Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Axmed Madoobe Oo Ay Jeex-jeexday Iyo Aabaha Dhalay Oo Wareysi Xasaasi Ah Bixiyey »

0
Wednesday August 28, 2019 - 02:14:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Axmed Madoobe Oo Ay Jeex-jeexday Iyo Aabaha Dhalay Oo Wareysi Xasaasi Ah Bixiyey »

    Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Axmed Madoobe Oo Ay Jeex-jeexday Iyo Aabaha Dhalay Oo Wareysi Xasaasi Ah Bixiyey »

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Axmed Madoobe Oo Ay Jeex-jeexday Iyo Aabaha Dhalay Oo Wareysi Xasaasi Ah Bixiyey »

Kismaayo (Xogreebnews) – Nuur Ibraahim Muumin oo ah Aabaha dhalay Gabar lagu magacaabi jiray Ridwaan Nuur Ibraahim oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Gabadhiisii uu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Ibraahim Gurey, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland.

Waxa uu sheegay in ciidamo uu wato sarkaalkaas ay dadkii ku noolaa magaalada ay guryahooda kasoo saareen, kadibna ay u qeybiyeen boorar uu ku sawiranaa sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo dadkii ku amray inay dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaal Khamiistii na dhaaftay lagu doortay magaalada Kismaayo.

 

Dadkii ayuu sheegay inay arintaas u cuntami weysay ila markaana ay iska diideen amarkii sarkaalkaas, iyagoo jeex-jeexay boorarkii loo qeybiyey ee uu ku xardhanaay sawirka Axmed Madoobe.

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in gabadha la dilay ay isla goobtii ka aas-aastay banaanbax kale oo looga soo horjeedo amarka sarkaalka, iyagoo banaanbaxooda ku muujiyay inaysan dooneyn in Jubbaland uu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe, kaddibna sidaas ay ku toogteen gabadhaas Askartii uu watay sarkaalka ka socday Jubbaland.

Aabaha dhalay Ridwaan ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaalinta qaranka, ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah taliyahaas, isagoo sheegay inuu hadda Xamar ku suganyahay, isla markaana uusan tagi Karin degmadiisii Ceelwaaq




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured