![]() Ciil-tire: Tix Gabaya oo Baroor-diiq ah u Geerida M.rashiid M. Faarax
ANIGACiil-tire : Tix-gabay ah oo Barroor diiq u ah Geerida Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.. waxaana tiriyey : Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale).
Waxaan Magaceeda u cugtay Ciil-tire, markaadse dhuuxdaan midhaha ku jira iyo hab-dhaceeda suugaaneed idinka laftiinu waad ila wadaagi ANIGACiil-tire : Tix-gabay ah oo Barroor diiq u ah Geerida Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.. waxaana tiriyey : Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale).
Waxaan Magaceeda u cugtay Ciil-tire, markaadse dhuuxdaan midhaha ku jira iyo hab-dhaceeda suugaaneed idinka laftiinu waad ila wadaagi kartaan u magac bixinteeda. Waxay soo baxday 29/12/2014…. anigoo si hal-haleel ah u hollolobiyay midhahan markii ay dhegtaydu maqashaday geerida naxdinta badan, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan ereyo badan oo Jaban, isla markaana suugaanyahanada qaar badan oo ka mid ahi ay u arkaan kuwo aan miisaan badan ku fadhiyin laakiinse anigu dareen ahaan iskumaan qancin inaan Gabyo ee waxaan jeclaystay inaan asxaabta la wadaago dareenka guud ee Baroor-diiqda… Waxaanan ku bilaabay sidan: Caatadda aduunkaanu jirin ruux cadadiyaaye Hadii lagu ciseeyoo u jiro ruux cimrigii dhaafay Udgoonoow rasuul Maxamed-baan laga carceersheene Culimadii Asxaabtaan iyana laga carrawsheene Ciil la hooyeyaa iyo wakhtigan ceeb ka cararyaaba Cabdoow dheelmay Maxamedkii cududa weynaaye Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin.. Kolkay taladu ciirtee sharciga laga cabsoon waayo Kolku ciil nin noo qabay coltamo cududna uu sheegto Isagaa cod-dheer iyo lahaa Ciirsi iyo hiile Isagaan cabsoon jirin hadii ciidan loo diro’e Isagaa Caroog noo ahaa lama cadaabaane Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin.. Caawa iyo xalaytaa is xigay waana kala cayne Cad-ceed iyo habeenbaa is-xiga waanaka cayne Dharaaraha cartamayaa khalqiga caynba cayn u ahe Camalkeeda noocaasa buu ciidan u ahaaye Calankiyo dalkiisuu ahaa ruux cimaamadane Caammada, saboolka, iyo intii dani culaysiisay Isagaa u ciil-tire ahaa lama cadaabaane, Caheey waxaan la koobayn intuu ceeb ka dhiidhiyaye Caheey waxaan la koobayn intuu caawiyee kabaye Caheey waxaan la koobayn intuu curiyey sooyaale Caddad laguma koobiyo odhaah Maxamed Caynkiiye Cisho laguma soo guurin karo camalsankiisiiye Cil-cilowgan gees kale hadaan caynka ku iftiinsho Qof cibaado badanbuu ahaa oo eebbe caabuda.. Carrab Dalableh kuma sahamin jirin cuud intuu rabo’e Caasi waalid kuma sheegahayn caa’iladdu guude Caawaba hadii iilka cullan loo cayimay maanta Taariikhdu way caato bixin geedka ciirsamaye Amintaanu ciidiyo dhagaxa caddaha hoos geyno Ee ruuxda lagu soo ceshee loo camiro buugga Allahayoow su’aalaha culus culus celin jawaabtooda Haku dhibin casiisoow adaa caalimoo jira’e Eebboow cidhiidhiga qabriga waasac ugu caymi ka Xorree caddaabkiyo rabboo Naarta holaceeda ku casuun raxmaanoow jannada midhaha ceegaaga cal-calyada fardowsiyo, Al-rayaan ha u hirqado caanno Caweydiisa eebbo u gogol goob nimcadu cimidho oo caasaabadii Rasuulkiyo ka yeel culimadii diinta.. ..aamin aamin aamin…. Saleban Abdi Ali curad1986@hotmail.com Leave a comment |
|
Ciil-tire: Tix Gabaya oo Baroor-diiq ah u Geerida M.rashiid M. Faarax
ANIGACiil-tire : Tix-gabay ah oo Barroor diiq u ah Geerida Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.. waxaana tiriyey : Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale). Waxaan Magaceeda u cugtay Ciil-tire, markaadse dhuuxdaan midhaha ku jira iyo h