![]() SIILAANYO WUXUU LA MID NOQDAY GABADHII GANBADA TAABATAY EE GACANTA LOO MAYDHAY EE GELISAY MEESHII HADANA GABAYGU SOW MAAHA. QORMADII 1 AAD:
Siilaanyo wuxuu ahaan jiray gudoomiyihii SNM markii uu ku jiray tartanka ololaha doorashada wuxuu umada u sheegi jiray hadii uu ku guuleysto kursiga in uu Siilaanyo wuxuu ahaan jiray gudoomiyihii SNM markii uu ku jiray tartanka ololaha doorashada wuxuu umada u sheegi jiray hadii uu ku guuleysto kursiga in uu wax u maamuli doono hab ka duwan kii SNM ,oo uu cadaalada ilaalin doono , markii uu ku guuleystay kurisga madaxweynenimo wuxuu ku dhaartay oo uu kitaab quraan ah gacanta ku saaray in uu dalka ku xukumi doono sinaan iyo cadaalad.
Hadaba xiligii SNM ,siilaanyo wuxuu samayn jiray cadaalad daro uu u badheedhay , hada se waxa muuqata in uu siilaanyo hurdo dheer galay taladii dalkuna ay u gacan gashay dad aan la dooran ,taasina waata sababtay isku shaandheynta ay ka badbaadeen wasiiradii ka soo jeeday beeshiisa ,iyadoo ay samayn xun ku yeelatay badiba beelaha somaliland wasiiradii kaga jiray xukuumada. Hadaba saaxiibayaal su’aasha maanta is weydiinta u baahani waxay tahay siilaanyo ma fuliyey balantii uu qaaday marka se ay cadaatay in aanu fulin waxa uu la mid noqonayaa Gabadhii Ganbada Taabatay Ee Gacanta Loo Maydhay Ee Gelisay Meeshii Hadana Gabaygu Sow Maaha, tixdani waxay ka mid ahayd gabayadii uu tiriyey Allaha u naxariistee Abwaankii Qamaan Bulxan isagoo markaa la hadlaayey Gabayaagii Kale ee Cali Dhuux Adan oo ay heshiis ku ahayeen in aysan isku gabyin balse markii uu balantii ka baxay Cali Dhuux wuxuu Qamaan Bulxan xasuusiyey in ay balan hore lahaayeen balse uu balantii ka baxay in uu qaman bulxan ka jawaabana ay u banaan tahay , hadaba dadka maanta u arkaya in siilaanyo wax laga sheegayo waxaan xasuusin lahaa in uu siilaanyo ka baxay balantii uu umada u qaaday wixii maanta laga sheegaana ay banaan tahay oo ay la mid tahay tixdan aynu soo qaadanay ee uu tiriyey gabayaagii qamaan bulxan oo kale. siilaanyo wuxuu umada u balan qaaday in uu meel iskaga tiiriyay oo uu iska daayay isticmaalkii qaybaalada waxa se muuqata in maanta aynu arkayno iyadoo intii horeba ka badan . Hal ku dhig kale hadii aynu soo qaadano maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda RUUX HADII UU SEEXDO OO UU SOO TOOSO WAA KII UUN. Had iyo jeerna dadka wax garadka ah ee aqoonta fiican u leh siilaanyo qodobka ugu weyn ee ay tilaami jireen wuxuu ahaa qabyaalada . Hadaba halbeega ugu weyn ee ay soomaalidu leedahay qaa qabiilka waxaana hubaal ah nin arintani ay daah ka rogtay oo makasta iyo ma garatada ee aan markii hore wax badan ogeyn fahamsiisay siilaanyo ninka uu yahay ,hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah suugaantii Allaha u nxariistee Abwaankii C/laahi Suldaan Timace oo tilmaamaysa cidhib la’aanta ama aayo la’aanta ay qabyaaladu leedahay waxanu yidhi sidan. Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaan Dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iidaan Bal inay qalfoof tahay caqliga dooni laga saaray Wixii hore u soo daashadey dagashanaysaa Ubaxiinii waad daadiseen waanad tubateen dubaaxdiisa waad wada canteen duhur dharareed tariiq toosan soomaalidaay waa lagaa daday dube madax waad iskala dhacdaan daa’im abidkiin ninka duday distoorkiyo (quraanka) waxyiga diintii ka carow dabac yaa lahaayeey intaynu isku duuleyno dar dar la isku laayiyo intaan weerar daba joogno aynu dumarku weerkii sitaan danabadii waayay uu sida dareemadan u yaal meydku dabadeena kola doogsan maysan intaad dunida joogtaan. La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur Tel:4425243 Leave a comment |
|
SIILAANYO WUXUU LA MID NOQDAY GABADHII GANBADA TAABATAY EE GACANTA LOO MAYDHAY EE GELISAY MEESHII HADANA GABAYGU SOW MAAHA. QORMADII 1 AAD:
Siilaanyo wuxuu ahaan jiray gudoomiyihii SNM markii uu ku jiray tartanka ololaha doorashada wuxuu umada u sheegi jiray hadii uu ku guuleysto kursiga in uu