![]() Faallo : Keebaad Dooran Lahayd Saddeexdan Musharax ?
Hargeisa(xogreebnews.com_Somaliland waa dal dimu-quraadiyadi ah,kana jiraan asxaab mucaarid iyo muxaad-baa leh,waxaana ka qab-soomay dooraashooyin badan,waxaa tiraaba dhawr jeer ka dalka ka dhacay afar dooraasho oo kala duwan,kuwaaso kala ahaa doorashadi gollaha deegaanka ee ugu horeysay,ee
Hargeisa(xogreebnews.com_Somaliland
waa dal dimu-quraadiyadi ah,kana jiraan asxaab mucaarid iyo muxaad-baa
leh,waxaana ka qab-soomay dooraashooyin badan,waxaa tiraaba dhawr jeer ka dalka ka dhacay afar dooraasho oo kala
duwan,kuwaaso kala ahaa doorashadi gollaha deegaanka ee ugu horeysay,ee wadanka
ka dhacay 2003.taaso lagusoo baxaayeey qaab liisaas ah.waxaanay noqdeen golihii
deegaanka ee ugu horeeyey ee si sharci ah loo soo doortay. Waxaa ku
xigey doorashadi madaxweynenimo ee islaa sanadkaas ka dhacday dalka.kuna
tar-tamaayeeyen ,sadeex musharax.oo kala ahaa madaxweynihii wakhtigaas,mudane
Daahir rayaale Kaahin ,gudoomiyihii xisbiga Mucaaridka ahaa Ee Kulmiye ahaana
musaharaxa xisbigaas,mudane axmed siilaanyo .xisbiga saddeexaad waxaa uu ahaa xisbiga
cadaaladda iyo daryeel Ucid.kaaso u mushaarax u ahaa gudoomiye Faysal cali
waraabe .oo ahaana siyaasiga wakhtigaas u da”da yaraa .doorashadaas waxaa lagu
kala ad-kaaday cod aad u yar kaaso u ku Guleystay .madaxweynihii tallada
hayeey,Daahir Rayaale Kaahin.waxaana tiro lagu sheegay sided-tan cod uu kaga
heelay,xisbi wakhtigaas mucaarid ka ah ee Kulmiye.waxaana sidaas ku ansaxday
doorashadi ugu horeysay ee madaxweynenimo ee dalka ka dhacday . Waxaa iyaana
dalka ka dhacday doorasho baarlamaan,halkaaso u mudanuhuu kasoo baxaayo
sadeexdan xisbi ee kalaa ahaa Udub,Kulmiye iyo Ucid . waxaan si wanaagsan u
dhacday doorashadaas,waxaa aqlabiyadda gollaha wakiiladda Helay,xisbigii
tallaada hayeey ee UDUB ,balse waxaa Jiifka uu diidey,isbahaysii xoog-badnaa oo
dhex-maray , labadii xisbii mucaarid,ee Kulmiye iyo Ucid.waxanay isbahaysigoodaasi,fur-sadda
u diidey inay, xisbigii talaada hayeey uu hoggaamiyo baarlamaan.sidaasnaa waxaa
lagu doortay.shir gudoonka aqalka wakiilada Somaliland,waxaana gudoomiye loo
doortay gudoomiyaha ilaayo hadda ah,mudane cabdi raxmaan ciro,oo kazoo baxay
xisbiga cadaaladda iyo daryeelka.halkaa labadiisa ku xigeenna kasoo baxeen,xisbiga
kale ee Kulmiye.waxaana baarlamaankii noqdeen mid ay mucaaridku hogaamiyaan. Waxaa doorasho
dalka ka dhacday 2010 ,halkaaso ay tartamaayeen,sadeex horee usoo tar-tamay oo
kala ahaa madaxweynihii hore ee talada ka degey iyo labadii hogaamiye mucaarid
ee Ucid iyo Kulmiye,waa faysal cali waraabe iyo axmed siilaanyo.Daahir rayaale
Kaahin.waxana dalka si badan Gelyo ah ugu dhacday dooraasho.taaso sababtay inay
dadku kaga takhaalusaan rajiimkii wadanka taladiisa hayeey ee Udub.waxanaa sii
lama filaan ah codoodkii la bixyeey into badan Helay xisbiga talaada hayaa ee
Kulmiye. Waxaa si
rasmi ah madaxweyne uu noqday madaxweyne siilaanyo Halkaaso,si nabad iyo
dimuquraadiyadi ku jirto ugu wareegiyeey madaxweyihii hore ee Somaliland oo
hadda ay dadku ku naaneysaan ,abaha dimuquraadiyadda.waxaana uu wareejiyeey dal
caafimaad qabaa ,kaaso intaa badan ay sugan yihiin xuduudihiisa,oo dhammi . Sidaas waxaa madaxweyne ku noqday axmed
siilaanyo,waxaana uu soo dhisay dawlad intaa badan kaadiriintii Kulmiye aad uu
salluugee,iyaaddo ay iska dhex arkii waayeen. Hadaba aan
usoo noqdo qormadan maanta aan bilownay,maanta
dalka waxaa ka jiraa sadeex xisbi qaran waxaana ay sidii asxaabtu ahaan jirtay
hadaa kaga duwan yihiin,laba ka mid ah xisbiyadda qaranka , ayaa leh Guoomiye
iyo musharax.waa ucid iyo Kumiye. Halkaa xisbiga wadani uu yahay mid aan lahayn
Gudoomiye balse xilkaasi uu dhaxeeyo musharaxa oo labadaas-baa isku darsaday. Aan ku
haoreyno madaxweynaha tallada hayaa oo hadana mar kale murashax ah,inaago sidoo
kaleenna ogaan doonna sadeexdan
musharax,xilalka ay soo qabteen,xisbiga wadani waxaa ka sharaxaashan
hoggaamiyaha Baarlamaanka oo muddo toban sanno ah,xilkaas hayeey ,Xsbiga
Kulmiye ilaayo maalintii la aasaasay waxaa hoggaamiya isla markaasnaa musharax
ka ah axmed siillaanyo,halkaa xisbiga sadeexaad ee Ucid,uu yahay mid ka duwaan
kuwaa kale maadaama oo isaagu uu xilkaa baneeyey,musharaxii hore oo hadaa
noqday,gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelkay. Waxaana uu musharaxa ka
noqday aqoon yahan da” yar islaa markaasnaa kazoo shaqeeyey dalal badan oo ku
yaalla adduun weynaha,Jamaal cali xuseen wali dalka kamuu qaban wax xil
ah,markaa laga reebo xilkan uu ka hayo xisbiga uu sharaxaan yahay…la socoo
qaybo kale oo badan oo xiiso badan Qalinkii Cabdi casiis
Bashiir Nuur Tel :4144434 Hargeisa/Somaliland Leave a comment |
|
Faallo : Keebaad Dooran Lahayd Saddeexdan Musharax ?
Hargeisa(xogreebnews.com_Somaliland waa dal dimu-quraadiyadi ah,kana jiraan asxaab mucaarid iyo muxaad-baa leh,waxaana ka qab-soomay dooraashooyin badan,waxaa tiraaba dhawr jeer ka dalka ka dhacay afar dooraasho oo kala duwan,kuwaaso kala ahaa doora