![]() Wax-garadka,Cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka MASALAHA Oo Si Adag Uga Hadlay Dhulka Lagu Muran San Yahay Farriinna U Kala Diray Dawladda Hoose iyo Madaxweyne SIILAANYO.
Haregysa(xogreebnews.com-“Dawladda Hoose Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Caddayso Faylashan Ay Cashuurta Ku Qaaddo In Ay Sax Yihiin iyo In Ay Qalad Yihiin.” Cumar Wali Raabbi
“Dawladda Hoose Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Caddayso Faylashan Ay Cashuurta Ku Qaaddo In Ay Sax Yihiin iyo In Ay Qalad Yihiin.” Cumar Wali Raabbi Hargeysa(xogreebnews.com-- Wax-garadka Cuqaasha Odayaasha xaafadda Masalaha iyo mulkiilaha dhul ku yaalla xaafadda Masalaha oo lagu muran san yahay ayaa sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhuil dan guud ah iyo meel ciidan leeyahay toona waxaanay soo ban dhigeen caddaymo ay u haystaan dhulka muranku ka taagan yahay qoyska iska leh iyadoo ay halkaa ka caddeeyeen dhamaan dadkii ka hadlay in qoyska reer Cawalaash dhulkaasi uu yahay hantidooda gaarka ah isla markaana hore looga jaray dhukii danta guud ahaa. Waxaa kale oo ay intaa ku dareen dhamaantoodna caddeeyeen in dhulkii danta guud ahaa ee ku waajibay hoe looga jaray iyagoo baaqyona u kala diray Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa iyo dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa oo ay ka dalbadeen in ay caddayso mulkiyadda dhulkaas oo ay sanad kasta cashuur sanadeedkiisa qaadato.Waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa. Mulkiilaha Dhulka lagu muransan yahay ee Masalaha Axmed Yaasin Cali-Waash oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ah Axmed Muxumed Maxamed “Axmed Yaasin Cali-Waash”waxaan halkan ka caddeynayaa inuu dhulkani yahay dhul deegaana oo aan ku dhashay aniga iyo in iga waaweynba muddo dheerna aanu degenayn.Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa dantii ee dhulkaasi “Masalaha” nalaga jaray, oo ay ugu horeyso Xerada Gaasamta, Garoonka, kana danbeysay dantii guud ee dawladan imika dalka ka talisa naga qaaday, isla markaana aan bixiyay Garoonka kubadda Cagta ee Masalaha oo cabirkiisu dhan yahay, 300 Mitir iyo 140 Mitir, oo ku saxeexan yihiin Duqii hore ee Caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir, Iyo Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka iyo Guddidi hore ee Golaha Deegaanka iyo Suldaanka Guud ee Reerka.Waxa kale oon caddeynayaa dantii guud ee uu Maayar Jiciir naga jaray lagu daray dhismihii biriijkii labaad ee Caasimada ee taga Xaafada Biibsiga. Markii nalaga jaray dhulkii danta guud waxa na loo sameeyey sharciyadii dhulka”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dhulkaasi waxa xoog ku seestay Ciidamada qaranka Somaliland oo Garoonkii Kubadda Cagta ee aan bixinay birihii qaar ka jaray, oo Telefiishanada iyo warbaahinta ka sheegay inay iyagu Garoonka kubadda Bixiyeen, dhukumenkii aan Garoonka ku bixiyayna waa kan oo aan ku wada saxeexanahay dhamaan masuuliyiinta oodhan, waxaana markhaati ka ahaa Suldaanka Guud Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Nimanka Dhulkayagaasi ku sheegaya dan guud waxaan leeyahay maaha dan guud, isla markaana ma jirto Guddi aan anigu u dirtay inay ii hadlaan oo xukuumadda la dooda,” Maxamed Ibraahim Biixi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wuxuunbaan anigu caddaynayaa markii aan ahaa guddoomiyaha gudigga xaafadda Masalaha waxaa jirtay in aanu dhul ka goynay danguud. ah reer Cali waash Axmed
ninkaa la yidhaa ee imika hadlayay ayaa lahaa saxeexa reer Calawaash ee dhulka
laga goynayay oo qoladan dhulka leh laga jaray dantii guud ah janankuna dhan
ayuu ka saxeexay, waxaanu caddaynaynaa in sadex boqol oo mitir (300 MT) iyo
boqol iyo afartan mitir (140 MT) in aanu ka goynay oo aanu ugu talo galnay
garoomo ciyaal kuwaasoo aanu sadex u qaybinay uguna talo galnay yar yarka iyo
waawaynka ayay isku dili jireen marka yar yarku ku ciyaarayaan ee waacaynku soo
galo ayay isku dili jireen sidaa awgeed ayaanu sadex garoon uga dhignay
waxaanan leeyahay imikadan oo aan fursadan uga faa,iidaysanayaa in ay
wasaaradda ciyaaruhu garoonkan la waregaan waayo iyagaa leh oo aanu u goynay
waana meel ay dhalinyaradu u baahan tahay maanta waxaanan danta guud uga
goynaya waa garoomo ciyaareed markaa Wasaaradda Ciyaaruhu hala wareegto
garoomadan dhulaana waxaanu ka jarnay oo aan mar labaad caddaynayaa in aanu ka
jarnay ninkaa Axmed la yidhaahdo iyo qoyskooga.” Waxaa kale, oo isna halkaa ka hadlay Cumar
Weli Raabbi waxaanu sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhul ay ciidanku leeyihiin
waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan ka hadlayaa dhulkaa Masalaha ee
maalmahan buuqa badani ka taagan yahay waxaanan caddaynayaa in aanu dhulkaasi
ahayn dhul ciidan maaha caddaymaheedii iyo sharciyadeedii halkanaa lagu hayaa
dhul dan guud ahna maaha waa dhul dad reer Somaliland ah u sharciyaysan
halkanaan ku hayaa dhulkii danta guud ahaa ee laga jaray iyo raggii saxeexay
iyo masuuliyiintii bixisay garoonka ciyaaruhu sida uu sheegay muwaadinka iga
horreeyay waa 300 oo mitir (300)iyo boqol iyo afartan mitir (140 mitir) waxaana
ku saxeexan Maayerkii hore ee caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir waxaa
kale oo ku saxeexan suldaanka guud ee beelaha Somaliand Suldaan Maxamed Suldaan
Cabdiqaadir waxaa kale oo ku saxeexan ninka dhulka bixiyay Axmed Muxumed
Maxamed waxaa kale oo ku saxeexan waxaa kale oo ku saxeexan guddoomiyihii
xilligaa ee xaafadda Masalaha oo ahaa Maxamed Ibraahin Biixi waxaa kale oo ku
saxeexan janankii ciidanka Qaranka ee xilligaa Nuux Ismaaciil Taani waxaa kale
oo ku saxeexan Cabdiqaadir bedel ducaale oo gudiga ka mid ah Cabdinuur
Ismaaciil Cabdilaahi oo guddiga ka mid ah dhulka intaa ka soo hadhay waxaa loo
sharciyeeyay muwaadiniintan oo haysta sharciyadoodii maamkii dawladda hoosena
waa kan dhulkaasina maaha dan guud dantii guudna horaa looga jaray maamkii
hawlaha guudna waa kaa dhulkana lagu caddeeyay nashqadayntiisa looguna diiwaan
galiyay muwaadiniinta iska leh. Dhulkan nashqadaytii dawladda hoose u samaysay
ee lagu diiwaan galiyay ee ay dawladda hoose cashuurta kaga qaado sanad kasta
waa kuwaa cid kasta oo u baahanina way arki kartaa. Markaa waxaanu leenahay haddaanu nahay dadka
degan xaafada masalaha oo aanu caddaynaynaa in muwaadiniintaasi ay dhulkooda
leeyihiin sifo sharci ahna ku leeyihiin wax kasta oo caddayn ah oo looga
baahdana ay u haystaan markaa waxaanu xukuumada uga digaynaa in muwaadiniinta
xaqooda xoog lagu qaato taasina ma dhici karto cidna lama boobi karo, dawladda
hoosena waxaanu leenahay ha caddayso cidda ay u aqoonsan tahay ee ay u ogtahay
kana qaado cashuur sanadeedka waxaana looga baahan yahay dawladda hoose in ay
kala caddayso in faylashani ay sax yihiin iyo in aanay sax ahayn. Waxaana loo
baahan yahay in cid walba shaqadeeda loo daayo oo laga waraysto Wasiiradu shaqo
ayay leeyihiin ciidamadu shaqo ayay leeyihii dhulkana waxaa ku shaqo leh oo ay
tahay in wax laga waydiiyo dawladda hoose,dawladda hoosena haddaanay dhulka ka
war bixin karayn meesha ha iskaga tagto” Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay
Cabdiraxmaan Haybe Aadan,Cismaan Warsame Jiir,Maxamed Cali Nuur,Cali Guray.
Waxaanay dhamaantood si isku mida u caddeeyeen in dhulkaasi uu yahay dhu lay
gaar u leeyihiin reer Cali waash isla markaana aanay ahayn dhul dan guud ah
waxaany Madaxwaynaha Somaliand Axmed Siilaanyo ka codsadeen in uu wax ka qabto
arrinta dhulkaa muranku ka taagan yahay taasoo ay tilmaameen haddaan si dhakhso
aan wax looga qaban in ay keeni karto dhibaato ka dhalata . Leave a comment |
|
Wax-garadka,Cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka MASALAHA Oo Si Adag Uga Hadlay Dhulka Lagu Muran San Yahay Farriinna U Kala Diray Dawladda Hoose iyo Madaxweyne SIILAANYO.
Haregysa(xogreebnews.com-“Dawladda Hoose Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Caddayso Faylashan Ay Cashuurta Ku Qaaddo In Ay Sax Yihiin iyo In Ay Qalad Yihiin.” Cumar Wali Raabbi