![]() Maxaad Ka Og Tahay Qorshaha Kala Qaybinta Umadda ee Xukuumada Siilaanyo iyo Shirka ay Odayaasha Ugu Qabanayso Ambassodor Hotel 10-ka Bishan. Qaybtii 1 aad:
Akhriste waxan umadda u soo bandhigi doonaa warbixino xaqiiqo ah,kuwaasi oo noqon doona xaqiiqo isla markaana runta ka turjumaya,runtii xukuumadda Siilaanyo oo xiligan wakhtigeedii uu uga hadhay mudo kooban oo 3 bilood ah,ayaa waxay qorshaysatay qorshayaal ku racan oo dhaqanka iyo is dhex galka bulshada lidi ku ah,kuwaasi oo ay ka mid yihiin.
Akhriste waxan umadda u soo bandhigi doonaa warbixino xaqiiqo ah,kuwaasi oo noqon doona xaqiiqo isla markaana runta ka turjumaya,runtii xukuumadda Siilaanyo oo xiligan wakhtigeedii uu uga hadhay mudo kooban oo 3 bilood ah,ayaa waxay qorshaysatay qorshayaal ku racan oo dhaqanka iyo is dhex galka bulshada lidi ku ah,kuwaasi oo ay ka mid yihiin.
1: xukuumadu waxay qorsheysay inay umadda reer Somaliland kala qaybisay ,iyadoo adeegsanaysa hantidii umadda,warkaasi wuxuu ka soo baxay shir qarsoodi ah oo gudidida horumarinta beesha madaxweyne Siilaanyo Hargeysa ku yeesheen,waxay go’aamiyeen inay hantida umadda u isticmaalaan kala qaybinta umadda Somaliland,iyagoo go’aamiyey inay maalinta salaasadda ah ee bishu tahay 10-ka bishan,in odayaasha beelaha kala duwan ee Somaliland ay xukuumada siilaanyo u qabato shir lagu taageerayo madaxweyne siilaanyo,iyadoo xogta dhabta ah ee soo baxday sheegayso in reer kasta laga casumay odayaal iyo wax garad kale ,waxa la sheegay in lagu kharad garaynayo lacago tiro badan oo hantida qaranka iyadoo mudo koobani uga hadhsan tahay xukuumada siilaanyo wakhtigii la doortay,ayaa hadana ay qorshayaal badan oo ku lidi ah mustaqbalka umadda.
2: Waxa kale oo qorshayaasha ka mid ah dhul magaalooyinka berbera iyo hargeysa laga Siinayo madaxweyne Siilaanyo,tusaale ahaan berbera marka looga baxayo dhinaca bari waxa la sheegay in ninka Wadaadka ah ee Haamaha Shidaalka loo dhiibay uu yidhi dhul cabirkiisu yahay ilaa 20kmitir waxaan hadiyad ahaan u siiyey oo aan dayr ugu xidhay Siilaanyo,iyadoo la sheegay in dhilkaasi gudida beesha siilaanyo ugu talo gashay inay u qaybisay dhalinyarada beesha,sidoo kale hargeysana qorshahaasi oo kale ayaa laga sameeyey.
3: waxa kale oo qorshayaasha xukuumada Siilaanyo ka mid ah,inay boobka hantida umada xalaashato,oo ay u cunaan xisaab la’aan,xili dhalinyarada dalku niyad jab weyn ka haysto mustqbalkoodii,waxayna dhalinyaradii dalku u qaybsameen qaar tahriiba,qaar markii ay shaqo iyo waxbarasho waayeen dadka dhaca,waxaasi oo dhana waxa u aabbo ah,xukuumadda fashilantahay ee uu hogaaminayo Siilaanyo oo maanta dalkii gayeysiiyey mid mustaqbalkiisii madawyahay.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay qoraalka u arkaan in uu yahay mid caadiad ku dhisan ama aan xaqiiiqada ku dhisneyn,laakiin runtu fanto maaha ee akhriste waa xaqiiqo jirta oo hadii aad baadhis sameyso adiga laftigaaga ayaa xaqiiqada soo taabanaya,waayo maanta xukuumada siilaanyo waxay lumisay rajadii umadda,waxay xalaashatay boobka hantida umadda,waxay dalka u horseeday maamul xun oo aad u liita,oo siyaasadii dibadda ku fashilmay siyaasadii arimaah gudahana ku fashilmay.
La Soco qaybaha danbe
By: Axmed Maxamed Cali
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland
Leave a comment |
|
Maxaad Ka Og Tahay Qorshaha Kala Qaybinta Umadda ee Xukuumada Siilaanyo iyo Shirka ay Odayaasha Ugu Qabanayso Ambassodor Hotel 10-ka Bishan. Qaybtii 1 aad:
Akhriste waxan umadda u soo bandhigi doonaa warbixino xaqiiqo ah,kuwaasi oo noqon doona xaqiiqo isla markaana runta ka turjumaya,runtii xukuumadda Siilaanyo oo xiligan wakhtigeedii uu uga hadhay mudo kooban oo 3 bilood ah,ayaa waxay qorshaysatay qors