SIILAANYO OO LA FILAYO INUU MAANTA SOO SAARI DOONO LIISKA ISKU SHAANDHAYNTA HAY’ADAHA MADAXBANAAN IYO AGAASIMAYAASHA GUUD OO WADNAHA FARTA KU HAYA

0
Tuesday July 02, 2013 - 19:10:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO OO LA FILAYO INUU MAANTA SOO SAARI DOONO LIISKA ISKU SHAANDHAYNTA HAY’ADAHA MADAXBANAAN IYO AGAASIMAYAASHA GUUD OO WADNAHA FARTA KU HAYA

    Hargeysa,(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isku shaandhayn ku samayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isku shaandhayn ku samayn Hargeysa,(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isku shaandhayn ku samayn doono Maareeyayaasha hay’adaha dawlada ee madaxabanaan iyo agaasimayaasha gud ee wasaaradaha. Sida ay shabakada Baligubadlemedia u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo maalmihii u dambeeyay ku hawlanaa qorshe uu isku shaandhayn iyo isku badal ugu samaynayo qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha madaxabanaan iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha, taas oo ilo wareedyadu tibaaxayaan inuu Madaxweynuhu dhamaysytiray liiska hay’adaha isku shaandhaynta lagu samayn doono. Ilaa hada si rasmiya looma oga hay’adaha madaxabanaan iyo agaasimayaasha gud ee isku shaandhayntu saamaynta ku yeelan doonto kuwa ay noqon doonaan, hase yeeshee masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dawlada iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay wadnaha farta kaga hayay sii joogista xilalkooda. Waxaanay wararku inaas ku darayaan in Seeftu saaran tahay Maareeyayaal iyo agaasimayaal doora oo la filayo in Seeftu la tagi doonto. Wasaaradaha qaarkood ayaa waxaa jira wasiiro iyo agaasimayaal guud oo isku beel ka soo jeeda, kuwaas oo aan la ogayn go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono wasaaradaha layskugu geeyay wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee isku beesha ka soo jeeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured