![]() Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Shirweynaha Xisbiga KULMIYE
Hargeysa(Xogreebnews( Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad dheer oo taabanaysa Waxqabadka Xukuumadiisa ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE. -
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si faah-faahsan uga hadlay Waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay Xilka haysay Xukuumada uu hogaamiyo,waxaanu yidhi “Mudanayaasha labada Gole, Wasiirada, Hogaanka Kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda. Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka “Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu. Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u
dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, sidaas oo kale waxaan
salaan iyo mahad-naq gaar ah u dirayaa xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga
Kulmiye, waxaanan mar kale uga mahad celinaya tacabkii iyo taageeradii aad
xisbiga geliseen xiliyadii tartanka doorashada taasoo sababtay inuu xisbigu
doorashooyinkii kala danbeeyey kusoo baxo derajada 1aad, waxaanan idinka
rajaynayaa inaad halkaa ka sii waddaan dadaalka, isku duubnida iyo illaalinta
danta guud inta ay umaddani gaadhayso himiladeeda. Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay xaqiijinta barnaamijkii xisbiga oo ku qotoma himiladeena ummadeed, adkaynta nabadgelyada, midnimada bulshada, horumarinta dalka iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland. Sidaad ka wada war haysaan, waxaynu samaysanay Dastuurka-Xisbiga, qorshaha iyo barnaamijkeena siyaasadeed oo ka shidaal qaadanaya Dastuurka Qaranka, Xeerarka iyo Siyaasada guud ee dalka, xilligii ololaha doorashada ballanteenu waxay ahayd inaynu dalkan ka samayno isbedel-siyaasadeed, isbedel-hab-maamul, isbedel-dhaqaale iyo horumar dalkani ku talaabsado. Ilaahay Mahaddii, dhamaan qodobadii
barnaamijkii siyaasadeed ee Xisbiga u qorshaysnaa ee aynu bulshada u
balan-qaadnay wax fiican ayaa laga qabtay; waa wax dhamaaday iyo wax gacanta
lagu hayo. Haddii aan dul-maro waxay kala ahaayeen: Haddaba, hadii aan dulmarkaa dabadii
afar meelood si kooban uga tilmaamo tussaale ahaan (Arrimaha Dibadda, Adeegyada
Bulshada, Dhaqaalaha, Dhismayaasha-Dawladda iyo Waddooyinka). Waxaa hubaal ah in aanu arrintan kasoo
hoynay guul aan qarsoonayn, innagoo maanka ku hayna muhimadda uu
madax-banaanideena u leedahay xidhiidhka fiican iyo saaxiibo inagala shaqeeya
ictiraafka, waxaynu yeelanay saaxiibo badan oo ku hawlan inay inagala
shaqeeyaan arintan waxaana jira dedaalo badan oo ka socda wadamada jaarka iyo
Europe kuwaas oo midhadhalkoodii ugu horeeyey aad maqasheen mooshinkii ka
dhacay magaalada Shiffield, UK. Waxa ay Wasaaradda Caafimaadku
diyaarisay qorshe Sannadeedka Shanta Sannadood oo la jaanqaadaya Qorshaha
Horumarineed ee Qaranka iyo Xeerka Caafimaadka Qaranka oo loo gudbiyay Golaha Wakiilada
Somaliland. - Sannadkii 2010 waxaanu la wareegnay
15 Cusbitaallada Gobollada, Sannadkan 2014 waxay marayaan 28 Cusbitaallada
Gobolladu, waxay Dawladda Kulmiye soo kordhisay 13 Cusbitaallada Gobollada. Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada horumrka, anagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo masuuliyada naga saran umadii xilka noo igmatay, waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha, iyadoo miisaaniyadii aan xilka kula wareegay ahayd 2010= $44,000,000 US Dollar, Ayaanu gaadhsiinay sanadkii 2011=
$86,000,000 US Dollar, Waa muhiim in xafiisyada dawlada ee dadka loogu adeegayaa ay yihiin qaar u diyaarsan shaqada oo leh bilic iyo haybad u qalanta sharafta dawladeed iyo karaamada Qarannimada anagoo arintaa ka duulaynana waxaanu dhismayaal cusub kusoo kordhinay wasaaradaha: Daakhiliga, Khaarijiga, Waxbarashada, Beeraha, Ciyaaraha, Xannaanada-Xoolaha, Kaluumaysiga, Deegaanka, Duulista, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada, Caddaalada, Gaashaandhiga iyo Qasriga Madaxtooyada. Wadooyinku waxay halbawle u yihiin isku xidhka dalka, isu gudubka bulshada, sugida amaanka iyo kor u qaadida dhaqaalaha (Waxay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha) iyad oo loo baahanyahay noocyada kala duwan ee wadooyinka sida wadooyinka waaweyn ee isku xidha gobolada iyo degmooyinka kuwaas oo isugu jira Wadooyin laami ah, Jidcade iyo Xagaaf. Waddooyinkan, oo yaraanta-awoodeena-dhaqaale iyo dedaalka la geliyey oo hooseeyay darteed, ayay dhamaantood ku habsatay dayactir la’aan iyo horumar la’aan waxay xaaladoodu ku suganayd xaalad u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto, Dawlad-ahaan waxaanu ku qaabilay sidii ugu dedaalka badnaynd ee ay awoodi noo saamaxday, waxaana laga qabtay wax aad u weyn: waxaa dhamaaday Waddada Dilla-Borama, Kalabaydh-Wajaale, Dayactirka Hargaysa-Berbera oo wax yari uun ka dhimanyihiin gacantana lagu hayo, Bridge-ka 2aad ee Hargeysa oo aanu dhamaystiray, iyadoo aan gacan fiican ka gaysanay dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee ay Bulshadu gacanta ku hayso, Anagoo billawnay Wadadii dheerayd ee Ceerigaabo. Waxaa ka warhayseen socdaalkii dheeraa
ee aan ku maray dhawaan xeebaha dalka (Saylac Illaa Laasqoray), waxaanay ahayd
ujeedadu in aan u kuur-galo xogogaalla u noqono nolasha bulshada, una samayno
qorshe ku wajahan sidii looga faaiidaysan lahaa khayraadka ku duugan
xeebaheena.
Haddaba: Arrimaha haweenka Xukuumad-ahaan waxaanu uga hawlgalay si fiican iyadoo aan guddi u saaray sidii loogu samayn lahaa qorshe lagu dhiirigelinaaayo sidii ay kaalin fiican ugu yeelan lahaayeen hogaanka siyaasadeed ee dalka, waxaana guddigaasi soo jeedisay in loo sameeyo Kooto, anigoo u gudbiyey Gollaha Wakiilada labo jeer, illaa hadana gollaha lama horkeenin. Waxaan xubnaha golaha wakiilada ee Kulmiye ka codsanayaa in mooshin lagu keeno lagana shaqeeyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.Somalia
Xofgreebnews Office Hargeisa Leave a comment |
|
Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Shirweynaha Xisbiga KULMIYE
Hargeysa(Xogreebnews( Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad dheer oo taabanaysa Waxqabadka Xukuumadiisa ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE. -