Galliani : Balotelli Waxa Uu Ka Mid Yahay 5-ta Laacib Ee Aduuka Ugu Fiican
Madaxa kooxda Milan Adriano Galliani ayaa qiray in weeraryahanka cusub ee kooxda Milan Mario Balotelli lagu tirayo 5-ta laacib ee ugu wanaagsan waqti xaadirkaan aduunka.
Shabakada Sky Sports ayuu Adriano ka yiri ” Messi , Ronaldo , Falcoa , Ibrahimovic iyo Balotelli waa shanta laacib ee aduunka ugu fiican , Cavani waa uu mudnaa in liiska uu soo galo balse waxaan ka door biday Balotelli maxaa yeelay waa 22 sano jir “.
” Balse Mario Balotelli laacibtinimadiisa waxaa saameyn ku yeelaneysaa dabeecadiisa , aadna ayaan uga helaa” ayuu sii raaciyay madaxa kooxda Milan Adriano .
” Aniga waxaan ka mid ahay dadka la dhacsan Bolotelli xitaa intii uu joogay Inter Milan , mar waliba waan la hadli jiray waxaan ka codsan jiray in uu sii hor mariyo heer ciyaareedkiisa” ayuu ku daray Adriano.
Waxa uu madaxa Milan hadalka ku soo gabagabeeyay ” Milan waxa ay horay ugu guuleysteen 8- jeer kubadda dahabka , haatan oo uu Balotelli joogo waxaan rajeynayaaa in sagaal ay noqdaan.
Leave a comment |
|