Paul Pogba : Haddii Juventus Iyo Antonio Conte Ahaan Laheyn Qaranka Uma Safan Laheyn.
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa muujiyay sida weyn ee ugu mahad celinayo Juve iyo tababare Antonio Conte.
waxa ayna tani ka dambeeysaa ka dib markii looga yeeray markii ugu horeeysay qaranka faransiiska oo uu matalay kulankii shalay ee Georgia ee qeybta ka ahaa is reeb reebka koobka aduunka .
Waxa uu Pogba saxaafadda Faransiiska ka yiri ” wa maalin taariikhi ii ah , mar waliba waxaan mahadda u hayaa Juventus iyo tababare Conte , haddii iyaga ahaan laheyn uma ciyaareen qarankeyga”.
“Waxaan xoogga sii saarayaa in aan sii hor mariyo heer ciyaareedkeyga , diyaar ayaan u ahay in aan qaranka ka sii mid ahaado , Juventus-na aan ka ahaado Line -up” ayuu sii raaciyay laacibkaani Juventus.
Waxaa xusid mudan in laacibkaan 20-sano jirka ah in xagaagii hore qaab xor ah uu ugu soo biiray Juventus isaga oo ka yimid kooxda Man United , waxa uuna haatan la qabsaday qadka dhexe ee kooxda Juventus
Leave a comment |
|