DAAWO:- Madaxweyne Trump Oo Ka Guuraya New York Kadib Markii Uu Sheegay In Si Xun Loola Dhaqmay »

0
Saturday November 02, 2019 - 21:48:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO:- Madaxweyne Trump Oo Ka Guuraya New York Kadib Markii Uu Sheegay In Si Xun Loola Dhaqmay »

    DAAWO:- Madaxweyne Trump Oo Ka Guuraya New York Kadib Markii Uu Sheegay In Si Xun Loola Dhaqmay »

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO:- Madaxweyne Trump Oo Ka Guuraya New York Kadib Markii Uu Sheegay In Si Xun Loola Dhaqmay »

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu reerkiisa u rari doono gobolka Florida . Madaxwaynaha ayaa sheegay in reerkisa ay si joogta ah ugu noolaan doonaan gobolka Florida uuna ka guuri doono goobta uu hadda deggan yahay ee Trump Tower oo ah daar oo ku leeyahay New York.

Trump ayaa sheegay in hogaamiyayaasha siyaasadda ee New York ay si xun ula dhaqmeen iyada oo ay jirto in uu New York uu siiyo malaayin dollar oo canshuur ah. Mr Trump ayaa ku dhashay magaalada New York, balse waxa uu waqtigiisa inta badan ku qaatay gobolka Mar-a-Lago estate oo ku yaalla xeebta Palm.Madaxwaynaha ayaa daarta Trump Tower, degganaa tan iyo sanddii 1983.

Barasaabka gobolka New York Andrew Cuomo iyo duqa magaalada Bill de Blasio ayaa labaduba ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga. Labada hogaamiya-ba way soo dhaweeyeen warka madaxwaynaha ee ah in uu u guurayo Florida.

Aqalka cad kama aysan hadlin sababta uu madaxwaynaha uga wareegayo gurigii uu sida rasmiga ah u deganaa ee New York,balse wargeyska New York Times ayaa ka soo xigtay qof ku dhaw madaxwaynaha in sababta ugu wayn ay tahay canshuurta.

Mr Trump waligi shaaca kuma uusan qaadin canshuurta uu bixiyo inta ay dhan tahay islamarkana waxa uu diiday in uu shaaciyo macluumaadka la xiriira canshuurtiisa shaqsiyadeed.

Madaxwayne Trump ayaa mar kale u tartamaya xilka madaxwaynanimada waxa uuna qoraal uu Tweetar-ka soo dhigay ku muujiyay in uu doonayo in 5 sano oo kale uu sii joogo aqalka cad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured