Madaxtooyadda Oo U Dabaal Degaysa Sanad Guuradda Sadexaad Ee Madaxtinimada Siilaanyo: Xilli Kumanaan Dhalinyarro Ahi Ka Haajireen Dalka Kana Tahriibeen Shaqo La’aanta Xukuumadda Siilaanyo

0
Tuesday July 02, 2013 - 09:21:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Oo U Dabaal Degaysa Sanad Guuradda Sadexaad Ee Madaxtinimada Siilaanyo: Xilli Kumanaan Dhalinyarro Ahi Ka Haajireen Dalka Kana Tahriibeen Shaqo La’aanta Xukuumadda Siilaanyo

    Hargeysa (xogreebnews.com-) Madaxtooyadda Somaliland ayaa berri qabanaysa casuumad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Kulmiye, Wasiiradda iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-) Madaxtooyadda Somaliland ayaa berri qabanaysa casuumad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Kulmiye, Wasiiradda iyo Hargeysa (xogreebnews.com-) Madaxtooyadda Somaliland ayaa berri qabanaysa casuumad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Kulmiye, Wasiiradda iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, taasoo lagu maamuusayo sanad guurada Sadexaad ee guushii Madaxweyne Siilaanyo ka soo hooyay doorashadii Madaxtinimada ee uu ka helay Madaxweynihii Xisbigii UDUB Daahir Rayaale Kaahin.

Casuumadan oo ka dhici doonta Hotelka Maan-soor waxa ay ku beegan tahay Maalintii Madaxweyne Siilaanyo loogu dhawaaqay xilka Madaxweynenimo ee uu ku hogaaminayo Somaliland, waxaanay noqon doontaa dabaal degii sadexaad ee Xukuumadda Kulmiye samaysato mudadii ay talada hayeen.


Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ka kooban afartan xubnood oo noqonaysa kala badha mudanayaasha Golahaas, ama marka si kale loo eego Aqlabiyadda Golahaasi ayaa lagu casuumay Munaasibadaasi loogu dabaal degayo guushii Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay xukuumaddu si gaar ah u casuunto Mudanayaasha Xisbigeeda.

Xafladan ayaa muujinaysa in Madaxweyne Siilaanyo qaatay sanadkiisii sadexaad, isagoo gelaya kiisii afraad, oo ay u hadhsan tahay oo kali ah laba sano oo midkood uu cagaha la galay, waxaanay noqon doontaa mid masuuliyiinta ka soo qayb galaysa ay isku bogaadin doonaan.

Xukuumadda Kulmiye ee talada haysa ayaa sadexdii sano ee ay xilka haysay dadweynuhu aragtiyo kala duwan ka soo jeediyaan, waxanay qaar ka mid ah dadweynuhu u arkaan in ay ku guul daraysatay rajadii laga qabay ee ahayd in ay Ictiraaf keeni karto.

Qaar kale ayaa dhaliila waxqabadkii looga baahnaa haddii ay noqon lahayd Horumarinta Ganacsiga, shaqo Abuurka, Amniga iyo fulinta Adeegyo bulsho oo ka badan intii UDUB, waxaanay dadkaasi ku doodaan in aanay soo kordhin wax muuqda oo wax ka taraya baahiyaha jira, sida Jidadka, Caafimaadka, Biyaha iyo Korontada.

Hase yeeshee Masuuliyiinta Xukuumadda iyo qaar ka mid ah Dadweynaha ayaa qaba in ay xukuumaddu waxyaabo badan soo kordhisay, iyagoo xusa Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland, Bilicda xarumaha Dawladda, Furitaankii Uraradii siyaasadda iyo xakamaynta dhaqaalaha.

Si kasta ha ahaatee, sanad guuradda sadexaad ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ayaa ku soo beegmaysa xilli Dadweynaha Reer Somaliland ay si kulul u taabatay shaqo la’aan sababtay in dhalinyaro iyo waayeelba Dalka laga Tahriibo, isla markaana quusta ay bulshadu kala kulantay xukuumadda Kulmiye oo odhan jirtay UDUB way tagaysaaye ha tahriibinaay ay si ba’an ugu dhimanayaan Saxaraha iyo Xeebaha Galbeedka Afrika.

intii xukuumadda siilaanyo talada dalka haysay waxa dalka ka tahriibtay dhalinyaradii ugu badnayd abid somaliland taas oo keentay inay dadku quus ka istagaan wax qabad laga fisho xukuumadda siilaanyo

sidoo kale intii xukuumada silaanyo talada haysay waxa s i xawliya kor ugu soo kacday qabyaaladda waxaanad arkaysa iyadoo meelaha dadku ku kulmaan ama suuqyada iyadoo laga hadal hayo qabyaaladda , dadka siyaasadda indho indheeyaa waxay sheegaan in xukuumada siilaanyo ay dadka ku soo celisay ku dhaqanka qabyaaladda maadaama oo madaxtooyadu ku dhaqanto qabyaaladda

Tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maanta ka qayb galay munaasibad arrintaas loogu raadinayo xal, taasoo ay iska kaashadeen Ururada Bulshada iyo Xukuumaddu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured