![]() Xaflad Loogu Dabaaldagayay Sanad-guurada 23aad Ee 20-ka Ginbood Oo Ka Dhacay Magaaladda Hargaysa Iyo Masuuliyiinta Isugu Jira Dawladda Somaliland Iyo Xukuumadda DDSI Oo Ka Qaybgalay + Sawiro.
Hargaysa(Xogreebnews) Iyada oo maalintii 23-Guurada Guusha Ginbot-20 ahayd siwayn looga dabaaldagay deegaanada dalka Itoobiya iyo dhamaan dunida dacaladeeda sanad guuradii ka soo wareegtay xiligii uu Midha-dhalay Halgankii qadhaadhaa cilkii iyo cadhadii isgaadhay ee ay bahwadaagta EPRDF ay Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya kaga dulqaadeen heeryadii iyo Dibindaabyooyinkii ay Talisyadii Faashiistiga ahaa Qowmiyadaha ku duudsiiyeen xuquuqahoodii iyo jiritaankoodiiba intii ka horaysay sanadkii 1983 T.I.
Hargaysa(Xogreebnews) Iyada oo maalintii 23-Guurada Guusha Ginbot-20 ahayd siwayn looga dabaaldagay deegaanada dalka Itoobiya iyo dhamaan dunida dacaladeeda sanad guuradii ka soo wareegtay xiligii uu Midha-dhalay Halgankii qadhaadhaa cilkii iyo cadhadii isgaadhay ee ay bahwadaagta EPRDF ay Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya kaga dulqaadeen heeryadii iyo Dibindaabyooyinkii ay Talisyadii Faashiistiga ahaa Qowmiyadaha ku duudsiiyeen xuquuqahoodii iyo jiritaankoodiiba intii ka horaysay sanadkii 1983 T.I. Maalinta sareerada,neecawda Dimoqraadiyadeed iyo Sinaanta walaalnimo ee laga dhaxlay Ginbot 20 ayaa ah maalin aan maranaba xusitaankeedu ka go’ayn Quluubta shacabwaynaha reer itoobiya meelkasta oo ay joogaanba islamarkaana qiimo gaar ahaaneed iyo qadarin maamuus-sharafeed loogu dabaaldagayaa.
Haddaba waxaa ka mid ah meelaha ay siwada wadanimada ku dheehantahay ay uga xuseen jahliyadaha ku nool wadamada aan dariska nahay xarunta Somaliland ee hargaysa oo lagu qabtay Xaflad lagu maamuusayay munaasabada sanad guurada 23aad ee 20ka ginbood oo ahayd mid si meeqaan sare ah ay u soo agaasimeen jahliyada DDSI ee ku nool Somaliland iyadoona ay kala qayb galeen safiirka dalka itoobiya u fadhiya Somaliland Mr brigadier general berhe tesfaye,qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid ahaayeen Maareeyaha Wakaalada qurba joogta DDSI mudane C/bari macalin maxamed iyo Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI C/naasir Maxamed iyada oo ay dhinaca soomaliland kala soo qayb galeen xafaladaN Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro]wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade,wasiirka qorshaynta Dr Sacad Cali Shire,taliya yaasha ciidamada Miltarriga,ciidanka Badda, jaaliyadda Itoobiya ee Somaliland iyo dadweyne kale oo farabadan.Milkiilaha Hotelka Maan-soor Cabdulqaadir Xaashi Cilmi,wasiirkii hore ee Maaliyadda Dawladdii Daahir Riyaale Kaahin iyo ganacasato farabadan ayaa ka soo qayglay munaasibadda. Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadaasi safiirka itoobiya u fadhiya Somaliland general tasfaye berhe wuxuuna u Hambalyeeyay dhamaanba shcabweynaha reer Itoobiya meel kasta oo ay joogaanba isagoona ka warbixiyay 20 Ginbot in aynan ahayn maalin la ilaawi karin waxaanay shacabka dalka iyo dadka Itoobiya u horseeday horumar balaadhan" isagoona sheegay in Talisyadii qalafsanaa ee soo maray Itoobiya kuwaasoo inbadan soo ragaadiyay dhamaan shacabwaynaha dalka itoobiya ha ugu sii darnaado dhiigyacabkii Mingiste.Safiirka ayaa sidoo kale ka waramay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya u furmay wixii ka dambyeeyey markii uu ka baxay meesha Maamulkii hore ee S/L lana doortay hogaan cusub oo furfuran. Sidoo kale waxaa waxaa munaasabadaasi khudbado ku qotomo sooyaalka taariikheed iyo isbadalka horumarineed siyaasadeed,dhaqan-dhaqaale ka soo jeediyay masuuliyiintii ka socoday xukuumada DDSI Mudane C/Naasir Maxamed oo si Qoto-dheer uga faalooday farqiga u dhexeeya itoobiyadii shalay ee ku dulnoolayd dhiiga iyo xaqiraada shacabka iyo tan maanta ee dib u soo noolaysay xaqa iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee jiritaanka iyo xaqdhawrka Qowmiyadaha iyo Shucuubta reer itoobiya.
Mudane C/Naasir iyo C/bari ayaa uga warameen jahliyada iyo Martidaba guulaha horumarineed ee ay 20ka ginbood u soo hoysay dhaman shacabka itoobiya gaar ahaan shacabka deegaanka iyaga oo sheegay in sanadihii ugu danbaysay ay xukuumada deegaanku si wayn uga faa’iidaysatay fursadihii horumarineed nabadgalyo ee ay u horseeday maalinta 20ka ginbood islamarkaana lagu qabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga Munaasabadii heer caalami iyo heer qaran. Masuulkanayaa tibaaxay in xukumada deegaanku si looga samato-bixiyo Bulshada saboolnimada iyo Gaajada loogana midhodhaliyo hirgalinta qorshayaasha iyo hilimooyinka Kobaca horumarin-Dhaqaale ay dajisatay qorshayaal cilmiyaysan gaar ahaan dhinacyada horumarka,Maamulka Saxar-tiran iyo nabadgalyada. Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Hogaamiyaah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo isaguna xafladdaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu u hambalyeynayi shacabka iyo Dawladda Itoobiya guusha 23 guuradii ka soo wareegtay markay iska eryeen Mingiste "shacabka iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee Itoobiya waxaan ugu hambalyeynayaa guusha iyo hormarka balaadhan ee ay gaadheen Somaliland-na waxaan filayaa inay kaga dayan doonto" ayuu yidhi Mr Cirro.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha
S/L Mudane Cali Waran-cade oo Munaasabadan ka hadlay waxa uu sheegay inay
shacab iyo xukuumad-ba Somali-land ahaan kala qaybqaadanayaan Itoobiya
dabaalldegga farxadda xuska maalintan oo qiimo weyn ugu fadhida shacadka
"waxaanu shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba ula dabaall dagaynaa farxadda
maalintii ay isa xoreeyeen maamulkii qalafsanaa" ayuu yidhi Mr Warancade. Xogreebnews/Office Hargeisa Soma Leave a comment |
|
Xaflad Loogu Dabaaldagayay Sanad-guurada 23aad Ee 20-ka Ginbood Oo Ka Dhacay Magaaladda Hargaysa Iyo Masuuliyiinta Isugu Jira Dawladda Somaliland Iyo Xukuumadda DDSI Oo Ka Qaybgalay + Sawiro.
Hargaysa(Xogreebnews) Iyada oo maalintii 23-Guurada Guusha Ginbot-20 ahayd siwayn looga dabaaldagay deegaanada dalka Itoobiya iyo dhamaan dunida dacaladeeda sanad guuradii ka soo wareegtay xiligii uu Midha-dhalay Halgankii qadhaadhaa cilkii iyo cadha