Suxufi Coldoon: Halkii Laga Geyn Lahaa Cusbitaal, waxa loo gudbiyay Qolka Ciqaabta ee Seellada W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Thursday April 30, 2020 - 22:14:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Coldoon: Halkii Laga Geyn Lahaa Cusbitaal, waxa loo gudbiyay Qolka Ciqaabta ee Seellada W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Suxufi Coldoon: Halkii Laga Geyn Lahaa Cusbitaal, waxa loo gudbiyay Qolka Ciqaabta ee Seellada W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufi Coldoon: Halkii Laga Geyn Lahaa Cusbitaal, waxa loo gudbiyay Qolka Ciqaabta ee Seellada W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
Warba warka ka dambeeya ee innaga soo gaadhaya  Abdilmalik Musa Coldoon waa mid ka daran kii hore oo ka qadhaadh. Warbixinta ugu dambaysa ee iga soo gaadhaysa qoyskiisuna waa in la go’doomiyay, dadkiina gaar looga saaray, gidaarro cidla’ ah uu keligii caawa gabbalku ugu dumay.
Waxa maanta Cabdimaalig Muuse Coldoon la gala baxay qolkii uu ku jiray. Waxa la  geeyay qol gaar ah oo ah qol-ciqaabeed oo loo yaqaano (seello) . Seelladu waa makhsin dadka lagun ciqaabo, waxaana lagu go’doomiyaa maxaabiista dagaallama, kuwa amar-diiddada sameeya iyo kuwo la jirrabayo. Waxa aan filayay in la geeyo cusbitaal lagu baxnaaniyo, waxa se dhabbanays ah dhiillada cusub ee soo korodhay. Dadka xabsiyada waaweyn galaa waa ay ka shalleeyaan geynta seellada, anigu hal maalin ayaan galay xabsiga dhexe ee Hargeysa, hurdo ayaanan ku qaatay. Ma suurayn karo tacaddiga dheeraadka ah qolkaasi seelladu leeyahay.


Sababta dhabta ah ee loo walwaalayna lama sheegin. Waxa loo malaynayaa in ay sababtu noqon karto:
 1- In ay doonayaan in aanu dibedda u bixin wararka ku saabsan xogihiisu siiba xaaladda caafimaad, psababta oo ah waxa dhibay dawladda  hadalhaynta  dhinaca warbaahinta ee bulshadu tebinayso. In la bannado la-socodka bulshada ee wuxuu waagu ugu beryay ayaa weysada loo biyaystay.

2 - In ay iska dhigayaan kuwo u fidiyey daryeel caafimaad oo meel gaar ku daryeelaya. Taasina baanasho maaha, waa se beegsi gaar ah oo lagu bar-tilmaameedsaday.

Cabdimaalig markii hore waxa ka warhayey saaxiibbadiisa qolka kula jira, hadda se qol gaar ah ayaa lala tagay  haddii wax ku dhacaan cid ogi ma jirto, amnigiisu halis buu ku jiraa . Ma helayo gurmad iyo gargaar dadku gaadhsiiyaan haddii uu hawada qaadan kari waayo, ama xaalad cusub uu galo.
 
Waxa aan cod dheer ku leeyahay Coldoon waxa uu baahan yahay cisbitaal in la geeyo maaddaama ay dhibaato ama jirro ka jirto neefmareenkiisa ee uma baahna in qol gaar ah lagu qarsado.
Haddii Eebbe idmo waxa aannu subaxa Sabtida warbixin rasmi ah ka dooni doonnaa oo u tegi doonnaa Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured