Lionel Messi Oo Lagu Soo Dari Doono Kabtanada Kooxda Barcelona Xilli Ciyaareedka Soo Socda.
Lionel Messi ayaa lagu wadaa in lo magacaabo mid ka mid ah afarta kabtan ee Barcelona ee xilli ciyaareedka soo socda ee 2013-14.
Iyadoo Goolhaye Victor Valdes la filayo inuu baxo madaama qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, kooxda farsamada ee Azulgrana ayaa go’aansaday durbaba inay xiddiga reer Argentina ku daraan hogaamiyayaasha kooxda, iyadoo Messi uu noqon doono kabtanka afaraad ka dib Puyol, Xavi iyo Iniesta.
Messi ayaysan ku aheyn wax cusub mas’uuliyada kabtanimo isagoo kabtanka xulka Argentina kala wareegay Javier Mascherano 2011dii.
Dhanka heer kooxeed Messi ayaa xirtay kabtanka markii ugu horeysay kulankii dhawaan ee Rayo Vallecano markaasoo Xavi iyo Puyol ay dhaawac ku maqnaayeen halka Valdes uu ganaax ahaa, islamarkaana Iniesta la bedelay.
Leave a comment |
|