![]() Daawo: Madaxweyne Maxaad u Magacaabi-la-dahay Masuuliyiin Metesha Bulshada Warsan-geli, Bariga Sanaag Hantiya, Iyadoo ay Xisbigaaga Tacab Badan-geliyeen?. W/Q Farxan Cali Xasan
Daawo: Madaxweyne Maxaad u Magacaabi-la-dahay Masuuliyiin Metesha Bulshada Warsan-geli, Bariga Sanaag Hantiya, Iyadoo ay Xisbigaaga Tacab Badan-geliyeen?. W/Q Farxan Cali Xasan
Madaxweyne weli waxaad garab marsan tahay siyaasiyiintii somaliland deegaanka barriga sanaag, gacanteena si waafiya usoo gelin lahaa, isla markaana aaminsanaa Mabda'da gooni isku taaga qaranimadeena.
Waayo weli jagada wasiirnimada Beelaha Warsan-geli umaad magacaabin shaqsiyaadkii ka guuleysan lahaa, kuwa qadiyada habowsan ku beerlaxowsanaya.
Tusaale ahaan booska waaiirno ee Beesha Warsangeli Ninka ugu saameynta badan, waxa uu Kamid yahay Xisbigaaga, isla markaana waxa uu kuu shubay waqtigii aad kursi doonka ahayd tacab badan, isagoo aan habeena ka seexan, kulana baadi-goobayey guusha Madaxweynenimo inaad Maanta garab marto, waa ayaan-daro wayn
Sidaas daraadeed Madaxweyne adigoo ka fekeraya guul ay Somaliland ka gaadho bariga Sanaag, waxaan kugula talin lahaa inaad hawlgeliso, isla markaana Xil sare u magacowdo shaqsiga Maanta ugu mudan bulshadeena Sanaag Bari, kaasoo ah, Siyaasiga Lagu magacaabo Siciid Mohamed Buraale, ah ama ku suntanaa guushaadii doorashada, maalinna aan ka bixin Somaliland oo fikir Iyo maskax ahaanba aaminsan dalka.
Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka munaasibad balaadhnayd oo Siyaasi
Siciid Mohamed Buraale, ku hoggaaminayey xiligii ololaha beelaha daarood, inay ku biiraan Xisbiga Kulmiye.
W/Q
Farxan Cali Xasan
Ceerigaabo/Somaliland. Leave a comment |
|