![]() "Anigoo xog-ogaal ah, waxa Degmada Berbera kusoo fool leh, Mashaaric horumarineed oo Balaadhan".Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
"Anigoo xog-ogaal ah, waxa Degmada Berbera kusoo fool leh, Mashaaric horumarineed oo Balaadhan".Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa sheegay inay Magaalada Berbera ay kusoo fool leeyihiin Mashaaric horumarineed, kuwasoo dhowaan ka fulaya degmada Berbera. Sidoo kale, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid waxa uu boggaadiyey Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, oo ku sheegay inuu degmada Berbera ka fuliyey waxqabad balaadhan.
".. Shalay waxanu ka qaybgalnay furitaankii Wadada, Maantana waxanu ka qaybgalnayn la dhagax-dhiga wadaadan.
Runtii Maayirka Magaalada Berbera, waxa uu diyaar-garoobayaa Mashaaricda waaweyn ee inaggu soo socda.
Maayirku wuxuu u Gogol xaadhayaa degmada iyo gobolka inuu ka fuliyo Wadooyin. Sidaan Shalayba hore ugu sheegay anigoo xog-ogaal ah, waxa degmada berbera kusoo fool leh, Mashaaric horumarineed, aad iyo Aadbaanan ugu amaanaya Gudoomiyaha degmada, Waayo?. Wuxuu qabtay waxqabad mug leh". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Leave a comment |
|