![]() ARDAYDII KA QALIN JABISAY JAMACADDA ALPHA UNIVERSITY OO DEEQ WAXBARASHO U TAGI DOONA DALALKA USA, HINDIYA, ETHIOPIA IYO TURKEY
Hormuudka Jamacadda ALPHA University Cumar Cabdilahi Xassan oo ka War bixiyay socdaal uu ku tagay dalka Ethiopia.
Madaxa Diwan Hayaha Jamacadda Alpha University College ee xarunta Magaladda Hargeysa ayaa ka waramay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Ethiopia, socdaalkaas oo qaatay muddo toban cisho ah, ayaa wuxuu kulamo iyo shirar la qaatay dhigiisa iyo madaxda jamacadda ALPHA ee dalka Ethiopia, iyo arday reer Somaliland ee dhigata jamacadda alpha oo markii hore dhigan jiray xarunta hargeysa lakiin u badashay, halkaas si ay aqoon tooda u sii wataan, jamacadda ALPHA oo ah mida ugu balaadhan jamacadda gaar loo leeyay ee ku yaala dalkaas Ethiopia isla markaan xarumo kala duwan ku leh daafaha aduunka.
Deeqdan ayaa ah mid ay ugu talo gashay jamacadda ALPHA University College Ardaydii ka baxday sanadihii 2012, 2013, iyo 2014 inay helaan waxbarasho tayadeedu sarayso isla markaana ay bixinayaan jamacaddo ku kala yaala daafaha aduunka, si heerka aqoonta ee ardaydu ay u noqoto mid sare, deeqdan waxay ardaydu soo xaraysan doonan marka shuruudaheeda si dhamaystiran loogu baahiyo warbaahinta dalka. University oo dadaal balaadhan ugu jira horumarinta ardayda ku nool dalalka geeska Africa, waxa kale oo uu sheegay in jamacadda ALPHA University ay sanadkan ka qayb gali doonto shirka horumarinta dhaqaalaha Africa oo ay soo qaban qaabiyeen baanka aduunka, baanka horumarinta Africa, waxayna jamacadda alpha university noqondoonta jamacadda kaliya ee gaar loo leeyay ee ka socota dalalka Ethiopia, Djibouti, Somaliland, iyo Somalia. Leave a comment |
|
ARDAYDII KA QALIN JABISAY JAMACADDA ALPHA UNIVERSITY OO DEEQ WAXBARASHO U TAGI DOONA DALALKA USA, HINDIYA, ETHIOPIA IYO TURKEY
Hormuudka Jamacadda ALPHA University Cumar Cabdilahi Xassan oo ka War bixiyay socdaal uu ku tagay dalka Ethiopia.