Hargaysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maanta ay Somaliland ay hayso dhabihii ay Lixdankii kula midawday
Hargaysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maanta ay Somaliland ay hayso dhabihii ay Lixdankii kula midawday Koonfurta Somaliya.Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad soo dhawayn ah oo Xisbiga UCID uu u samaynaayey taageerayaal ku soo biiray Xisbigaasi,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in dadka ku dhaqan Somaliland aanay u midaysnayn jiritaanka dalka,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in dalka uu ragaadiyey dulmi iyo cadaalad daro kaasi oo wax yeelo u gaysan kara jiritaanka qadiyada Somaliland.Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eg:Faysal Cali waraabe waxa kale oo uu ka hadlay waxa ay shacabka reer somaliland uga dhigan tahaya 26ka juuntaas oo ku tilmaamay in ay xukuumada uu hogaaminayo madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo gabtay qiimihii ay maalintaasi lahayd.waxa kale uu ka dayriyay xaalada ay ku sugan tahay qaranimadii iyo mabda’ii ay goosteen shacabka somaliland taas oo ku tilmaamay Shacab aan midaysnayn inaanay qarani dhisi Karin,waxaana oo ka dayriyay inuu si yar oo dhib yar gacanta xukuumada uga baxdo wixii qarankani usoo dagaalamay."Maanta halkaa waxaa aynu u dabaal dagaynaa 26-kii June oo waxaa ka soo wareegtay 54-sanadood maalintii aynu Xornimada Lixdankii aynu qaadanay,xalay reer Somaliya ayaa u dabaal dagaysay inagana imika qaar baa aan xasuusnaynba oo iyaga waa runtoodoo waa kuwii 26-kii iyagu qaatay inagu wax anfaca oo aynu 26-kii June ka aragnay ma jirto oo maynu arag Maanta waxaan ka baqayaa maalintaa Lix maal mood ayaa aynu haysanee in inaga oo dhawr iyo labaatan sano jirna in ay hadana ay dawladnimadu gacan teena ka baxdo,sababta oo ah sababihii ay lixdankii inooga tagtay ayaa hada ii muuqda oo Umad aan midaysnayn Qaran ma dhisi karto been yaan la idiin sheegin halka Airport-ka marka aad ka baxdid ayaa qabiil kuugu danbaysa,waxaa lagu leeyahay Pasport-kee haysataa dalkee ayaad ka timi"Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali WaraabeGudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi:"waxaan qabiil ahayn dalkeena kama soo baxaayo wasiirkii baa qabiil ku hadlaya Suldaankii ayaa qabiil ku hadlaya dhalinyartii ayaa qabiil ku hadlaya qabiil baa loo bara tamayaa in aynu dadkeena aynu hodno oo inaga oo hab dawladnimo iyo mid qaran toona aan wadin in aynu been u sheegna maaha,taasi waa ta keentay maanta in layna yidhaahdo taleex ka baxa waa laysku haystaayee umad isku jeedaana qaran ma dhisi karto oo afkooda waxaan qabiil ahayn ka so baxayn ,waxaa ay maanta ay somaliland ay khatar ugu jirta in ay dunto oo waxa duminayaa waxa weeye waa dulmi iyo qabyaalad weeyaan meel dulmi iyo qabyaaladina uu yimaadaa horumar ma yimaado qaranimana kuma raagto
Xukuumadu Way Ilawday Wixii Ay Maalinta 26juun Uga Dhignayd Shacabka Reer Somaliland. Faysal Cali Waraabe
Hargaysa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maanta ay Somaliland ay hayso dhabihii ay Lixdankii kula midawday