Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada shucayb Cabdilahi Xuseen oo Beeniyey in Xaalad Caafimaad Daro lasoo Deristay Madaxweyne Muuse Biixi...

0
Saturday May 02, 2020 - 22:14:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada shucayb Cabdilahi Xuseen oo Beeniyey in Xaalad Caafimaad Daro lasoo Deristay Madaxweyne Muuse Biixi...

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada shucayb Cabdilahi Xuseen oo Beeniyey in Xaalad Caafimaad Daro lasoo Deristay Madaxweyne Muuse Biixi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada shucayb Cabdilahi Xuseen oo Beeniyey in Xaalad Caafimaad Daro lasoo Deristay Madaxweyne Muuse Biixi...
Canada(Xogreebnews)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada Shucayb Cabdilahi Xuseen, ayaa beeniyey in xaalad caafimaad lasoo deristay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb. Cabdifatax uu u sheegay in Madaxweynuhuu ku sugan yahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa,isla markaana Caafimaadkiisu fiican yahay,wax isbedel ahi aanu kusoo kordhin. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakada Xogreebnews, waxanu dhigan yahay sidan.
"Anigoo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada Shucayb Cabdilahi Xuseen, Waxaan halka  ku beeninayaa inaanu jirin wax caafimaad daro ah oo lasoo deristay Madaxweynaha Somaliland.
Waxanan saaka la xidhiidhay safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, gaar ahaana Safiirka Somaliland u fadhiya halkaa Amb. Cabdifatax, waxanan ka waraystay Wararka beenta ah ee ilaa xalay la wareejinayey baraha Bulshada. 
Safiirku waxa uu ii sheegay in Warkaas ay wadaan dad canaasiira Kuwasoo kasoo shidaal qaata madaxtooyada Vila War-dhiigley ee ay hoggaamiyaan Farmaajo, Khayre iyo mahad Guuleed, kuwasoo baraha Bulshada wareejinaya warar been abuurka ah oo ay ka faafinayeen Caafimaadka Madaxweynaha Somaliland, waxanay qorshaha soo siiyeen shaqsiyaad calooshooda u shaqaystayaal ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland.
Xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi way fiican tahay waanu caafimaad qabaa, shaqadiisi maalin laha ahayd ayuu wataa, waxa uu ku mashquulsan yahay inuu dalkiisa umadiisa ka badbaadiyo Coronavirus alla hala garabgalo'e.
Sidoo kale, waxaan la xidhiidhay Madaxtooyada Somaliland, wasiiro, maareyayaal Gudoomiyeyaal iyo qaar kaloo badan dhamaantood waxay ii sheegeen in Warkaasi yahay been abuur, Isla markaana ay wadaan xubno u shaqaaya cadowga Somaliland ee Farmaajo iyo Khayre.
Waxaan kula dardaarmayaa umada Somaliland inuu Madaxweynuhuu yahay astaantii qaranka, isla markaana uu huwan yahay Haybad, mucaarid iyo muxaafidba Madaxweyne u yahay, Waxanaan leeyahay, "
Anay kimisi ii nooshahoo aan laasan kadabkayga , Ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye .
Cimri dheer & caafimaadQab kuwaar abidkaa inta nololi jirto mudane madaxweyne".
Waa bilahi Tawfiiq.
Shucayb Cabdilahi Xuseen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured