Xero-dhiigtii Xorriyadda: Hannaankii Xadhiggayaga iyo Habka Cabudhinta Xukuumadda Kulmiye! Qormada 1aad. Maxamed Siddiq Dhamme
Xero-dhiigtii Xorriyadda: Hannaankii Xadhiggayaga iyo Habka Cabudhinta Xukuumadda Kulmiye! Qormada 1aad. Maxamed Siddiq Dhamme
Ereyga Xero-dhiig waa kawaanka lagu qalo xoolaha nool. Maalin kasta waxa lagu gawracaa intaas oo neef oo adhi, geel iyo lo’ leh, kaddibna suuqa ayaa loo iib geeyaa. Somaliland waxa ay beryahan dambe sii noqonaysaa xero-dhiigtii xorriyadd. Waxa birta laga aslay dhaqaalihii ummadda, xorriyaddii hadalka, saxaafaddii, xisbiyadii, doorashadii, xuquuqdii aadamaha, qaddiyaddii ictiraaf-raadinta, tanaasulkii madaxweyne lagu yaqaannay iyo tixgelinta tabashada ummadda. Qormooyinkan taxanaha ah een u bixiyay Xero-dhiigtii xorriyaddu waxa ay xus iyo xasuus u yihiin xadhiggii qaatay 71ka maalmood ee aan kal hore ama 1dii Mey 2019ka illaa 10kii Julaay 2019ka aan ka soo laacay.
Kanina waa kii kowaad ee aan soo tebinayo, waxaanu si guud uga warramayaa xadhigyadii aan tirada lahayn ee ay ku tallaabsatay xukuumadda uu hagaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Muddo laba sanno iyo badh ku dhaw oo uu xilka hayo, waxa gudaha la dhigay dad badan oo kala geddisan. Qaar la xidhay xilligii Siilaanyo oo la xukumay inta Muuse Biixina way jiraan.
Waxa ka mid ah:
1. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw: Hadal uu ka jeediyay xaflad lagu caleema-saarayo madax-dhaqameed ayaa lagu maagay. Sarejoogga ayaa lagu xukumay.
2. Axmed Caddib saw isaga oo Hargeysa ka qaadaya imtixaanka Qaranka lagama walwaalin Ceelafweyn!
3. Mohammed Keisse : Qoraal ah ”Madaxweynuhu waa local” ayaa lagu qaniinay, laguna xukumay
4. Abwaan Cabdiraxmaan Abees: Dhaliil uu Madaxweynaha iyo booliska u jeediyay ayaa lagu bannaday.
5. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr : Naxli booliska dhex yaallay ayaa lagu sannifay, waxa lagu eedeeyay shil-beenaad.
6. Xildhibaan Axmed Cali Haybe oo ka tirsan dawladda hoose ee Hargeysa waxa lagu xidhay khilaaf dhul ah oo dhexmaray mudanaha iyo xigtada madaxweynaha.
7. Nimciima Abwaan Qorane: Qoraal riyo ka warramaya ayaa lagu hiifay.
8. Saleebaan Ibraahin: Waxa uu ka hadlay xatooyo ka dhacday gobolka Saaxil.
9. Cabdicasiis Jalawo: Waxa uu ka hadlay saamiga iyo xilka badhasaabnimo ee Gobolka Sanaag.
10. Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsme (Sunne) iyo dhallinyaro la kiis ah: Khubad uu jeediyay fal wanjalaad ah ayaa la isugu sidkay.
11. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud: Inay ku jireen Whatsp beeshoodu leedahay ayaa qiil looga dhigtay.
12. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool: 18ka May oo uu aragtidiisa ka dhiibtay ayaa loogu marmarsooday
13.Cabdiraxmaan Aar, Guddoomiyihii Ururka CIWAAQ: Waxa loo xidhay in uu xidhay dhar calanka Soomaaliya leh, waxa uu hadda ka degay Muqdsiho.
14. Abdilmalik Musa Coldoon: Aragtidiisa uu ka qabo xukuumadda iyo duritaanka nin khaniis ah oo 2016kii Somaliland yimi ayaa lagu taxaabay.
15. Jamaal Cabdi: Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu ahaa, waxa lagu raafay qoraal uu boggiisa Facebook ku dhaliilay saldhigyada iyo dhaqanka booliska.
16. Cabdiqani Yaasiin Maxamed: In uu yahay muwaaddin u shaqo tegay Muqdisho ayaa kiis loo dhigay.
17. Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Warfaafinta: Waxa lagu tigtigay inay musuq sameeyeen. Waxa laga qaaday ama ay iska casileen xilkii ay qaranka u hayeen. Lama wadin dacwaddooda, waana laga gaabsaday in la caddeeyo waxa lagu xidhay.
18. Mujaahid Afbakhaarle: Waxa uu ka hadlay weerar lagu qaaday guriga xaaskii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
19. Haweenay taageertay Iiraan oo qaddiyadda bariga dhexe faallaysay ayaa la dallacay.
20. Boorama waxa xabsiga liinta ku cabbay dhallinyaro ka hadlay dhibaato ay jabhaddii SNM u geysatay Degmada Dila.
21. Shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu wanjalay inay gubeen Xarun ku taallay Warfaafinta, markii ay bilo xidhnaayeen ayaa la sii daayay.
22:Khadar Abdi iyo Barkhad Jamac Batun: Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa la wafaashay isagoo ka soo baxay guriga Guddoomiye Cirro iyadoo lagu xidhay saldhiga dhexe, Xoghayaha guud oo soo booqday isagana waxa laga qaaday xorriyadiisa. Labadoodaba saqdii dhexe ee hebbeenkanla wabtay ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiga Madheera.
23. Maxamed Abiib: dad qaba Koronofayras oo baxsaday ayuu shaaciyay.
24. Cabdiwahaab Unity: Sarkaal Xamar u tegay caddaalad-darro iyo ka hadalka xadhigga Maxamed Abiib ayaa laba jeer loo xidhay.
25.@ Dr-Abdulqani Hussein Beder, maalintii ka horraysay Ramadaan 23kii Abril 2020ka ayaa gudaha la dhigay.
26. Fannaaniinta kala ah Barwaaqo-Qalanjo, Xamda-Qaali iyo Saalax Carab miyaanay liinta cabbaynnin.
27. Cabdi Duco ayaa xarunta argagixsada lagu bannaday.
28. Maxamed Aadan Suldaan: guddoomiyaha Xisbga WADDANI Awdal ayaa xabsiga loo taxaabay 30 April 2020 kaddib markii waaran Hargaysa laga jaray loogu daatay suxuurtii gurigiisa iyadoo Borama saldhig, maxakamad iyo xabsi leedahay Hargaysa laga maleegay Xabsiaadiisa.
Wada uun dee, ku dara, miyaa tiro lagu koobi karaa.....
Qaar ka mid ah waxa ku dhacay xukun, qaar waa la iska sii daayay, qaarna dammaanad ayaa lagu sii daayay iyada oo aan kiiskoodii la sii wadin, qaar dalka ayaa laga caydhiyay, qaarna, qaarna......... qaarna........... sidii la doono ayaa la yeelay. Waxad mooddaa in indhihii iyo awooddii qaranka lagu jeediyay ummadda. Halkii xilgudasho, xannaano iyo xaqdhawr laga filayay, inta xaqa la xooray ayaa xadgudub, xajiin iyo xumo laga raadinayaa.
Miyaan hadhcad albaabbada loo laabin Wargeyskii Foore! Saw amar degdeg ah lama saarin Tiifiiyada Horyaal iyo Eryal. Haa, meeqa jeer ayaa tiifiiga SAAB looga yeedhay dembi-baadhista. Saw Abril 2019ka lama fashilin dhagar xukuumaddu la maagganayd ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Iska daa dadka shacabka ahe, maalin uu si adag u hadlay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa ay xogo hoose tibaaxeen in Madaxweynuhu amray in la xidho oo uu xammili kariwaayin dhaliisha !
Waa maalintii uu yidhi ”Haddii madaxweynuhu uu madax u noqday KULMIYE iyo UCID, inta kalena ma madaxweyne la’aan doonto”. Raggii warka maqlay ayaa ku yidhi ”Miyaad soo afjaraysaa, sidaasi waa in lagu kala dareero”. Waxa hortay la baahiyay in Madaxweynuhu odayaal la xigaal ah Ramaax Xogahaya Arrimaha Gudaha UCID uu ku yidhi ”Haddii aad qabsan weydaan, hadhaw ha ka daba imanninna, halkaan ku rido waydun arki”. Shaqada xisbiyadu ma ammaanta madaxtooyadaa?
Waxa qurbaha u firxaday dad badan oo ka cabsi qaba in gudaha la dhigo. Qaar badan ayaa ibriiq ku addima oo afkooda haysta, waayo xadhiggi wuxuu noqday wax nolosha maalinlaha ah ku jira. Haddii hore loogu maahmaahay ”Ama Afweyne raac, ama afkaaga hayso ama Afgooye joog” imaka tii mid la mid ah ayaa taagan. Saddex sano ku dhawaadkaa, marka laga tago tiraabta lagu duray Madaxweynaha waxa ka badan tix-maanseedka lagu dhaliilay. Dad ayaa yidhaahda ”Siyaad Barre oo 21 sanno xukunka hayay, looma tirin gabayada Muuse Biixi loo tiriyay”.
Habdhaqanka noocan ah looguma garaabi karo qof ku yimi codka bulshada. Waxa uu god madaw ku ridayaa astaantii ay Somaliland kaga mudhay Geeska Afrika iyo dunida oo ahaa xorriyadda hadalka. Sannadba ka ka danbeeya ayaad moodaa in dub loo guranaayo, maanta waxay dhaantay sannado ka hor, hoggaanka maantama waxa ka dulqaadbadnaa hoggaamiyayaashi ka horeeyay.
La soco ........................ Leave a comment |
|
Xero-dhiigtii Xorriyadda: Hannaankii Xadhiggayaga iyo Habka Cabudhinta Xukuumadda Kulmiye! Qormada 1aad. Maxamed Siddiq Dhamme
Xero-dhiigtii Xorriyadda: Hannaankii Xadhiggayaga iyo Habka Cabudhinta Xukuumadda Kulmiye! Qormada 1aad. Maxamed Siddiq Dhamme