Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Somaliland Oo Ka Jawaabay War Aanu Baahinay Horaantii Bishani, Isla Xaga Hoosna Ka Fiirso Warkaasi Uu Ka Jawaabaayo

0
Monday March 25, 2013 - 08:22:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Somaliland Oo Ka Jawaabay War Aanu Baahinay Horaantii Bishani, Isla Xaga Hoosna Ka Fiirso Warkaasi Uu Ka Jawaabaayo

    Warbixin rasmiya oo qaada-dhigaysa Lacag Laba Malyuun oo Dollara oo Eng. Maxamed Xaashi looga fadhiyo halkay geeyeen!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin rasmiya oo qaada-dhigaysa Lacag Laba Malyuun oo Dollara oo Eng. Maxamed Xaashi looga fadhiyo halkay geeyeen! Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Somaliland Oo Ka Jawaabay War Aanu Baahinay Horaantii Bishani, Isla Xaga Hoosna Ka Fiirso Warkaasi Uu Ka Jawaabaayo



QAYBTII LIXAAD
JAWAABTA QARAN NEWS
Warbixin rasmiya oo qaada-dhigaysa Lacag Laba Malyuun oo Dollara oo Eng. Maxamed Xaashi looga fadhiyo halkay geeyeen!
Marka hore QARAN NEWS way mahadsan tahay, isu xilsaaridda arrimaha Dalka. Waxa aan ku talin-lahaa, in ayna Qaran News, mudnaan koobaad siin, siday u iib-gelin lahayd Jariidadda. Balse ay siiso danta caamka ah, oo ayna HAGIN DAN GAAR IHI IYO CUNWAAN AAD U XOOGANI. Waa in ay RUNNTA IYO XAQIIQDA RAADISO, oo cidda ay khusayso, wax la weyddiiyo, inta aan la daabicin.

EBBE WUXU YIDHIi, “KUWIINNA ALLE RUMEEYAYOW, HADDII FAASIQ IDIIN LA YIMAAD WAR, HUBIYA WARKA, INTA AY DAAN DHIB UGU GEYSAN DAD, WAX AYDAAN HUBIN. OO AYDAAN HADHOW QOMAMAYN “. (49-60)
Qofkii xil Ummadeed haya ba, Xaq baa muwaadinku ugu leeyahay inu wax ka weydiiyo xilka ummaddu u igmatay iyo inuu uga jawaabo arrimaha khuseeya hawsha uu ummadda u hayo. Madaxduna ma aha, inay dhibsato. Waa shaqaale, mushahar kooda dadweynuhu bixiyo, “Nin xil-qaadayna eed-qaad”
Bal aan ka warramo, xaladdii dhaqaale ee aan dhaxlay, markii la ii magacaabay, W.Maaliyadda. LACAGTA MAAMULKII HORE LUNSADAY:- 1 Baadhitaankii Guddidii wada jirka ahaa soo saaray $ 53,791,587 2.Maxjarka Jaabiri $ 4,170,900 3.Affar bilood Mushaharkii aan la siin shaqaalaha $ 3,759,349 4.Mushaharkii Cidamada, laba bilood $ 1,984,650 5.Raashinkii Ciidamada $ 1,778,326 6. Raashinkii Cisbataalada $ 38,095 7. Raashinkii Jeelasha $ 708,407 8.Kharashkii hawl socodsiinta ( Janauary-July 2010 ) $ 3,564,506 9. Macdan qodayaal South Africa S 500,000 Isugeynta lacagta ay lunsadeen $ 70,295,820
Haddii aan u soo noqdo jawaabta Qaran News, Wasiirkii hore ee W. Boosaha & Isgaadhsiinta, Cabdi Rasaaq ayaa G/Wasiirada ka soo jeediyay, Qalab isku xidhka shirkadaha Isgaadhsiinta, si loo sugo daqiiqadaha ay shirkaduhu diraan iyo kuwa soo gala. Fikrad wanaagsan bay ahayd, oo dakhli badan lagu kasbi lahaa.
Laakiin Dhowr xaaladoo awgood ayaan iibkaasi u dhicin:- 1.Qalabka oo baali ahaa, oo markii aan la xidhiidhay shirkaddii laga soo iibsaday, ay nosheegeen in qiimaha lagu doonayaa qaalii yahay $ 676,000. 2 In aanu lahayn Waraanty ama guarantee. 3.Qalabku wuxu ahaa mid meelo kala yiil, oo la soo ururiyay, oo aan la hubin inuu dhan yahay. 4.In la isku haysto, oo dacwadi ka furan tahay.
Sidaa darrteed ma jirin, lacag aan u qoondeyay oo aan ugu talagalay iibka qalabkaas.Waxaan se ku talajiray, in aan soo iibiyo qalab ka jaban oo ka cusub, kana casrisan, oo guarantee leh.
Bal aan iyana ka warbixiyo xaladdi dakhli iyo kharash ee muddadii aan xilka W. Maaliyadda hayay:- Miis 2010 Dakhligii dhabta ahaa sls 330,909,580,627 Miis 2010 Kharashkii dhabta ahaa sls 262,079,735,632 Dheeraad (Surplus) sls +68,829,844,995 Dhakhligii maamulkii Rayaale lunsaday Jan-July 2010 sls — 55,660,384,643
Hadhaagii (Balance) 2010 sls +13,169,460,352
Dakhligii dhabta ahaa 2011 sls 481,323,687,473 + sls 13,169,460,352 = Isugeyn sls 494,493,147, 825
Odoroskii Miisaaniyadda 2011 sls 529,935,322,246 dakhligii dhabta ahaa sls 494,493,147,825 Baaqday (Defecit) sls -35,442,174,421

Sidaas darted, kharashkii 2011 wuxuu le’kaaday dakhligii 2011 sls 494,493,147,825, waxa halkaa ku cad in aanu ku jirin kharashi loogu talo galay Qalabka Isgaadhsiinta oo Wasaaradda Boosaha loo qoondeeyey.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Xaashi Cilmi
Halkani hoose ka akhriso warka uu ka jawaabaayo muj. Maxamed Xaashi Cilmi ee aanu baahinay 5/3/13 Fadlan riix ciwaanka hoosyaala si aad ufahantid jawaabta uu bixiyay xiligani mudane Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa wasiirkii maaliyada ee hore, waxa aad fahmi kartaa jawaabta wasiirka iyo warkaasi uu ka jawaabayaa sida ay xaqiiqdiisu tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured