Maareeyaha Dekeda oo ka Warbixiyay Geeli Ugu Tirada Badnaa ee u Dhoofa Dalka Masar. "Waxaynu dhoofinaynaa Geeli ugu tirada badnaa, Anagoo fulinaynaa Siyaasada Madaxweynaha iyo Wasaarada X. Xoolaha".Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Thursday April 30, 2020 - 14:33:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekeda oo ka Warbixiyay Geeli Ugu Tirada Badnaa ee u Dhoofa Dalka Masar. "Waxaynu dhoofinaynaa Geeli ugu tirada badnaa, Anagoo fulinaynaa Siyaasada Madaxweynaha iyo Wasaarada X. Xoolaha".Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.

    Maareeyaha Dekeda oo ka Warbixiyay Geeli Ugu Tirada Badnaa ee u Dhoofa Dalka Masar. "Waxaynu dhoofinaynaa Geeli ugu tirada badnaa, Anagoo fulinaynaa Siyaasada Madaxweynaha iyo Wasaarada X. Xoolaha".Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekeda oo ka Warbixiyay Geeli Ugu Tirada Badnaa ee u Dhoofa Dalka Masar. "Waxaynu dhoofinaynaa Geeli ugu tirada badnaa, Anagoo fulinaynaa Siyaasada Madaxweynaha iyo Wasaarada X. Xoolaha".Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo hawl-wadeenadiisa, ayaa Xalay ka raray Dekeda caalamiga ah ee Berbera Geel aad u  tiro badan kaasoo suuq ka helay dalka Masar.
Geela Xalay ka dhoofay Dekeda Berbera, ayaa tiradiisa lagu sheegay 3400, oo Geela ah, kuwasoo laga kala Keenay dhulka Somaliland iyo weliba dhinaca dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, Xalay ka Hadlay Geela ka dhoofaya Dekeda, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasaarada xananada Xoolaha ku boggaadiyey suuqan Cusub ee Xukuumadu usoo heshay Xoolaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu Maareeyuhuu sheegay in saacado gudahood ay ku rareen  Geel aad u tiro badan, maadaama oo Dekedu hada haysato Qalab iyo adeegyo sahlaya in si degdega loo raro.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, "Caawa waxaynu dhoofinaynaa Geeli ugu tirada badnaa, ee Dekeda Berbera ka baxa, anigoo fulinaynaa Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi iyo Wasaarada Xanaanada xoolaha, aniguna aanu qabanayno Adeegii caadiga ahaa ee Dekeda, Anagoo 24 saacadoodba diyaar u ah inaanu gudano shaqo maalmeedkayagii caadiga ahaa.
Dekeda Berbera Maanta waxay awood u leedahay inaanu ka dhoofin Karno anagoo qalabkeedii haysana. Geelu wuxuu ku jiraa Xoolaha ugu adag ee la raro way dhib badnaan Jirtay in la saaro Maraakiibta, hadana'se waqti kooban ayaanu ku Saarnay".
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Wasaarada Xananaada Xoolaha ku boggaadiyey suuqa cusub ee ay usoo heshay Xoolaha Somaliland, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waxaan aad ugu Hambalyeynaynaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha suuqyada cusub ee ay u raadinayso Xoolaha Somaliland oo ah laf-dhabarteena dhaqaale, wanan ku boggaadinaya inaan lagu koobnaan suuq keliya, suuqyo kaloo badana waa lasoo furayaa insha alla Hadii Alle ka dhigo, waxa kaloo aan u mahadnaqaya Ciidamada kala duwan oo iyaggu sugay amniga Dekeda, oo aad loo adkeeyay, wanan ka raali-gelinaynaa dadweynihii iman jiray in anay soo geli karayn, maadaama oo amniga lasii xoojiyey %100". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Sidoo kale, qaar kamid ah shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, ayaa guul weyn oo Qaranka usoo hoyatay ah ku Tilmaamay suuqa cusub ee u Furmay xoolaha Somaliland, iyagoo arimaha ka hadlaya waxay yidhaahdeen, "20 sanno in ka badan oo aan joogay Dekeda Berbera, waa Geeli ugu Badnaa, oo ka dhoofa Dekeda Berbera una dhoofaya dalka Masar. Xili lagu jiro Ramadaan, xili ay jirto Cabsi xanuuno, waxanaan markii hore cabsi ka qabnay inay yaraan doonaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka Badda, Laakin Ilahay mahadii way sii kordheen".
Geesta kale qaar kamid ah ganacsatada ayaa soo dhowaysay suuqa xoolaha loo helay iyo horumarka Balaadhan ee Dekeda Berbera ku Talaabsatay.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waanu ku boggaadinaynaa suuqa usoo Furmay xoolaha Somaliland, waxanan rajaynayaa in suuqyo kaloo badan oo Sucuudiga la tartama la helo, waxa kaloo aan Halkan ka cadaynaya in Dekeda Berbera lagu sameeyey horumar Balaadhan oo mug-weyn"... " Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilahi mudadii labada sanaadood ahayd ee u joogay Dekeda waxa uu sameeyey waxqabad mug leh iyo horumar aanay abid gaadhin Dekedu, usoo kordhiyey way muuqataa. Waxaa la yidhi bahaasha Tigaada la yidhaahda iyada Hilaacda".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured