaadku waxa lagala kulmaa dhacdooyinka ugu qosolka badan oo Soomaalidu aad ayey sheekooyina Mirqaanka u xiisaysaa, taas ayaa ugu wayn waxyaabaha igu kalifay inaan ku fogaado arimaha qaadka iyo mirqaanka waxyaabaha uu keeno. Waxaanan inta badan soo bandhigaa qisooyinka ama dhacdooyinka dadku ay kala kulmaan qaadka iyo mirqaankiisa, waxaanan filayaa inay Soomaalidu aad u xiisayso sheekooyinkiisa. Mida kale anigu sheekooyinka Mirqaanka ee aan inta badan soo bandhigo waa wax ka kala dhacay dhamaan dhulka Soomaalida oo dhan, inta badana meelo aanan wali arag ayey ka dhaceen, run ahaantiina waxaan arimahaas u soo bandhigaa dadka ka qosli oo kaliya ee ugama jeedo inaan dhaqankooda ku caayeyo.
S: Dhacdooyinka Mirqaanka ka dhasha ama Soomaalida ka soo mara cunista qaadka wali adiga si dhab ah ma kuugu dhacay ama wali sheeko Mirqaan kaa qoslisay oo kugu dhacday adigu ma jirtaa?
J: Sida aan kuu sheegay dhacdooyinka Soomaalidu qaadka kala kulanto ayaan ka sheekeeyaa, waana suurta gal in aniga qaar badan oo igu dhacday ama aan kala kulmay Mirqaanka qaadku, waanan ka cudurdaaranayaa inaan arintaas ku sii fogaado, waayo dee xataa aniga ayaa markaa noqonaya nin aragtidiisa lagu qoslo. Dhacdooyinka aanan hore u arag ee aan Hargeysa ku arkay waxa ka mid ah Magaalo dhan oo Xayraankeeda iyo Taajirkeedu uu qaad badan sito oo la wada barjaynayo ayaan arkay, waxaanan ku qoslay sida qaadka anaga suququlka nagu ahi uu halkan ugu jaban yahay ee loo wada cunayo qaad isku mid ah oo isku wada qiimo ah. Mida kale waxaan jeclahay inaan halkan ku xuso in marka aan dhameeyo Barnaamijka aan ugu talo galay reer Hargeysa inaan u sii dhaafo Magaaladda Boorama, ka dib aan ku danbeeyo Magaalada Jigjiga oo runtii aan aad u xiiseeyo.
S: Waxaad sheegtey inaad Hargeysa ku soo bandhigi doonto Riwaayado ka hadlaya dhibaatooyinka Qaadka iyo Tahriibta dhalinyarada, maxaad filaysaa inay arintaasi ka badali doonto sida hada ay yihiin ama heerka ay marayaan?
J: Dabcan si ummadu ay u xiisayso Sheekooyinkaaga waa inaad mar walba wax ka jisho dhacdooyinka dhabta ah ee ka taagan dhulka Soomaalida, waxaanan rajaynayaa in sheekooyinkaasi wax wayn ka tari doonto dhibaatooyinka Tahriibta iyo balwada qaadku ku hayaan dadkeena, waxaanan reer Hargeysa u soo diyaariyey qisooyin qosol badan oo aad uga qoslin doona, isla markaana ay dhalinyaradu ku nici doonaan Tahriibta.
Source: Haatuf


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured