Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa iska fogeeyey eedo musuqmaasuq kuwaasi oo uu usoo jeediyey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,waxaan uu sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay in uu isaga oo adeegsanaaya awoodiisa uu ruqsad u siiyey shirkad macdaneed in ay dalka macdan ka gurato,
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka
Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa iska fogeeyey eedo musuqmaasuq
kuwaasi oo uu usoo jeediyey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,waxaan uu sheegay in
ay waxba kama jiraan ay tahay in uu isaga oo adeegsanaaya awoodiisa uu ruqsad u
siiyey shirkad macdaneed in ay dalka macdan ka gurato,waxaana uu carabka ku
dhuftay in ay ahayd shirkad markii hore lacagtii cashuurta ku soo bixisay
Wasaarada Maaliyada Somaliland,sida oo kalena ay leeyihiin niman muwaadiniin ah
oo buuxiyey shuruudiihii looga baahnaa,waxaana uu tibaaxay in aanay waxba ka
jirin uu ka wasiir ahaan uu ka qaaday wax xaqul qalin ah.
Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo
tamarta Somaliland ayaa sidan ka sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey
bogiisa uu ku leeyahay facebooga,waxaana uu udhignaa sida tan:
Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta
Jamahuuriyadda Somaliland Waxay Halkan jawaab kaga bixinaysaa eedaymo been
abuur ah oo uga yimid Xibiga UCID oo la xidhiidha Macdan Dalka si Xalal ah uga
baxday , Oo Xisbigu sheegay in Amar wasiirku siiyey Maayirka iyo Badhsaabka
Gobalka Saaxil.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Warqada ay
ku shegeen Musuqa Saxeexay 28-12-2013 taaso Aheyd Ogolaansho wasiirku u fidiyey
Muwaadin reer Somaliland ah oo dalka kaga shaqeysta Baadhista macdanta ,ka dib
markii uu soo buuxiyey shuruudihi looga baahna iyo Bixinta Cashuurta Wasaaradda
Maaliyada oo ka soo qaatay, voucher kii uu ku bixiyey oo Numberkeedu ahaa
26-12-2013 No 847713 .
Hadaan Qodob, Qodob Uga jawaabno Hadaladdi aan Xikmadda laheyn ee ka soo
yeedhay Nin Ku hadlayey afka xisbiga Ucid oo Aan Aqoon u lahey Waxaa UU Ka
Hadlaayo .Waxaa u masuulkan Marka kowaad-ba uu Qalday Magaca Wasaaradda oo uu
ku sheegay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ,Taas oo u haysto wali in ay hal
wasaaraddood isku yihiin . Waxaa uu Magaca shirkadda ka been abuuray kuna
tilmaamay shirkad aan jirin balse waa shirkadda waraaqadda ku qoran Somaliland
Gemstones Mineral Co. waxaa iska leh nin Muwaadin ah Kaaso Dalka ku soo
kordhiyey Fursadda Camal ,waxaan la mid yahay dadka somalilanderka ah ee Xadiga
Macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaaradda si loogu cashuuro ogalaanshana
loo siiyo .
Waxaa ninka ucid u hadleyay tibaaxay in Wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey
,Maayirka Gobalka Saaxil iyo Badhsaabka ,warqadan Waxaa ku Xardhan inay ku
socoto Kastamka Berbera Ogaanshana loo raaciyey Maayirka iyo Badhasaabka
,aqoonla`aanta Haysta cida matalaysa xisbigu waa wax la’la yaabo . Xisbiga Ucid
waxa uu kala garan waayay cashuurta ku waajibka ah Muwaadinka iyo Xaqul qalinka
Heshiiska Shirkadaha Ajaanibka ,waxaaney yidhaahdeen Xaqil qalinka Macdantan
wasiirku meel uu geeyey iyo cid ka xisaabisay garan mayno, Ogsoonow oo
Cashuurta waxaa lagu soo shubay Wasaaradda Maaliyadda Taarikhadda 26-12-2013 No
847713 Cashuurteenu waxay aheyd 8082$ .
Xisbiga Ucid ayaa caadeystay cayda iyo aflagaadada Masuuliyanta Qaranka isagoo
marwalba isku qaado arrin aan looga fadhiyen cadeynteeda iyo Document-ga aaney
hadalkeeda daa . ( ka fiirso intaanad falin) fagaarayaasha Codbaahintana waxay
u noqdeen Goob Gola ka fuul oo waxii ku soo dhacaba ay kaga Hadaaqaan . Waxaa
ceeb iyo anshax darro ku ah xisbiga Ucid iney afkooda ku hadlaan shaqsiyaad aan
aqoon iyo cilmi toona u laheyn arimaha macdanta, diyaar garwogooduna uu liito.
Wasiirka Macdanta Somaliland Si Kulul Uga Jawaabay Eedaymo Ay Usoo Jeediyee Xisbiga Mucaaridka ah Ee Ucid
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa iska fogeeyey eedo musuqmaasuq kuwaasi oo uu usoo jeediyey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,waxaan uu sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay in uu isaga oo adeegsanaaya awood