![]() DAAWO:-Suldaan Abshir Maxamed Ducaale Oo Galabta Xabsiga Laga sii Daayay. »
DAAWO:-Suldaan Abshir Maxamed Ducaale Oo Galabta Xabsiga Laga sii Daayay. »
Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa abaaro 3dii galabnimo ee maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii laga sii daayay xabsiga Madheera oo uu mudo 27 maalmood ah ku xidhnaa. Suldaan Abshir oo khadka taleefoonka aan kula xiriirnay ayaa Cadceednews u sheegay inuu ku faraxsan yahay in loosoo celiyo xoriyadiisii, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay siidayntiisa. Suldaanka oo aanu wax ka waydiiday qaabkii ay ula dhaqmeen ciidamada Asluubta ee maamula xabsiga Mandheera ayaa yiri, "Ciidamada Asluubta ee xabsiga aad baan ugu mahad celinayaa, waxana aan ku amaanayaa amaanayaa sida wanaagsan ee ay iila dhaqmeen, ciidankaasna waxaa kaliya ee aan ka sheegi karaa waa inay yihiin ciidan dhaqan wanaagsan, oo xushmad ii hayay, maxaabiista kalana si wanaagsan ula dhaqma” Suldaan Abshir ayaa ka cudur daartay in waraysi cod ah uu siiyo Cadceednews, waxana uu balan qaaday in si fahfaahsan uu uga warimi doono wax badan marka uu nasto ka dib. Leave a comment |
|
DAAWO:-Suldaan Abshir Maxamed Ducaale Oo Galabta Xabsiga Laga sii Daayay. »
DAAWO:-Suldaan Abshir Maxamed Ducaale Oo Galabta Xabsiga Laga sii Daayay. »