Maxaad Ka Og-Tahay Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ugu Faca-Weyneyd Ee Ka Talin Jirtay inta badan Dhulka Soomaalidu Degto Iyo Qaybo Ka Mid Ah Geeska Africa Qarniyaddi 12 aad Ilaayo 18 Aad Qoramaddi 2aad.

0
Sunday July 06, 2014 - 21:17:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Og-Tahay Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ugu Faca-Weyneyd Ee Ka Talin Jirtay inta badan Dhulka Soomaalidu Degto Iyo Qaybo Ka Mid Ah Geeska Africa Qarniyaddi 12 aad Ilaayo 18 Aad Qoramaddi 2aad.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Taarikhda soo jireenka ah ee ay leedahay soomaaliddu waxay u baahan tahay in lasoo nooleeyo oo waliba wax laga qoro,hadaba qoramadan ugama jeedo siyaasadda iyo cid ku xummeyn qormaddi tan ka horeysay waxaan arkaayey dad aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Taarikhda soo jireenka ah ee ay leedahay soomaaliddu waxay u baahan tahay in lasoo nooleeyo oo waliba wax laga qoro,hadaba qoramadan ugama jeedo siyaasadda iyo cid ku xummeyn qormaddi tan ka horeysay waxaan arkaayey dad aad u badan Hargeisa(xogreebnews.com-Taarikhda soo jireenka ah ee ay leedahay soomaaliddu waxay u baahan tahay in lasoo nooleeyo oo waliba wax laga qoro,hadaba qoramadan ugama jeedo siyaasadda iyo cid ku xummeyn qormaddi tan ka horeysay waxaan arkaayey dad aad u badan ila soo xidhiidhay igana codsaday inaan wax ka qoro taarikhda boqortooyinkii yar yaraa ee ka talin jiray meelo badan oo soomaalidu degto,waxaan asxaabtaas u sheegayaa in anaan usoo socdo balse ay haboon tahay in lasoo kala hor mariyo sidaa ay u kala awood badnaayeen iyo sidaa ay u kala gummeysi nab-caayeen.Taarikhda boqor-tooyaddi ajuuraan waxay ahayd mid awood badan lahayd taaso meelaha ay ka talin jirtay kaga tag-tay aas-rtaammo muujinaayo awoodooda,waxaana ka mid ahaa meelaas ama qalcaddo faro badan oo ka muuqdaa meelihii ay ka talin jireen ajuuraan waa dad soomaaliyeed oo leh taarikh mug weyn lahayd, waxaana lagu yaqaannay gummeysi nacayb waxaana xusid mudan sidaa ay ula dagaalammen gaaladii khayraadka wadanka usoo han-qal taagi jirtay.

Ajuuraan waxaa uu lahaa awood baahsan taaso ku teet-saneyd qaybo badan oo kala geedisan waxaanay ahayd mid lexaadbadan lahayd. Suldaanada Ajuuraan waxey ahaayeen boqortooyo soomaaliyeed oo aad u xoogan oo ka tali jirtay meelo badan oo ka mid ah bariga afrika xiliyadii dhexe. goobaha boqortooyada saldhigyadeda ama xarumaha u ahayd waxaa kamid ah qallaafe ,marka ,hobyo iyo mareeg oo ahayd meeshii ay kasoo bilaabatay imaaradoodii.
Dadka ajuuran guud ahan waxay uqaybsaman laba beelood oo waaweyn oo kala ah:
1-WAALMUGE
2- WAAQLE
.Waalmuge marka hoos loo raaco waxauu uqaybsamaa , afar: aadan, nuure, abdale,iyokunle
ajuuran dadka ku abtirsada meelaha ay degaan waxa kamid ah west somalia(ogadenia region),NFD or what known as north eastern Kenya, Mogadishu,jubada dhexe,jubada hoose,baardhere,buurhakaba iyo qoryooley iyado ay jirto deegano kale oo ay kubadanyihiin. ajuuran waa dad badankoda xoola dhaqata ah kuna tiirsan dhagalohooda beeraha iyo xolaha. saladanada ajuuran waxay bariga afrika katalinaysey kudhowaad shan qarni(from 1251M to 1687M) jagooyinka saldanadu waxay ukala qaybsanan jiren sidan
1-IMAAM = waa ninka ugu sareeya saldanada
2-AMIR = waa taliyaha guud ee ciidanka
3-NAA,IB = waa kuxigenada ahna shaqalaha saldanada
4-WAZIR = waa ergada ama wakiilada
5-QAA,ID = waa abukatayasha ama kuwa maxkamada qaabilsan.
suldaankii ugu danbeeyey ee saladanada ajuuraan wuxu ahaa suldaan Olol Diinle ajuuraan waa dad lagu yaqano gumaysi neceybka iyagoona aha kuwii waligood aanan cadow somaliyed kuso hogamin dalka iyo bariga afrika guud ahanba waxaana tasi daliil u ah inay Soomaaliya kadifaceen xagardamdi burtaqiiska ladamacsana qarnigii 17 bilowgisa(1634m) iyagoona dagal qarar kula hortagay burtageska, inkasto dagalkasi uu sababay inay daciifto saldanada ajuran oo aakhirkiina ay laburburtay. waxaana inta badan saldanda ajuran lagu soxasuusta dhismooyin iyo harado dhaqax aha oo ila hada laga helo magaloyinka qar.
ajuuraan waxa uu u kala baxaa sidan (waalamuge hghj waaqle) waalamuge waxa uu u kala baxaa sidan (waalamuge-kunle -gareen-imam caalim) taariikhda saldanadii ajuuraan halkaan laguma soo koobi karo maxaa yeelay waqti aad u fog ayeey soo jirtay ayaga oo marxalado kala duwan soo maray. bur burkii ajuuraan waxaa sabab u ahaa ayaa la dhihi karaa dagaalo dhinacyo badan ka heeystay oo kala ahaa boqortooyadii oromada iyo kuwa kale oo soomaali ahaa iyo gumeeystihii boortaqiiska dadka ajuuraan waxa ay ahaayeeen kuwa aad u neceb gumeeysiga. qabiilka ajuuraan waxa uu u kala qeybsamay ethiopia iyo kenya oo ah dhulalka soomalida ay degaan oo dalalkaas gacanta ugu jira somalia waxa ay ka degaan gedo jubada hoose jubada dhexe iyo meelo ka mid ah gobolada shbeelooyinka qoryoole iyo Afgoye …la soco
qalinkii
cabdi casiis bashiir nuur
Tel:;4144434
c.casiis98@hotmail.com
Hargeisa/somaliland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured