David Silva Oo Ka Maqnaanaya Kulanka Spain Iyo France dhawac soo gaadhay awgeed iyo alonso oo rajo laga leeyahay inuu ciyaaro
Waxaa lagu waramayaa in la xaqiijiyay in laacibka qadka dhexe ee kooxda Man City David Silva uu ka maqan yahay liiska ciyaartooyda qaranka Spain ee talaadada wajaheysa
qaranka Faransiiska kulan qeyb ka ah is reeb reebka koobka aduunka looga soo baxo.
Arintaan maqnaashaha Silva ayaa waxaa u sabab ah isaga oo kaarka digniinta qaatay kulankii daraad ee Finland taasi oo ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool ah .
Tababaraha qaranka Spain ayay maqnaashaha Silva u tahay dharbaaxo maadaama laacibkiisa Jordi Alba la xaqiijiyay in uu ka maqanaanayo kulankaas sababo la xariira dhaawacii ku gaaray kulankii hore. .
Dhan kale war kale ayaa sheegaya in xiddiga qadka dhexe ee Xavi Hernandez uu ka soo caafimaaday dhaawacii hayay uuna diyaar noqon karo kulankaas Spain iyo Faransiiska .
Waxa ayna baaritaano lagu sameeyay muujinayaan in uu ka bogsaday dhibkii dhanka murqaha ahaa balse waxaan la xaqiijin karin in kulankaas uu ka qeyb galayo , waxaan uuna weli uu mugdi ku jiraa in si wacan uu kabsaday, sidoo kale Xavi Alonso ayaa rajo laga leeyahay in kulankaas uu safto.
Leave a comment |
|