Fiorentina Oo Wadahadalo Ay Kula Wareegeyso Contento La Furtay Kooxda Bayern Munich
Naadiga Fiorentina ee dalka Talyaaniga ayaa dadaal ugu jira in kooxda ku soo biiraayaan xagaaga dambe daafaca kooxda Bayern Muncih Diego Contento si ay ugu xoojiyaan garabka bidix ee kooxda .
Wargheyska Nazionale ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa sheegaya in wadahadalada ku aadan laacibkaan in ay labada koox wada bilaabeen lana filayo in maalmaha ugu horeeya bisha dambe ay soo dhamaadaan .
Laacibkaas 22 -sano jirka ah ee isku haysta dhalashada Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa ku dhashay magaalada Munich isaga oo ah iska dhal Talyaani ah , waxa uuna marar badan uu ku cel celiyay in uu doonayo in uu matalo qaranka Talyaaniga .
Diego Contento ayaa xilli ciyaareedkaan Bayern Muncih u saftay 4 ciyaar dhamaan tartamada ay ku jirto Bayern Municg taasina waxa ay muujineysa in aan lagu tiirsaneyn iyadoo ay wadada u xareyso in uu ka huleelo Jarmalka
Leave a comment |
|