Milicso Hadalki Sh Adaan (Siiro)“Uma Fadhino Maanta Inaynu Madaxwaynaha Amaano, Harag Sakaaro Ayeynu Ku Wada Fadhinaa Oo… Hadii Aan Arinkaas Wax Laga Qabanina Nabadgaladuu Waxyeelayaa Oo Jiri Maayaan Baabuurtaas, Daarahaas Dhaadheer, Baan-Boyda Iyo Sacabkaa La Isku Garaacayo”Sh. Aadan Siiro

0
Thursday June 06, 2013 - 08:23:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicso Hadalki Sh Adaan (Siiro)“Uma Fadhino Maanta Inaynu Madaxwaynaha Amaano, Harag Sakaaro Ayeynu Ku Wada Fadhinaa Oo… Hadii Aan Arinkaas Wax Laga Qabanina Nabadgaladuu Waxyeelayaa Oo Jiri Maayaan Baabuurtaas, Daarahaas Dhaadheer, Baan-Boyda Iyo Sacabkaa La Isku Garaacayo”Sh. Aadan Siiro

    Hargeysa,(xogreebnews.com.— Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com.— Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa xukuumadda
Hargeysa,(xogreebnews.com.— Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa xukuumadda ku dhaliiley wax ka qabasho la’aanta Weerarkii lagu bar-tilmaameedsaday Xarunta Wargeyska Hubaal, kaas oo ku eedeeyey in Kiiska dhacdadaasi ay ka gaabisay wax ka qabashadiisa.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu tilmaamay in Cadaaladda iyo Garsoorka wanaagsani hadii ay Liigaan aanay Nabadgalyadu cagaheeda ku sii taagnaan karin, isla markaana ku baaqay in degdeg Sharciga loo horkeeno cidkasta oo falkaas ka danbaysay si cadaalada loo mariyo.


Sh. Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka qaybgalay shirjaraa’id oo ay Odayaal iyo Waxgarad reer Hargeysa ahi ku dalbanayeen in sharciga la waafajiyo Kiiska weerarka Wargeyskaas, kuwaas oo xukuumadda ugu baaqay inay sharciga horkeento dambiilayaasha. Ugu horayna isaga oo Aadan Siiro arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Aadan Siiro “Maanta inaga oo aan waxba xumaynin waxaynu tilmaamaynaa inay xukuumadu ku khaldan tahay Wargeyska Hubaal oo arinkaasi dawgiisii looga fadhiyo, Uma fadhino maanta inaynu Madaxwaynaha amaano, anigu runtii badan maayo kolayba waxaan ka mid ah dadka jecel in maanta Maamulka la toosiyo oo sida aynu ognahay wax badan baa inaga khaldan, waxaynu ognahay in dadku maanta uu hubaysan yahay. Ninka loo yaqaano Kilinton ee dunida oo dhan haystay ee laba jeer ku guulaystay Madaxwayne —nimadda Maraykanka ayaa waxa u yimid Oday Sanet-ka ka tirsan oo yidhi waxa aanu doonaynaa in hubka la ururiyo, markaas ayuu ku idhi shacbiga laga ururin maayo hubka waayo Dimuqraadiyadu uu Maraykanku dunida ku hogaaminayo qorigaas ayaa lagu ilaalinayaa. Walaalayaal waxa aan uga jeedaa waxbadan ayaa inaga dhexeeya oo Nabad iyo khayr badan ayeynu haysanaa oo wanaag badan ayaa jira, laakiin in falkii Agagixisada ahaa ee Wargeyska Hubaal ku dhacay ee hubaysnaa wax la qaadan karo maaha, hadii la qaatana Somaliland sidan ku sii jiri-mayso waayo waxa weeyaan wanaag iyo isku tanaasul iyo waxwada lahaansho iyo wax-wada dhisasho ayeynu dalkan ku yab-yabnay”. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray “Maadaama oo aynu ummad Islaam ah nahay Distuurkeena qodobkiisa 5-aad waxa ku jira in Shareecada Islaamka dalka lagu dabaqo, Shareecadda Islaamku waxay leedahay oo waa wixii aynu ku heshiinaye dadku way u siman yihiin Hantida iyo Garsoorka taas macnaheeduna waa keena ugu aqoonta badan iyo keena ugu hantida badan, keena ugu gadhka wayn, keena ugu yar, keena ugu wayn, Hooya, Inanteena iyo Hooyadeen iyo qofkasta oo gafa Diinta Islaamku waxay leedahay garsoorka waa in la horgeeyo oo si Cadaalad ku dhisan loo mariyaan sharciga. Markaa anigu arintaas Qudbad dhan ayaan ka sameeyey oo waxaan u arkaa hadii aan la joojin oo aan wax laga qabanin arimaha noocaas ah oo aan la joojin keena ugu xooga badan ayey isaga laftigiisa ku dhawacaysaa, anagu odhan mayno waa beel laakiin dulmida iyo xaqdarada ayaanu la dagaalanaa, dadka falka Hubaal geystayna anagu beel ku tilmaami mayno oo System jira oo ka dhex samaysmay Somaliland oo ujeedo gaar ah leh oo hadii wax laga qaban waayo Somaliland duminaya, anaguna qofkuu doono ha ahaadee qofkasta oo reer Somaliland oo la dulmiyo oo sidaas oo kale lagu sameeyo waxaanu u taaganahay inaanu difaacno oo aanu nidhaahno waa khalad ee halaga joojiyo arintaas, waxaanan leeyahay arinka yeynaan beel ka dhigin waayo dulmigu waa kii aynu ka dagaalanay ee waa in laga dagaalamaa oo cida samaysane hore garsoorka loo keeno, hadii taas la waayo waxay noqonaysaa inuu qofku gacantiisa ku fushado cidii wax ku samaysay maadaama oo qaabkii wax loo soo sameeyey la garanayo oo Harag Sakaaro ayeynu ku wada fadhinaa oo la is wada ogyahay. Waxaanan leeyahy arintaas hadii aan wax laga qabanin nabadgalyadu way xumaanaysaa oo jiri maayaan Baabuurtaas Laankuruusarada ah iyo Daarahaas dhaadheeri iyo Sacabkaa la isku garaacayo iyo Baanboydaasi ”.

Sheekh Aadan Siiro mar uu fariin u dirayey xukuumadda, waxa uu yidhi “Maamulka si kooban waxa aan u leenahay waanu idinku ixtiraamaynaa Xilka aad haysataan iyo wakhtiga la idin doortey laakiin arintaasi waxaan leeyahay wakhtigeedii way dhaaftey oo in dhacdadaas kaliftey in habeen madow dad la soo weeraro oo dad wax la yeelo ummadu way idinka war sugaysaaye u jawaaba, waxaanan aad iyo aad ugu rajo-waynahay inaad degdeg uga jawaabi doontaan arintaas”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured