Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Wajigii Ugu Danbeeyey U Galay Dib U Casriyeynta Run-Wayga Madaarka Caasimadda Iyo Wax-Qabadka Muuqda

0
Saturday June 01, 2013 - 19:22:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Wajigii Ugu Danbeeyey U Galay Dib U Casriyeynta Run-Wayga Madaarka Caasimadda Iyo Wax-Qabadka Muuqda

    “Go’aankii Xukuumada S/land Ay Ku Joojisay Duulimaadyada Qaramada Midoobay Sidii Ayuu U Taagan Yahay Waanu Dhaqan Galay, Go’aan Sax Ah Ayuu Ahaa”Maxamuud Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Go’aankii Xukuumada S/land Ay Ku Joojisay Duulimaadyada Qaramada Midoobay Sidii Ayuu U Taagan Yahay Waanu Dhaqan Galay, Go’aan Sax Ah Ayuu Ahaa”Maxamuud Xaashi Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Wajigii Ugu Danbeeyey U Galay Dib U Casriyeynta Run-Wayga Madaarka CaasimaddaIyo Wax-Qabadka Muuqda
“Go’aankii Xukuumada S/land Ay Ku Joojisay Duulimaadyada Qaramada Midoobay Sidii Ayuu U Taagan Yahay Waanu Dhaqan Galay, Go’aan Sax Ah Ayuu Ahaa”Maxamuud XaashiHargeysa, xogreebnews.com— Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka hadlay halka ay marayaan hawlaha dib u casriyeynta Madaarka Caasimada Hargeysa oo galay wajigii 3-aad ee ugu danbeeyey ee lagu dhigayey Run-wayga Gagidaas.Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in haatan la gaadhay wajigii ugu danbeeyey ee dhismaha madaarka, isaga oo ugu horayntiina ka hadlaya dhismaha madaarka iyo halka ay wax marayaan waxa uu yidhi “Waxa aynumaanta goob joog ka nahay wajigii ugu danbeeyey ee Madaarka Caasimada oo aanu bilawnay iyadao o dhismaha madaarku soo maray laba waji oo waaweyn Midi waxa uu ahaa kii u horeeyey ee lagu samaynayey sarfayga, isla markaana lagu calaamadinayey goobaha wax laga qabanayo, wajiga labaadna waxa uu ahaa ranwaygii hore ee ka koobnaa 2.4 oo la googooyey meelihii uu ka daacay oo dhan meelihii bayskiisa dhagaxa ahaa lumayna dib loo soo kiciyey, ranwaygaas oo dawlada ingiriisku dhistay sanadkii 1958”.Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka sheegay inuu dhismaha madaarku hada galay wajigii ugu danbeeyey ee dhismihiisa waxaanu yidhi “Wajiga sadexaadna waxa weeye kan hada socda oo isku siman oo isku cel celiskiisu yahay 7.5cm kaas oo ah shaqadii ugu adkayd ah iyada oo shaqaba shaqadii ay ka horaysay ay ka adkayd,Maanta waxa la bilaabay mashruuca madaarka qaybta ugu danbaysa oo ah dabaqii labaad ee la saaray oo ka kooban 4cm, kaas oo ka dhakhso badnaan doona kuwii hore, marka koowaad waa mid siman, waanu ka yar yahay kuwii hore qaabka loo samaynayaana wuu ka khafiifsan yahay kuwii hore,mashruucanu waxaanu rajaynaynaa inuu wakhtigii loogu tala galay ku dhamaado”.Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay ka hor yimaadeen caqabado badan oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo dib u dhigay inuu mashruucani si dhakhso ah ku dhamaado isaga oo tilmaamay waxyaalaha ka hor yimid ayaa waxa uu yidhi “Waxa dib u riday mashruucan oo aanu rajaynaynay inaanu wakhti hore dhamayno, iyada oo dawlada iyo kanbanigaba ay dantu ku jirto inuu dhamaado wakhtigii loogu tala galay, balse caqabado badan ayaa naga hor yimid oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wakhtiyadii roobka oo keenay inaan wakhti badan la shaqayn, waxa ka mida karasharkii magaalada ee dhagaxa lagu samaynayey oo soo wada saari waayey qadarkii dhagaxa ahaa ee loo baahnaa taas oo keentay in wakhtigii laban laab noqdo, guud ahaan marka laysku daro mashruucu waxa uu u socdaa sidii loogu tala galay”.Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka loo maamulo dhaqaalaha ku baxaya mashruucan, isaga oo tilmaamay inay dawlada Kuwayt gacanta ku hayso dhaqaalaha ku baxaya mashruucan waxaanu yidhi “Mashruucani waxa uu soo maray nidaam habaysan , mashruucana dawladii lahayd ayaa xisaabsanaysa, lacag naloo dhiibayna ma jirto, lacag nalaga xisaabinayaana ma jirto, kanbanigana waxa la xisaabtamaysa dawladii mashruucan bixisay, marka uu kanbanigu sameeyo shaqo 10% ama 5% ah ee ay eegaan engineer-ada ka socda dawlada Kuwayt ee aanu anaguna eegno ayaa lacagta loo soo daayaa, xisaabtana mashruucana si wanaagsan oo sadex geesood ah ayaa loo maamulayaa”.Ugu danbayntii wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxaa uu ka hadlay go,aanka ay xukuumada Somaliland ku joojisay duulimaadyadii qaramada midoobay isaga oo tilmaamay inuu go,aankaasi ahaa mid sax isla markaan wafti ka socda qaramada midoobay ay todobaadkan gudihiisa iman doonaa dalka iyada oo laga wada hadlayo wixii jira, wasiirka oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Go,aankii xukuumada Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada qaramada midoobay sidii ayuu u taagan yahay waanu dhaqan galay, go,aan sax ah ayuu ahaa oo maaha mid aanu ka qoomamaynayno ee waa go,aan sax oo aanu qaadanay wakhtigii loo baahnaa, wax xaal ah kama bixinayno ee anaga ayaa nalooga garaabi doonaa,waftiga ka socda qaramada midoobayna todobaadkan ayey imanayaan dalka waanu wada hadlaynaa, Somaliland-na gar ayey joogtaa go,aankuna waa halkisii,Gargaarka ay fuliyaan hay’adaha qaramada midoobay maaha mid saamaynaya duulimaadyada la joojiyey, qaramada midoobay shaqadooduna ma istaagi karto ee duulimaadyada kale ee socda ayey raacayaan, shaqo xumaanaysa oo xukuumadu aaminsan tahayna ma jirto, go,aanka aanu qaadanay waa sax oo maaha mid xaal laga bixinayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured