![]() Madaxweyne Siilaanyo Oo 621 Arday Oo Dhamaystay Jaamacadda Camuud Shahaadooyin Gudoon siiyay
Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen. Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda
Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen. Madaxweynaha oo Saaka ka kicitimay
Hargeysa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama, isagoo
islamarkiiba u dhaafay dhinaca Xarunta Jaamacadda Camuud oo Munaasibada Qalin
jabinta ahi ka socotay.
Madaxweynaha ayaa ka qayb galay munaasibad ay ku qalin
jabinayeen 621 Arday oo dhamaystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Camuud,
kuwaasi oo afar ka mid ahi yihiin Ardayda Dhegooleyaasha ah. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Ardayda kula dardaarmay inay
dalkooda wax ku taraan cilmiga ay barteen islamarkaana aqoontooda kor u sii
qaadaan. Waxa uu ku dhiiri galiyay inay samraan inta ay shaqooyin ka helayaan. Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay socdaalkiisa xubno xukumadda ka tirsan, waxaana munaasibada kala qayb galay Madaxda heer gobol ee Gobol Awdal iyo madaxda Jaamacadda Camuud. Leave a comment |
|
Madaxweyne Siilaanyo Oo 621 Arday Oo Dhamaystay Jaamacadda Camuud Shahaadooyin Gudoon siiyay
Boorama(Xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad ay Ardayda Jaamacadda Camuud dhamaystay ku qalin jabinayeen.