![]() SIILAANYO OO UU HALEELAY GABOW SABABAY IN AWOODDII XUKUUMADDU U GACAN GASHO GACANYARIHIISA IS-BAHAYSIGA LA LEH DHAQ-DHAQAAQA” KHABIIR KA DIGAY QORIGA DABKA LEH EE MASAR LA BEEGSANAYSO MANDAQADA IYO QORSHAHA SOMALILAND UGA MEEL YAALLA
ku xeel dheer arrimaha maamulka Amniga iyo sirdoonka heer Qaran oo lagu magacaabo Gregory R. Copley oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka
Washington (xogreebnews.com-Khabiir ku xeel dheer arrimaha maamulka Amniga iyo sirdoonka heer Qaran oo lagu magacaabo Gregory R. Copley oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray colaadaha ka dhex oogan dalalka Masar iyo Itoobiya ee ka dhashay dhaamamka cusub ee Itoobiya. Mr. Gregory R. Copley oo la soo shaqeeyey in ka badan afartan Xukuumadood oo ku kala yaal Afrika, Bariga Dhex, Laatiin Ameerika, Yurub iyo Aaasiya dhinaceeda Baasifiga, ayaa warbixintiisa ku sheegay in durba Masar Bilowday Dagaal Dadban oo ka dhan ah Webiga loo yaqaan ( Blue Nile ). Waxa kale oo uu khabiirku ku muujiyey warbixintiisan sida ay Masar u qorsheynyso inay Somaliland ay gacanta u geliso Xukuumadda Muqdisho, iyadoo si xoog leh u hubeynaysa Ciidammada Somaaliya, siinaysana tababarro, xaaladda uu ku sugan yahay hoggaanka Maamulka Xukuumadda Somaliland, cidda hor taaganeyd weligeed illaa maanta aqoonsi u helo dalka Somaliland, go’doonka Masar la damacsan tahay Itoobiya iyo haddii uu qarxo dagaalka ay diyaarinayso Masar dhinaca guuldarradu raaci doonto. Warbixintiisa waxa uu khabiirku ku bilaabay “Xukuumada Masar ee madaxweyne Morsi ayaa bilowday inay dhaqaajiso dagaal dahsoon oo ka dhan ah Itoobiya, si ay u sii maamusho biyaha webiga Nile, oo ah isha biyaha ee Masar iyo Sudan. Culayska kacdoonka shacabka ee Masar bilahii May iyo June (welina kuwo kale la saadaalinayo) oo ka dhashay saluuga nidaamka dhaqaale iyo ulsho ee xukuumada ayaa ajburay in madaxweyne Morsi raadiyo xal dhinaca dibedda, taasoo noqotay halis Masar ku soo began, si dareenka shacabka looga weeciyo saluuga gudaha. Ololeyaasha ayey ka mid tahay in warbaahinta loo adeegsado halis dalka ku soo waajahan, isla markaana meel la isugu geeyo dhaqaale, siyaasad iyo macluumaad sirdoon, sidii loogu adeegsan lahaa naafaynta dalka halsita ku haya biyahooda Nile-Itoobiya. Arrinkaa ayaa si balaadhan u tilmaamaya dib u curashada dagaal leexsan oo Masar ku wiiqayso siyaasiyan iyo dhaqaale, si loo gaadhsiiyo xaalad ay Itoobiya tahli weydo soo jiidashada maalgashi dibedeed. Waxay sidoo kale isku deyayaan sidii ilaha ganacsi ee Itoobiya dhinaca badda, ee dekedaha Eretria, Jabuuti iyo Somaliland looga xidhi lahaa. Taasoo macnaheedu yahay in Masar olole ugu jirto ka hortaga aqoonsi ay Somaliland hesho, isla markaana la wiiqo. Sidoo kale taageerada milateri ee Masar siinayso Soomaaliya ujeedadeedu tahay sidii ay ugu qabsan lahaayeen Somaliland, taasoo jari doonta dariiqa ganacsi ee Itoobiya ku leedahay dekedda Berbera. Saluuqa ka taagan Masar, iyo baadi-doonka u bedelka madaxweyne Morsi dareenka shacabka jiho kale ayey isku soo beegmeen bilowga dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya, oo dad reer Masar ku tilmaameen inay biyaha webiga Nile leexsan doonaan. Madaxweyne Morsi, ayaa booqasho uu ku tegay Itoobiya, xilligii shirkii Midowga Afrika 2011, xaqiiqsaday in dhismaha biyo-xidheenku socon doono, inkastoo, saraakiisha Itoobiya u xaqiijiyeey inaanay saamayn ku yeelan doonin biyaha Masara hesho. Biyo xidheenkan oo laga dhalin doona quwad koronto gaadhaysa 6,000 megawatts, ayaa keydinta biyahiisa loo qorsheeyey inay bilaabmaan sannadka 2014. Khubaro madaxbanaan, ayaa warbixin ay diyaariyeen ku cadeeyey in qulqulka biyaha webiga Nile aanu saamayn ku yeelan doonin dhismaha biyo-xidheenku wadammada Masar iyo Sudan, balse, hogaamiyaha xisbiga salafka al-nuur, Yuunus Makhtuum ayaa sheegay, inay Masar taageero siiso mucaaradka Itoobiya, qorshahooda u dambeeyana noqdo burburinta biyo-xidheenkaa. Xukuumada Morsi ayaa, xaqiiqdii, mar hore bilowday talaabooyinkeeda, iyadoo u adeegsanaysa xukuumada Sudan inay taageeraan hogaamiyeyaasha dibed-jooga ururadda islaamka ee fadhigoodu yahay caasimada Khartuum. Hogaamiyeyaasha ayaa bilaabay in banaanbaxyo xukuumada Itoobiya looga soo horjeedo ka dhacaan Addis Ababa. Muhiimada banaanbaxyada ayaa keenay inay soo jiitaan dhalinyaradii kiristaanka ee magaalooyinka, oo u arkay in banaanbaxyadani fursad u yihiin sidii ay ugu mudaharaadi lahaayeen xukuumada, balse, xoogaga kale oo taageero ka helayey Khartuum ayaa xoojiyey banaanbaxyadaa. La filaam ma ahayn, saraakiisha sarsare ee wasaarada Gaashaandhiga Masar booqashadooda Muqdisho, 4 June, oo si rasmi ah u bilaabay mashaariic Masar ku dhisayso xarunta wasaarada Gaashaandhiga, balse saraakiisha Masar waxay cadeeyeen qorshahooda qalabaynta ciidamada Soomaaliya, oo hadafkoodu yahay qabsashada xukuumada Somaliland. Xukuumada Somaliland oo madaxbanaan ayaa midow la gashay Soomaaliya, bishii June, 1960. Balse, burbur iyo xasuuq balaadhan oo Somaliland ka soo gaadhay ciidamadii soomaaliya, aya akeenay in Somaliland dib-ula-soo-noqoto madaxbanaanideeda sannadkii 1991-kii. Xukuumada Masar, ayaa, dhinaca kale, ila awakhtigaa ku dedaalaysay inaan Midowga Afrika iyo Ururka Jaamaca Carabtu aqoonsi u fidin madaxbanaanida Somaliland, oo hadafkeedu ahaa, go’doominta, sida wakhtigan ee Itoobiya, iyo wiiqitaanka koru-kaca dhaqaalahooda, si aanay fursad ugu helin mashaariic waaweyn oo biyaha webiga Nile ku saabsan. Culeyska Masar ee Midowga Afrika iyo Jaamacada carabta iyo jaalkooda Maraykanka, waxuu sahlay inaan hadafka aqoonsi caalami ee Somaliland midho-dhal noqon. Masar, ayaa wakhtigan dhinacyo badan ka bilowday ololahooda go’doominta Itoobiya, sida dhinaca Soomaaliya, Sudan, iyo soo dhexmarkooda iyo taageeradooda ururo mucaarada sida Oromada, oo dhinaca Eretria ka soo marayaan, (inkastoo fursadaasi kooban tahay, sababtoo ah tamar darida madaxweyne Isayas Afewerke ee xanuunka). Jaranjarooyinkaa xidhiidh ee socday, waxay bilow u ahaayeen inay xagga kale wax u beddelaan, kadib markay Somaliland ka qabsoomeen doorashooyinku 26 July. 2010kii oo uu Axmad Siilaanyo ku noqday Madaxweynaha dalka markii uu talada dalka ku guulystay Xisbiga Kulmiye. Waxa ay warbixinta Khabiir Copley intaa ku dartay, in muhiim ay tahay xusidda in Mudane Axmad Siilaanyo uu haleeleen xanuun iyo gabawba oo sababay inay sii korodho awoodda kantarool ee Xukuumaddu inay gacanta u wada gasho gacan-yarihiisa oo ah Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu khabiirka warbixintan qoray ku tilmaamay inuu yahay nin isbahaysi la leh dhaqdhaaaqa loo yaqaan [ Salafist Jihaadi ], sidaa darteed waxa intaa ay raacisay warbixintu in horumarkii socday ee Xukuumaddan sii socotaa la waday dawladaha Mareykanka, Biriteyn iyo Jarmalka uu halkaa ku dhammaaday. Warbixintaa ayaa lagu sheegay in xukuumada Qaahira aanay u haysan daliil cad halis amaankeeda la xidhiidha oo dagaal ay ku gasho, waxaan sidoo kale la hayn xaqiiqo in dhismaha biyo-xidheenku wax ka bedeli doono qulqulka biyaha gaadhaya Sudan iyo Masar, si kasta, wax yar ayey Masar ka qaban karaan hadii hadii xitaa qulqulka biyahu halis gasho, iskaba daa inay dalka Itoobiya khalkhal ku keenaane. Lakaiin, ujeedada ugu weyn ee ololaha Masar ayaa ilo xog-ogaal sheegeen inay tahay mideynta dareenka shacabka ee taageerida madaxweyne Morsi, laakiin, dhinaca kale, talaabadan ayaa Masar ku keeni karta inay mideyso dareenka shacabka Itoobiya iyo xukuumadooda, ama abuurto sababa Itoobiya ugu adeegsato qulqulka biyaha xabad ku jeeda Masar. Raysal-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn, ayey u banaantahay qaadida talaabadii uu hore uga hakaday Meles Zenawi: inuu si rasmi ah u aqoonsado madaxbanaanida Somaliland. Hailemariam, ayaa bishii May 2013, u ballanqaaday baarlamaankiisa inuu daafaci doono Somaliland. Wadamo kaloo qaarada Afrika ayaa ballanqaaday aqoonsiga Somaliland, laakiin aan doonayn inay noqdaan kuwa ugu horeeya. Saraakiil sare oo ciidamada Itoobiya ayaa socdaal wada xaajood ku tegay Addis Ababa, 5 June, 2013. Dagaalkii wuu bilaabmay, balse ma noqon doono mid ku badbaada dedaalka madaxweyne Morsi burburka dhaqaalaha Masar, balse mudaharaadyo waaweyn iyo xasilooni-daro, ay xisbiyada mucaaradku ku dhaliilaan siyaasadahiisa ayaa ku soo fool-leh dalkaa ku yaal webiga Nile” ayaa uu khabiirkani ku yidhi warbixintiisa oo shalay lagu baahiyey barta Internetka ee Oil Press. Haddaba Inkastoo Khabiirkani ku muujiyey Warbixintiisan halisaha ka soo fool leh dalka Masar, una soo jihaysan Mandaqadan Geeska Afrika, gaar ahaanna Dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaan illaa hadda aanay Dawladda Somaliland ka hadal isla markaana aan muujin mawqofka ay ka taagan tahay damaca Masar iyo dhibaatooyinka kasoo fool leh ee ay u maleegayso Somaliland. Sidaas darteed waxaa lama huraan ah in si dhakhso ah ay xukuumadda Somaliland uga qaadato Mawqif Cad, si ay Kal samaan ugu wada hawl galaan dalalka duulaanka lagu yahay sida Itoobiya oo kale. Leave a comment |
|
SIILAANYO OO UU HALEELAY GABOW SABABAY IN AWOODDII XUKUUMADDU U GACAN GASHO GACANYARIHIISA IS-BAHAYSIGA LA LEH DHAQ-DHAQAAQA” KHABIIR KA DIGAY QORIGA DABKA LEH EE MASAR LA BEEGSANAYSO MANDAQADA IYO QORSHAHA SOMALILAND UGA MEEL YAALLA
ku xeel dheer arrimaha maamulka Amniga iyo sirdoonka heer Qaran oo lagu magacaabo Gregory R. Copley oo u dhashay wadanka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka