Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Dila, Agab Ciyaareedna guddoonsiiyey Dhallinyaro deegaanka ah

0
Saturday October 07, 2017 - 16:57:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Dila, Agab Ciyaareedna guddoonsiiyey Dhallinyaro deegaanka ah

    Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Dila, Agab Ciyaareedna guddoonsiiyey Dhallinyaro deegaanka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga kulmiye oo Xafiisyo ka Furtay Degmada Dila, Agab Ciyaareedna guddoonsiiyey Dhallinyaro deegaanka ah Dila(Xogreebnews)-Xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE, ayaa xafiisyo cusub ka furtay degmada Dila ee gobolka Awdal, kuwaas oo saldhig u noqon doona ololaha xisbigu geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay kiradiisa iyo qalabkiisaba dhammaystireen taageerayaasha xisbiga ee degmadu.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo ay weheliyaan maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Dilla, ayaa isagu si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex xafiis oo ay garabyada dhallinyarada iyo haweenku ka hawlgeli doonaan iyo mid kale oo guud ahaan arrimaha xisbiga ee degmada laga hagi doono.

Munaasibadda xadhigga lagaga jaray xafiisyada KULMIYE ee degmada Dila, ayaa waxa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamid ah taageerayaasha KULMIYE ee deegaanka, waxana lagu guubaabiyey in loo hagarbaxo sidii gacmaha la isu qabsan lahaa guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo isaguna hadal kooban ka jeediyey madasha xadhigga lagaga jarayey xafiisyada cusub ee xisbiga KULMIYE degmada ka furtay, ayaa shacabka reer Dila uga mahadceliyey abaabulka iyo isxilqaanka badan ee ay sameeyeen.
Dhinaca kale waxa uu wasiirku isla goobta xadhigga lagaga jaray xafiisyada cusub agab ciyaareed ku guddoonsiiyey qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee degmada Dila, taas oo qayb ka ah dhiirrigelinta xisbiga KULMIYE ee da’yarta dalka, iyada oo qaar kamid ah dhallinyaradii agabka la guddoonsiiyeyna si weyn uga mahadceliyeen dhiirrigelinta xisbiga KULMIYE la garab joogo.
Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, people walking and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured