![]() Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland oo Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawlada ka Bilaabay Badhan, Jiidali, Yubbe iyo Hadaaftimo
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland oo Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawlada ka Bilaabay Badhan, Jiidali, Yubbe iyo Hadaaftimo
Badhan(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland iyo wafti balaadhan oo u horkacaayo, ayaa Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawlada ka bilaabay Magaaladda Badhan iyo deegaano kaloo kamida bariga Gobolka Sanaag.
Sidaas waxa lagu sheegay war kooban oo Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawladu Ku baahiyey Bartiisa Facebook, kaasoo u dhignaa Sidan.
"..Badhan
•Geedigii diiwaanglinta shaqaalaha iyo dardargelinta adeega dawladda oo soo gaadhay caasimada gobolka Badhan ee Badhan.
•Socod iyo safar dheer kadib, masuuliyiinta heer gobol , heer degmo iyo guud ahaan ba deegaanka ayaa si hilow, haraad iyo hamuun badan ka muuqato u qaabilay hay’adda shaqaalaha halkaas oo hawl-wadeenada aan hagrashada aqoon markiiba bilaabeen diiwaangelinta iyo xog-ogaal u noqoshada xaalka shaqaalaha dawladda
•Badhan, waa xarunta gobolka Badhan oo 120Km bari kaga beegan caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo halkaas oo inta aad ku sii jeedo sii marayso deegaan aad u balaadhan oo ay kamid yihiin Jiidali, Yubbe iyo Hadaaftimo
Baadi-doon, Baylah-ogaansho iyo Bar-bilowga shaqaale tirsan oo tayeysan". Ayuu yidhi Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke Geele.
Leave a comment |
|
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland oo Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawlada ka Bilaabay Badhan, Jiidali, Yubbe iyo Hadaaftimo
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland oo Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawlada ka Bilaabay Badhan, Jiidali, Yubbe iyo Hadaaftimo