![]() WAAGACUSUB (DAAHIR CALASOW) IYO (SULDAAN WABAR) KEEBAA KHATARSAN
Asalaamu calaykum marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo debed
Salaam kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo oo aan qalinka u qaatey inaan bulshadeena qiimaha badana la qaybsado arin aan u arkay inuu yahay mid khatar ku ah jiritaanka iyo isku duubnida shacbiweynaha Somaliland kalsoonidooda iyo wadajirkooda
WAAGACUSUB
(DAAHIR CALASOW) IYO (SULDAAN WABAR) KEEBAA KHATARSAN Asalaamu
calaykum marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer
Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo debed Salaam kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo oo aan qalinka u
qaatey inaan bulshadeena qiimaha badana la qaybsado arin aan u arkay inuu yahay
mid khatar ku ah jiritaanka iyo isku duubnida shacbiweynaha Somaliland
kalsoonidooda iyo wadajirkooda Waxaa jira website uu leeyahay nin lagu magacaabo “ DAAHIR CALSOW “ oo ugu magac darey “ WAAGACUSUB.COM “ runtii marka ugu
horeysa ee aad booqato website kan waxaa markaaba indhahaagu qabanayaan qoraalo iyo weliba video’s been abuur ah oo
laga sameeyey sharafta iyo karaamada dadka qiimaha ku dhex leh bulshada
Somaliland sida madxaweynaha Sharafta
leh ee Somaliland oo ah astaanta qaranka oo hadii isaga wax laga sheegay ay
lamid tahay in qaranka dhan la aflagaadeeyey waayo waa madaxweyne ku fadhiya
codka shacabkiisa iyo weliba marwadiisa, wasiirada xukuumadiisa iyo
weliba ganacsatada gaar ahaan DAHABSHIIL, XISBIYADA MUCAARIDKA, BEELAHA DEGA SOMALILAND OO UUU SI TOOS AH ISAGA HORKEENAYO isaga oo adeegsanay qoraalo aan sal iyo raad
toona lahayn oo uu isagu mala awaalay Isagoo si toos ah dhaliilo iyo weliba aflagaadooyin aan jirin
isu gelinaya shacbiga somaliland iskana horkeenaya beelaha walaalaha ee reer
somaliland waxyaabaha layaabka ah ee uu qorona ay kamid yihiin in somaliland ay
ka danbaysay dilkii MARXUUMAD SAADO CALI
WARSAME oo u dhalatay somaliland aanayna jirin sabab ay u beegsatay dawlada
iyo SHIRKADA DAHABSHIIL Waxyaabaha layaabkaleh waxaa kamid ah qorshayaal
badan oo aan jirin oo ay xukuumada somaliland ku doonayso in ay ku laayaan ama ku SUMEEYAAN madaxda XISBIYADA
QARANKA SOMALILAND Sidoo kale inuu adeegsado qoraalo aan jirin oo uu male
awaalay in wargeysada caalamiga ah ay ka qoreen
warbixino aan jirin somaliland
madxaweynaheena qiimaha badan, BEELAHA
SOMALILAND, GANACSATADA, IYO WASIIRADA XUKUUMADA iyo “ SHIRKADA DAHABSHIIL “ oo iyadu ah ta
uu ka dhigto bartilmaameedka koowaad Waxyaabaha ugu badan ee uu qoro waxa ay ku salaysan yihiin
sidaa uu isaga hor keeni lahaa dadweynaha somaliland ku dhaqan isagoo si gaar u
ah u bartilmaameedsanaya beesha dhexe ee degta somaliland guubaabinayna beelaha
darafyada adeegsanayana qoraalo aan jirin taasoo khatar ku ah qaranimada somaliland
iyo isku duubnida shacbiweynaha reer somaliland taageero u fidinaya maamul
goboleedyo uu sheego inay ka dhex jiraan somaliland sida khaatumo iyo awdal oo
aan waxjir ahayn Waxa jira buunbuunin badan oo ah baxsadka SULDAAN WABAR iyo GALAYDH oo aan taageero ku lahayn dhulkooda runtii waxa jira
cadowyo kale oo ka xun wabar iyo galaydh dunida maanta waxyaabaha hadii sida
xun loo adeegsado wax qasa warbaahinta ayaa kow ka ah tusaale “ GUGA WADAMADA CARABTA “ oo ay
banaanbaxayaashu adeegsan jireen goobahaa lagu kulmo ( SOCIAL MEDIA ) iyo WEBSITESwaa in laga digtoonaado cadawkasta oo aynu leenahay oo uu kow ka yahay “ Daahir
Calasow “ Waxan kuso koobay qoraalkaygan gaaban laba fariimood oo aan u
kala dirayo SHACBIWEYNAHA REER
SOMALILAND iyo weliba DAAHIR CALOW SHacbiga
reer somaliland waa dad lagu yaqaano isku duubnaan kana soo gudbay
marxalado badan oo lagu wiiqayey qaranimadooda ilaa heer ay u dagaalameen
runtii wanku kalsoonahay inay yihiin dad ilgaar ah ku eega nacabkooda yaqaanana
Waxaanan ku dhiirinayaa inaanay isu maqlin wixiii nacab ah ee kusoo duulay
jiritaankooda iyo wadajirkooda Daahir
Calasow runtii waadku
fashilantay barnaamijkii aad wadey ee ahaa inaad iska horkeento shacbiweynaha
reer somaliland mana aha dad maqla warka cadowgooda waxaan kuusoo jeedin lahaa
inaad iska dhaafto kana waantowdo xumaanta aad fidinaysid iyo burburka aad la
rabtid dadka reer somaliland waanad ku fashilmi doontaa inshalaah SOMALILAND
GUUL GUUL GUUL INSHALAAH
ADEN JAMA
DUALEH HARGEISA
SOMALILAND EMAIL:
aadanbeder44@gmail.com Leave a comment |
|
WAAGACUSUB (DAAHIR CALASOW) IYO (SULDAAN WABAR) KEEBAA KHATARSAN
Asalaamu calaykum marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo debed Salaam kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo oo aan qalinka u qaatey inaan bulshadeena qiimaha badana la qaybsado ari