Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo Deegaankooda!
|
Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska
Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo
Deegaankooda!
Waxaa maal mahan danbe soo if baxayay in wasiirka
wasaarada macdanta iyo biyuhu doonayo in uu ceelal shidaal uu ka qodo
deegaanka caynaba iyo deegaanada u dhaw ee sanaag iyada oo la sheegay in
wasiirku heshiis la galay koox maafiyaan ah oo doonaysa inay dadka dhacdo
isla markaana ay wasiirka heshiis ku yihiin inay qaybsadaan khayraadka dalka.
Iyada oo uusan ogan golihii wakiilada ee dadka ka wakiilka ahaa oo aad moodo
inay hurdadii yoomul kaaf seeexdeen, waayo waxay ahayd inay la socdaan hadba
wixii ku soo kordha deegaanadii laag soo doortay halka ay maanta wasiirka
macdanta iyo wasiir Xirsi ay u heshiiyeen khayraadkii dalka inay urursadaan
oo aysan waxba ka weydiin dadka deegaanka.
Waxaa waxaa muhiim ah marka meel ceel ama
khayraad kale laag qodayo in dadka deegaanka lagaga tashado isla makraana
laag shaqaaleysiiyo, madaama oo ay iyagu yihiin kuwa ugu horeeya ee xaqa u
leh in la ogaysiiyo, basle maanat waxa dhacday in wasiirka macdanta oo ku
caan baxay lunsiga hantida dadweynaha uu ku dulshaqaysto dadka reer caynaba
iyo reer sanaag, oo uusan wax texgelin ah haba yaraatee uusan siin.
Hadaba waxaa wax lala yaabo ah marka uu wasiirkii
macdantu sidaasi u dhaqmayo oo uu madaxweyne siilaanyana daaqada ka
daawanaayo ayaa dalka masuul ka ah oo wixii keenaya iska hor imaad ka
hortagaya?
Runtii aniga oo jecel in khayraadka dalka lala
soo baxo hadaba de ogolaan maayo dulmiga shacabka lagu hayo ee waxaa waajib
ah in aan aqoon yahan ahaan ka hadlo oo aan uga digo shacabak khataraha iyo
musuqmaasuqa ay ku hayaan wasiirada macdanta iyo madaxtooyada oo ah laba
wasiir oo dalka u hesheeyay isla markaana doonaya inay hantida umada guryo ka
dhistaan.
Dadka reer saraar iyo reer sanaag oo dadkoodii la
iska horkeenayo isla markaana laba wasiir ay u heshiyeen khayraadkoodii inay
lunsadaan markii xoolihii umadu ay deeqi waayaan, waa cajiib waxan dalka ka
socdaa oo aqoon yahankii reer Somaliland diebed iyo gudaba ma garayanaa meel
uu dalku u socda waayo waxaa hada dalka ka socdaa waa hantidii umada oo la
boobayo isla markaana aan loo aaba yeelan xoolaha umada halka aanad argeyn
cid ka damqanaysa xad gudubka baaxada leh ee ka socda dalka.
Akhristayaasha waxaa u sheegayaa aniga oo ah
aqoon yahan jiir in ay waajib tahay in xaqa la sheego oo cidna aan lagala
baqan xaqa si umadeena la boobayo loo badbaadiyo isla markaana dadkan qurba
jooga ah ee u soo shaqo tegay runta loo sheego inay dalkan kumanaan qof oo u
soo curyaamay ay manta caruurtoodii bilaa camal suuqyada iska fadhiyaa isla
markaana aysan jirin cid ka damqanaysaa diifta saran agoontii mujaahidiintii
oo bilaa camalku ku habsaday, halka manta dad aan haba yaraatee dalka waxba u
soo qabain ay xoolihii umada ay boobayaan Cajiib Cajiib Cajiib!!!!
Qalinkii:Aqoon yayan Jiir |
AQOON YAHAN JIIR AYAA KA DIGAY IN LA ISKA BAALMARO DADKA REER CAYNABO IYADA OO LA DOONAYA IN CEEL SHIDAAL LAGA QODO DEEGAANKOODA!
Aqoon yahan Jiir ayaa ka digay in la Iska Baalmaro Dadka Reer Caynabo Iyada oo La Doonaya in Ceel Shidaal Laga Qodo Deegaankooda!