![]() Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Gadiid (Sacad Muuse) oo si mug weyn u canbaareeyay xadhiga xukumada Siilanyo la beegsatey Mulkiilaha iyo Tafaftiraha Wargeyska Haatuf
Hargeisa-(xogreebnews.com-Cuqaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahanaka Beesha Reer Gadiid-Sacad Muuse oo soo saaray war-murtiyeed ayaa si mug weyn u canbaareeyay Xadhiga xukumada Hargeisa-(xogreebnews.com-Cuqaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahanaka Beesha Reer Gadiid-Sacad Muuse oo soo saaray war-murtiyeed ayaa si mug weyn u canbaareeyay Xadhiga xukumada Siilanyo la beegsatey Mulkiilaha Iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Yuusuf cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo xukumada Siilanyo doraad xabsiga dhigtay,Maantana u wareejisey Xabsiga Gabiley si booqashada iyo wixii adeegyo lagama maarmana ay heli lahaayeen looga fogeeyo
War-Murtiyeedkaa Beesha Reer Gadiid soo saartey oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidatan: “Anagoo ah waxgaradka, odayaasha,culumada,qurba-joogta lab iyo dhadig-ba ee bahweynta reer Gadiid. Anagoo ixtiraamayna daris wanaaga beelaha kale: Markaanu darisnay xeerka saxaafadda ee ay ansixiyeen golayaasha xeer dejinta oo si cad u tilmaamaya hab dhaqanka loo marayo anshax ka xayuubinta saxafiga, iyadoo si cad looga badheedhay oo cadaawad ah in loogu tunto sharafta iyo milgaha saxafiga, iyadoo ay ahayd in la ilaaliyo xeerka saxaafadda. Markaanu darisanay xeerka ciqaabeedka Soomaaliyeed ee loo adeegsaday oo ah qodobaddan: 1-287 XCG oo leh-Eedayn been ah 2-215 XCG oo leh-Dacaayad ka soo horjeeda oo lidi ku ah wadanka 3-328 XCG oo leh-Daabacadda ama fidinta warar been ah oo khal-khal galinaya deganaashaha dadweynaha 4-269 (2) XCG oo leh — Aflagaado loo geysto laan siyaasi ah ama maamul ah ama garsoor ah 5- 269 Qodobka 2-aad oo leh — Ciqaab la mida ayaa loo cuskan doonaa cida adeegsta isgaadhsiin toos ah ama qoraal ama sawiro la gaadhsiiyo kooxda ama wakiiladood. Haddaba xeerkan maaha kii loo adeegsan lahaa xeerka saxaafadda waana cadaalad-darro qaawan taasiMarkaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaacii uu xaqa u lahaa muwaadinku iyadoo loo diiday inay difaacaan looyaradiisii u hadlayayna sid ay noo cadeeyeen. Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolkii shabaga ee loogu talo galay argagixisadda isagoon gayin oo ah nin xaq u lahaa inuu si xora isku difaaco taana uu waayay xoriyatal qowlkii xaqa uu u lahaa. Markaanu eegnay xaaladiisa caafimaad oon wanaagsanayn muwaadinkan lagu xadgudbay hantidiis, xoriyadiisa iyo caafimaadiisaba. Markaanu ku baraarugnay xaqdaraddan taagan ee si qoto dheerna u lafa gurney, waxaanu cambaaraynaynaa xidhiga sharci-daradda iyo xiniinyo taabadka ah ee lagu waxyeelanay. 1.Jiritaanka xeerarka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer dajinta sida xeerka saxaafadda ee l laalay 2- Waxaanu cambaaraynaynaa oo kale oonu ka soo horjeedna xadhigan afduubka ah ee lagula kacay muwaadinka Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige 3- Haddii la ilaalin waayo xeerarka iyo milgaha muwadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badheedhaysa ee awoodeeda sharciga ku baabinaysa 4- Waxaanu cod dheer ku leenahay ugu dambayn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha xaq-daradda ku xidhan, waana in magdhow iyo raali-galin laga bixiya arrintan foosha xun”. Magacyada warsaxaafadeedkan ku waxay kala ahaayeen sidantan;- 1-Mahdi Aadan Xaashi 2-Yuusuf Xuseen Xasan 3-Maxamed Nuur Cabdillaahi 4-Ibraahim X.Axmed Ildab 5-C/laahi Cali Yuusuf (xamaraawi) 6-Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil 7-Yuusuf Cali Ducaale 8-Axmed Maxamed Rooble 9-Iid Shabeel Cali 10-Axmed Khaliif Cabdi 11-Axmed Jaamac Faarax 12-Maxamed Axmed Muuse 13- Cabdillaahi Ismaaciil Xasan 14-Oday Yuusuf Caydiid 15-Axmed Cali 16-Shuun Xasan Maxamed 17-Aamina Carab Maxamed 18-Khadra Askar 19-Sahra Maxamed Cali 20-Muna Cabdi Cakala 21-Kowsar Cabdillaahi Yaasiin 22-Foosiya Cabdillaahi Xirsi 23-Sahra Jaamac Tukaale 24-Samsam Quule 25-Ifrax Cabdi Ruush 26-Sahra X.Jaamac 27-Basma Ibrahim Weerar 28-Khadra Maxamed Mooge 29Fahima Maxamed Mooge 30-Sacdiya Maxamed Mooge 31-Hibo Cali Muxumed 32-Safiya Aadan Xaashi 33-Ruun Faarax Maxamed 34-Hoodo Cabdillaahi Xasan 35-Xalimo Cismaan Maxamed 36-Hina Masalle 37-C/risaaq Caqli 38-Axmed Jirde Yuusuf 39-Ismaaciil Yuusuf 40-Mustafe Aadan Cismaan 41-Maxamed Cabdillaahi Diiriye 42-Xuseen Maxamed Rodol 43-Rashiid Cabdi Cali 44-Khaliil Ibraahim Xawaadle 45-Cabdillaahi Gahayr Jaamac 46-Axmed Aadan Cabdi 47- Maxamed Maxamuud Jaamac 48-Cali Muxumed Xirsi 49-Siciid Cumar Xasan 50-Cabdi Cali Mahdi 51- Axmed Ismaaciil Xuseen 52-Xuseen Xasan Aadan 53-Siciid Cali Salaan 54-Dr Yaasiin Cabdi Cismaan 55-Dr Fahad Cumar Carte 56-Dr Najiib Axmed Shunuuf 57-Jiir Cali Madoobe 58-C/kariim Cabdillaahi Xaashi 59-Maxamed Aw-cali Leave a comment |
|
Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Gadiid (Sacad Muuse) oo si mug weyn u canbaareeyay xadhiga xukumada Siilanyo la beegsatey Mulkiilaha iyo Tafaftiraha Wargeyska Haatuf
Hargeisa-(xogreebnews.com-Cuqaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahanaka Beesha Reer Gadiid-Sacad Muuse oo soo saaray war-murtiyeed ayaa si mug weyn u canbaareeyay Xadhiga xukumada