Bayern Munich Oo Lagu Waramayo In Ay U Dhaw Yihiin In Ay Helaan Saxiixa Luis Suarez .
Kooxda Bayern Munich ayaa u muuqata in ay u dhaw dahay saxiixa weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez maadaama ninka ay walaalo yihiin tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola uu yahay wakiilka ciyaaryahanka ee talo ka siiyo mustaqbalkiisa.
Laacibkaan reer Liverpool ayay warar horay u soo baxay la xariirinayeen in uu ka tagayo Liverpool iyadoo durba ay gacanta soo taagteen kooxo ay ka mid yihiin Munich, City, iyo Juventus .
Juventus ayaa lagu tirayaa kooxaha sida dhabta ah ugu soo jeeda laacibkaas waxa ayna diyaariyeen 40 milyan oo gini si ay u helaan saxiixa laacibkaasi, sidaas oo ay tahay Juve wax ay qireen in laacibka uu u dhaw yahay kooxda Munich inkastoo Pep liiska ciyaartooyda uu doonayo ee muhiimka u ah uusan ku darsan laacibkaas.
Liverpool ayaa dhankooda isku dayaya in laacibkaasi sii haystaan balse laacibka oo aad u xiiseynaya in tartanka Champions League ka ciyaaro ay soo dadajineyso in uu ka huleelo kooxdaas Liverpool.
Leave a comment |
|