Hal Abuuraha Iyo Qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr Oo Gabay Ku Hal Qabsanaya Nadra Maxamed Jaamc Oo Xirsi Awoodiisa Ku Tijaabiyey Iyo Cabdiraxman Cabdiqaadir Oo Dhabarka Ka Lagaga Jabiyey Shirkii Xisbiga Kulmiye Ee Hore Curiyey.

0
Wednesday April 23, 2014 - 14:13:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Abuuraha Iyo Qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr Oo Gabay Ku Hal Qabsanaya Nadra Maxamed Jaamc Oo Xirsi Awoodiisa Ku Tijaabiyey Iyo Cabdiraxman Cabdiqaadir Oo Dhabarka Ka Lagaga Jabiyey Shirkii Xisbiga Kulmiye Ee Hore Curiyey.

    Dib-qallooc Waa gabay hiil u ah kuna halqabsanaya Nadra Maxamed Jaamac oo wasiir Xirsi isugu daray xadhig,gabay iyo cafis-beenaad. Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax oo Dulmiye dhabarka jebiyay, waxa uu ka hadlayaa sad-bursiimada ay Beesha Dhexe ee Som

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib-qallooc Waa gabay hiil u ah kuna halqabsanaya Nadra Maxamed Jaamac oo wasiir Xirsi isugu daray xadhig,gabay iyo cafis-beenaad. Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax oo Dulmiye dhabarka jebiyay, waxa uu ka hadlayaa sad-bursiimada ay Beesha Dhexe ee Somaliland ku maroorsatay Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha Guurtida, Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, Wasiirrada ugu shilis xukuumadda, taliyeyaasha booliska iyo qaranka. Wixii aynu Xamar ka diidnay 1960kii sidee beelaha kale inooga yeelaan? Ma sidaas ayaad aqoonsi ku rabtaan? Naw, waan la yaabbahay tolkay iiddoor iyo adeerkay Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu yidhi

Dahabooy Nadraay baadi-doon, waan ku deydeyaye
Xasan Ganay duruustuu na baray, yaan mid soo dariye

Lab haween u dooddiya misana, laba-dibleynaaya
Ragannimadu deyrkay lahayd, waa ka dibad-yaale
In dugaagga lagu biiriyaa, dhaanta derejayne
Xadhigaagga waan dibin-jaboo, diiday gama’iiye
Nin haween ku daabulay xabsigu, dacayda sii taagye
Cudur-daar masuul daaddafshaa, maag ku soo daraye
SOOLJAAY dabuubtaydan tebi, daw-bax loo simane
Daljir Xaashi, Diric Boobohow, dararku waa foole
Madal toosin talo-deeqaysaay, dunida gaadhsiiya
Da’yar sharaf leh, dumar dhawrsanow, deexdu waa bilawe
Dawi Cali-gurow, dooddan qaran, daaji baro khayr leh
Iidow haddaan duro nin goba, ha igu deyn beene

Dul-ka-hoor gu’gii shuuxay bay, heego daba-taalle
Diillintii xanaaq baa ka dhacay, degel Guwaantaame
Dafka siidhi-wade yoomiyaan, laad ku deyayaaye
Darbaddayda gool-wade ku dhegi, dooddu may garane

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Dermadii markuu seexiyee, daawi xero-keenay
Doobbigoo sinnaan loo cushuu, raadshay dulucdiiye
Dudduucii laf-dhabartaa “baf” tidhi, doogo-kicintiiye
Diyaarado judhii loo dalbaday, Dubay la aadsiiye
Duqayntii, dubaaqiisu diid, debecna raadceeye
Cabdiqaaddir duubiga ciddii, damaqday waa xay’e
Ma-naxii ku doorsaday hunguri, waynu dabaynnaaye
Daba-dhilif qofkii lagu suntaan, dooddu garanayne

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Barde duurka nala joogay amin, Duurray iyo Qaaxo
Dugayeeyda, milaygay darnayd, muu dalxiis bixine
Dila iyo Wajaalay heshiis, qalin ku-duugeene
Danankiyo rasaastay Berbera, kala dullaameene
Togdheer maalintii laysku duray, waydun demiseene
Cabdiyow dedaalkaaga libin, duunku wuu qoraye
Dildillaac, dannuu kaa xigsaday, hanad la diirtaaye
Docdocayn, dul-dhaaf iyo dab kulul, deebin lagu qoolye
Daraygiyo Ilaah baan ku dhigin, dooyo quudhsiya’e
Seylici damiirkii hagaan, dooddu garanayne

Dixi iyo dareen igu masaal, dalagga xoolaaye
RRU durduro-dhiig waddaa, ha i dawaarsheene
Sidan ahay dur iyo daabac qori, ha igu duudsiyo’e
Iyagoo degaankiyo ka siman, diinta iyo xeerka
Iyagoo dan-guud wada-jiroo, daawo wada qaatay
Burco hanadka daamaha ka dhigay, dooddu may garane
Guuleed qabtii laguu dallacay, dooddu may garane

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Gashaantida adoon dadab la gelin, guurna meher doonin
Reer Daammi, waa wada digtoor, daacad aan hubo’e
Dirindiirba waan naaxinnaa, maandhe deriskeenne
Dable iyo adeerow, xil-deri, daw umuu noqone
Derejiyo wasiir way geyaan, doorna may heline
Dirsoocii wax loo xoojiyaan, dooddu garanayne
Halka Daakir laga raacaybaan, dooddu garanayne

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Dunji Selello waa kaas dafiray, Soolna darayeeye
Docdocayn Sanaag-bari haddoo, daymo-nacab eegye
Widwidh, Keyse waxay daawadaan, daallin jeedalaye
Duub-weyne, Golihii duqiyo, daar wakiillada ah
Damallada garsoorkiyo dhammaan, dookh la magacaabo
Dibaddiyo gudaa, maalka-daye, taliyeyaal dooran
Yaa dulin ka dhigay Beesha Dhexe, dooddu may garane
Adigoon debbelin kaartadaad, Doollow uga baydhay
Ictiraaf la doondoonayaan, dunidu yeelayne
Khaatumo maxay diiddanyiin, dooddu may garane?
Yaa dilay Kalshaaloo berkado, duullan ku xigsiiyay?
Uurbeyte yaa dooliyoo, dabada riixaayay?
Yaa quudhsi darafyada la jecel, dooddu may garane
Yaa dacaarka keligii hadhsaday, dooddu may garane
Yaa dalbaday harraad aan wacnayn, dooddu may garane

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
“Dalkeennii wada fadhida”, doobta lagu reenye
Dambarkeeda maatida lahayd, looma daro dhiile
Shaqallena daliilkuu cuskaday, way daciif jabane
Nacnacow agoontaa dulmani, way ku deyayaayne
Adaa dirir leh illaa Stii, deeqna noo hura’e
Sahal baa dembaaboo qabruu, hoos u daaddegaye
Magaan duubtay, doorkiisibaa, duunyadii gura’e
Doxor qadiyay, gaarida dayacan, dooddu may garane

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Dameer ciyay, Iblays buu dalcado, daaqad ka arkaaye
Waxa diig la qaaqinahayaa, daa’iraan jirine
Nin deyaysan waa loo fasaxay, inu dannaagaaye
Darandoorshe naasnaasinbaa, looga digayaaye
Daauus Qurxoonow xaraggo, duugtay quruxdiiye
In haweenka loo duurxulaa, way na damaqdaaye
Dumar kula salleellaa nin ragi, mirir ma diirteene
Waa hooyo ii diir-naxdoo, ii dareen-nugule
Waa beerta dallageedu yahay, doombir aadmiya’e
Quddahaagu daardaar doc aan, loo durkeen amine
Waa darkii codeeyee ka qaday, dabaqay moorsheene
Shoolli-boolli daadduunsan baan, dooddu garanayne

Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Dannood ma aha suugaantu dhure, lagu danqaaraaye
Dacwadaha abwaankii tirshaan, xaal u diraynnaaye
Diniiqow Salaan muu ahayn, goof dununuuca’e
Deex Fadal, Dirkii Kaahinbaa, dooxay sharaftiiye

Afartaasi Deelleyda shidan, diirin waw tahaye
Diir Geeddi furay raaciyoo, waa digniin-celine
“Soo-daata” deex Jaamac bay, dulucda xoogayne
Dib-qallooc Siciid waa u marag, “daallin” aan rabine

Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Darraatoole Liibiya tahriib, dool-yar suudale’e
Imakaabay doonyuhu rarmaan, daabul Yurubeede
Daan iyo qadhiidh iyo cantuug, waw darsanaynaaye
Imakaaba diir lagu salliday, duuggi noo hadhaye
Eexdoo dalluun lagu ribdhaa, dawlad loo yahaye
Imakaa dirsoociyo fajida, loo dabbbaal-degaye
Daribtiyo, darkeennii galool, wuu dubaaxsadaye
Imakaabu dabaq jeexayaa, diradiraaluhuye
“Dooh” iyo idmane aan la barin, dooji shacabkeennu
Imakaabu duuflaal amraa, daar maxkamadeede

Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Ducadiyo wanaaggii dheg-jaan, uma daloolaane
Imakaa inkaartuu dalbaday, lagu dannookhayne
Daacuun hadduu korodhsi yahay, daacadkiba eedye
Imakaanu diidmada qayaxan, boodhka daraynnaaye
“Digsi iyo anaa diric ka celin, doollar iyo moodba”
Dubaaqaygu saadaashi gunud, maan ahayn doqone
Kobtuu degay, damiirkaagi shalay, dooddu may garane

Danab Taanni, Seemaal darteed, duudka loo qabaye
Dallacaad waxaa helay wax-garad, “Soo dilaay” yidhiye
Digreetadan xujada loo cuskaday, dooddu may garane
Jidhifow diyaar waxad u tahay, daajin iyo nuure
Dugsi iyo dhab-sheeg noqotay hanad, aan qarweyn duhure
Dayr qudha adoon talinnin-baa, danab collowdeene
Dibindaabyaad geysataan, dooddu garanayne

Dayac-biin xilqaad maalintii, Boobe lala doontay
"An tashado" dabuubtii ahayd, daray ku dhaafsiiye
“Dawadiisa anigaa hayoo, duuddubkii liqiye”
Durujuugga kama sii war hayn, daaqa kaymaha'e
Degdeg loogu magacaw Horyaal, Baashe daashadaye
Wax dardaarankii lagu aflaxay, duudsi inankaase
Dulinkiyo qaniinkii ku kacay, “daaya” may farine
Daba-maridda weriyaha yaqiin, waa dallacayaaye
Sayid maagga lama daarayoo, waan dugsanaynnaaye
Durba Cumar u dhaadhiciya hoos, dawgi laga boodye
Deeqsow galkaa Khadar Calaan, kaaga doorbidaye
Guudcaddow ku durug kaalintaas, duub-hayaad tahaye
Duryan iyo dar weeyaan halgamay, Xoorna deris weeye
Duqii loo codeeyaan ka talin, dabinnaadaas jaane
Nabankii shirqoolkaas dedaa, doobbi loo culiye
Yaa doorshay Madaxweynihii, uunku wada-doortay?
Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Gebiley dalkeennay u tahay, door-labkii gobole
Denbigii Jamaal geystayee, Caabudla’da deyray
“Dooh” iyo Burcaa lagaga yidhi, daakhil haw geline
Daryeelkii agoontay rabtiyo, diir-naxaad gacale
Daartii Culuumaha baddana, duudsiyaa dhacaye
Deelqaaf Marxuumkuna ma geyo, iil-dugsanayaaye
ODHA daad u gala baa haddeer, loo dig leeyahaye
Faysal liidka noo soo durow, diinnarkaad mudane
Luuley dunuubaha ku helay, ee derbigu qoomay
Waa inaad dirkii tahay Mataan, daynabshaa UCIDE
Daljirradu halkay qoon dhagreen, dooddu may garane
Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Waxa Qabille loo daamurshaan, dooddu garanayne
Wax bariido kaba looga diday, dooddu may garane
DakanadaJAMHUURIGU ku kacay , dooddu may garane
“DAMAL waa fadhiid” geesi yidhi, dooddu may garane
NASIYEna adduun lagu dagdhabay, dooddu may garane
Daadduunka RAYS yaa jeclaa, dooddu may garane
Dabargooye dhitaduu jaqana, dooddu may garane
BADBAADANA wax daaddeys ku horay, dooddu may garane
NDB darraabay hadhee, dooddu may garane
“Danqaabeeya UDHIS waa bursayn”, dooddu may garane
Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Cashuuraha markaad doonayseen, deex-san baad tidhiye
Adaa deyday nagu raadshayoo, noo dus-yimi hiire
Diintiyo wadaadkow kitaab, “daalacaan” idhiye
Bareyaasha sabab loo dayaco, dooddu may garane

Eeggana kun daannaan Nadraay, daah-ka-rogayaaye
Gabbooseba dharaar xaal degdega, raalli naga doonye
Dimuqraaddinnimadii la aas, Jaalle kuu dilaye
Dibirradu Qaddaafay hoddoo, dala’sigii nuugye
Wax-ka-daye cagaa duulki Gedo, loo darxumo-waabye
Jihaadkiba agoontuu daldalay, daaciyaa qubaye
Mahatiir cidbaa dacal-dhigtiyo, Neelsankii dumaye
Dabcigiisa waxa dhaadi jiray, daal ninkii badaye
Dirirtii shahiidkiyo wacdaro, lagama daaheene
Isagoo dayacay oo Tubeec, diifna ugu ciidmin
Muqdishiyo dunteedii xabaal, kulama doodeene
Daljir Muuse, diricyaal xusloo, Qaybe ugu dooryay
“Digashada ku aasaay xabaal”, muu darbeen boqole
“Waa digreeto ereygiisu culus, meydna deydeyiye
Noolaha ilbaa loo dabaa, dabin-ka-boodkiiye
Yar kalaan u doorbiday qoraal, inu duxaystaaye
Adoon doonin maamuus Gaheyr, docashadaas keydi
“Iigama dartee keen” ku idhi, erey-daleeleede
“Axaddii darbaa geeyay meel, duudyadii Herere
Isniintiiba duri baa ku dhacay, waa duq aan kicine
Darka waad u helaysaa kanshee, kaadso doobyahaw’e
Mujaahide “daf” yidhi bay xafiis, xaynna daaddihine
Saakana anaan dool ku tegin, daba-dhiggaygiiye”
Dibnihiisa kama gaabiyeen, Xaajigaa dirane
Cirro iyo Aqoonyahan debbere, diidmadii Xarafe
Waxba yaanu goortaan “dug” dhaho, dogobyo ii qiijin!
Dal-mideeyee, hooyada dihdee, Jeedna lagu duugay
Tacsi daaf geddii uu ku dhacay, diid dhambaal gacale
Ma deyrsheen inuu tago xabaal, danab Tallaabiiye
“Docdi Saqadhi naga awdi jiray, duufannaa imane”
Waa loo darsanayaa bilays”, duurxulkiyo oohin
Darayiyo jirroo wada dugsaday, lama daryeelayne
Dubay maalin lagu aasaybaaad, deeqo fidisaaye
Danjiruhu fartuu taagay milay, daambas sama-doone
Baroortaadu way ii dambayn, diiqo oohininye
Shirqoollada digtaatoor ku kaco, dooddu may garane
Afartaasi Deelleyda shidan, diirin waw tahaye
Diir Geeddi furay raaciyoo, waa digniin-celine
“Soo-daata” deex Jaamac bay, dulucda xoogayne
Dib-qallooc Siciid waa u marag, “daallin” aan rabine

Diblomaasi gaabsaday kal hore, doocan laga yaabye
Dardartiisa odaygaan ka ledin, duubay golihiiye
Duudduub Hargeysada liqdee, darayga loo sheelay
Dulinkay liqeenbaa biyaha, deecankii tiraye
Dabataxan hubsiimada hadday, dib u jalleecaane
Dhalanteedki dagay reer Saraar, saaka dabi-waaye
Daadmadheedhna waa feejignaa, daymo aarluhuye
Dalka Gubadle waa keenadiid, diricyo waaweyne
Dabcigooda waatuu fasiray, HAWD la daahfuraye
Doondoon UGAASkay naceen, baaqyo dawgala’e
Dhaqankii Gandaa way dadeen, jooga Diridhaabe
Dabkii Seylac, qiiq aan la demin, Duur la sii geliye
Dun-wacnaanta garashada cilmiga, lagu daryeelaayo
Hadal dalab-li’, dagi maayo Adal, wiil ka dabayowe
Dabbaal maaha REER SAAXILKAA, lagu durraaqshaaye
Duri Maakhir loo sii wanjalay, loo dareen-celiye
Derbiyada SANAAG ruux yaqaan, uma dullaameene
Baradii DUCAALEE midnimo, loo dardaar-weriyay
Shanwejiile ii dabamaraan, diracna yeelayne

Isagoo afkii deyshay buu, dhiig dafirayaaye
Dusduskii Madaarkiyo findhicil, daammur lagu qooshay
“Waa dacaayad” baa lagu kaftamay, duulis faashiliye
Eeggana dariiqyada arliga, daanno loo boqorye
Dillaalow gabyaa aamusnaa, waa dalayn jigire
CHINA HORN dubaalado gankeed, dawlis ugu dheere
“Soo daaddah, dibaddiina baro, doobbiyada fuuqso”
Ayaxyada dawaafiyo ma-naxe, deegantii cune’e
Dameerkuba hallayntuu u jaqo, dooddu way garane

Dugdugluhu halkuu quusiyee, dakharka gaadhsiiyay
Daneystuhu kob naafowdaybuu, daawo kuu bidaye
Digtoor Maxamed Biixow ma nihin, dowlad-goboleede
Daarraanta halakaysay waa, kuman danqaaboode
SHAFIIL iyo dayaan caawiyaan, daaqad ka arkaaye
Dabiib inad tay faraj aan debcayn, dooddu way garane

Dhaaxaan SNM diif u maray, keymo duur xidhaye
Diiwaanka inad tahay HALGAME, diibyow maan qarine
Haddii ay darmaannadu ordaan, waad dul-maraysaaye
Durro taalla, deegaanka bari, dooc kamaad qabine
Buuhoodle duullaan hubeed, deeddan lagu jiidhye
Cayn-daacshe, daabbado sharbaad, digo-rogtaysaaye
Sidaad laanta ula dirirtay baa, daalacdoo hiriye
Inaad tahay halyeygii Dumbuluq, dooddu way garane

Maansada digniinta ah hadduu, daba-qallooc dheehday
Dabuubtii Wasiirkii Cirrana, duunku muu lumine
Ingiriiska didayaa bilaash, nooma durahayne
Adigay dareen kaa qabaan, kaana didayaane
Ninka Diinta madax looga dhigay, duurxul lagu maagye
Danta guud, masuul doorranbay, diirad ku arkeene
Shidaal dihin islaam doonayoo, dooxa maan arage
GENEL ENERGY degelkii ka baxe, duure orodkiiye
Daawada bahdaad qaadateen, ii dubuuro ahe
Dulucdaad ka leedahay haddaan, dooxo ubucdaada
Duunyada waxay bixinayaan, diinarkii hodise
Durbaannada halhayskoodu waa, doolitaan kale’e
Dugsi Xalane way barabaxsheen, waanan dibad-aalle
Dersiguu dhallaankeenna baray, maydun daanqabane
Dugaag iyo midkuu yahay daryeel, dooddu may garane

Maansada digniinta ah hadduu, daba-qallooc dheehday
Dubbahaygu wuxuu saaran yahay, dirawal-jiifkiiye
Waa daw inaad gole ka tidhi “daacad baw kacaye”
Damiir togan hadduu leeyahoo, digigixoonaayo
Deelqaaf hablaa loo tigtigay, kuguma daayeene
HUBAAL wacan dalluun uma qodeen, aare loo diraye
HORN CABLE duhur muu xidheen, aan digniin qabine
Ma durqeen gob UNIVERSAL aan, doogta qabanayne
Durba HAATUF, darandoorri xadhig, lama dibleeyeene
Dulqaad-yaridu waa boog haddaan, la igu diidayne
Deggenaantu waw fararl ninkii, doona heersare’e
Hanjabaaddu waxay diirisaa, doobka miiggane’e
Annagoon “na daa” iyo ku odhan, “waanu didaynnaaba”
Dunbuqaaga huunnow cabbee, deero maan nihiye
Sanka caano kii daadiyee, siinna laga duufsho
Waxa daaha laga qaadayaa, doorashada taalle

Maansada digniinta ah hadduu, daba-qallooc dheehday
Durduradu haray kuu ahayd, laga durduurtaaye
Daballaab adaa qaadan jiray, diilalyada baase
Fara-taagga labanlaab duddubi, way ku dararaane
Daadkiyo gudgudahaad furtaa, la is dabbaalsiine
Dalqo iyo hungurigaad xustaa, dood na soo faraye
Dawankaaga nagu soo afuuf, GEESKI muu dumine
Dugsi YOOL ah, dacallada OGAAL, FOORE darafkiisa
Darka HIMILO, deel SAXAFI qoro, ii dabayl ladane

Maansada digniinta ah hadduu, daba-qallooc dheehday
Dambaabidhe hoggaankii igmaday, waa ka sii daraye
Gabbal-dumay, UFTII lagu duryamay, diririgtii yaabka
Daabaqad ninkii uu hafraa, daabcad maamula’e
Siciidkii “Iblays duuli” yidhi, lama dulleysteene
Ma debceen ninkii mawqif lihi, mana dulloobeene
Xilkas dooja uurkow il-duuf, kuu darleef dhalaye

Qosolkiyo dayaankii Landhani, way ku degayeene
Dulmiyow na soo dhaaf haddaan, daabac qoraynnaaye
“Soo daata”, duudsiga jiraa, waa dirqiyayaaye
Kibir ruuxa daanshoonayow, didibsigaa roone
Daruuruhu huq bay hoorayaan, waabay da’aysaaye
Dabka baxaya, daawaan kor-dhigay, dubaya faaf-reebe

Diinkaba halkii loogu shiray, Daayinkaa jiraye
Daaraha Nadwiyo xoonku waa, kala-dareerkiiye
Dildillaacu waa faraj inaad, kala dawaaftaane
Didib-saydh, daboolane qarxiyo, doobir baa curane
Dhul-gariir malaayiin didmiyo, daalac ii maqane
Dabiib waa u haynnaa dudmiyo, dhaawac daba yaalle
Dagaar iyo anoon fuulin laxo, daallallana eegin
Dabooliyo anoon eegin cirir, dirirna faallaynnin
Marmar baan dirkii Qaasin ahay, Xaashi danabkiiye
Daljir Muuminkii bay xigto ah, idil Daraawiishe
Daymoodaa saadaal leh mahad, duugga la arkeeye!

Afartaasi Deelleyda shidan, diirin waw tahaye
Diir Geeddi furay raaciyoo, waa digniin-celine
“Soo-daata” deex Jaamac bay, dulucda xoogayne
Gunaad iyo dabuubtii Dhakay, daba-gucleysaaye
Dib-qallooc Siciid waa u marag, “daallin” aan rabine
Dabadaa Cigaalow dhulkuu, doollin-raac yimiye
Cabdiyow nin sharaftaada deyay, derejo maan siine
Duhur niman ku maamuusi jirin, Daahir moogganiye
“Is-difaaca waa duullan-qaad, dawlad Tuur lihiye
Dekeddii col doolalayaa, doonyihii rara’e
Ila daawo, geriyada is-daray, diihalkay dhiciye
Hadba diifi kay saaran tahay, diide waa magane
Daandaansigii soohdintay, dacallo jiidheene”

Doorsoome guurtidu kolkii, daaddahshuu baxaye
Daandaame laga quusaybaa, daalka jiifsadaye
Diirkiyo ushuu kala qalaa, foolashii daba’e
Ma yaqaan “is-daayiyo” marnaba, “didibso Sheekhowe”
Iyagoon daraasaynninbuu, daaf ku furayaaye
Deecaanka milayguu ku hudhay, daw Garadag maalin
Dirxigii qadhmuunkiyo na baray, daafaddiyo buubku
Duubkiyo Suldaankii Goluu, daabcaddii ramiye
Imakuu dariiquu ku lumay, nooga digayaaye
Damiir yeelay maantoo hadduu, naga dibboodaaye
Dixi goosay, dacaskii aftida, kii “dunshaay” dhahaye
Dalqad cay ah kii qaatay deeb, yaan daroo nahaye

Dagaariyo hadday noo sunteen, awr daboole ahe
ASARDIYO Dilaa lagaa dhaxlaa, deriska liibaane
Hadba kii dubaaq nool qarnigan, waan ku dayannaaye
Daawiyo Sanaag waan lahayn, diir walaalnimo’e
Dubku wuu naxayaa jidkay, darayo haysaaye
Sallaxley dariiqoo qabyo ah, DAWCAD bacadaysan
Oodweyne damalkii wadwaday, diiray wadartiiye
Diric iyo laf-dhabar Hawd u kacay, duufsay oo lumiye
Dawarada haddaan loo sinnayn, waa daciifnimo’e
Duwashada Dhakool iyo Fadhigu, waa dan iyo xeele
Kalabaydhba maan diiddanayn, diif-tir waajiba’e
Dinnaahaagan meel qudhi Xirsow, daw umay heline
Dib-qallooc cartamayaa tacsuu, kuu daldalayaaye
Dawan Mey wax loo duufsadaan, dooddu garanayne

Dalqad cay ah kii qaatay deeb, yaan daroo nahaye
Dib-qallooc cartamayaa tacsuu, kuu daldalayaaye
Daawada Gurguuraan haddeer, dooddu may garanayne
Ictiraafka noo yara dib-dhiga, dooddu may garane
Diblamaasi dhuuntuu ahaa, dayradii shalaye
Guddi aan KULMIYE daari karin, dooddu may garane
Dhagaxyada la daadinahayaan, dooddu garanaye
Dabadheer kol laga doogayaan, dooddu garanayne
Daad-wararac ay naadiyeen, dooddu may garane
Diiwaan waxyeellada lunshiyo, duun waxqabad sheegta
Is-ammaanku duri buu ahaa, moogse duulkaniye
Karaash iyo Galaydh duub u xidhay, waa la daawadaye
Daandaansigii REER TALEEX, dooddu may garane
Daanyeer tafiirtii ma nihin, Daarwin-aragtiine
Diiwaannadii Gaannibaan, daalacdaa weliye
Manhajyada daleeddiyo ka yimi, Daarfur iyo Keenya
Dalka iyo dhulkaygaa dhunkaal, lagu durduurtaaye
Dergad qurux leh waxa iiga wacan, doojin ubaxeede
Haddii xididku uu dararsan yahay, dogobsan-waa ciine
Dirhamkuu Sucuudigu baxshaa, wuu i dagayaaye
Reer Dubay qorshay talo-galeen, la igu doorshaaye
Anigoo an daldaloolinbaa, lay dafirayaaye
Af-qalaad darbaa faral ka dhigay, dhaladna daadduunye
Diintiyo Af-Soomaaligii, way dulmiyayaane
Wax tacliinta duummaynaan, dooddu garanayne
Dedaal bay shacbigu muujiyeen, nuuryo aan demine
Dugsi qaran daruur geeriyuu, dirir u hooraaye
Kobta laga dildila-raacaybaan, dooddu garanayne
Cidda dhuugga daanshood ku tidhi, dooddu may garane

Dalqad cay ah kii qaatay deeb, yaan daroo nahaye
Dib-qallooc cartamayaa tacsuu, kuu daldalayaaye
Duqa waagi ay toosiyeen, darawalkii seexday
Cid labaatan kuman doollariyo, duunyo tidhi “qaado”
Dalabyada Hargeysoon nacdeen, daafac laga waayin
Doqorshey abwaan jooga nool, loo dalaandaliye
Sirdoonnada ciddii doona tidhi, dooddu may garane
“Daallinow na soo dhaaf” Rashiid, yaa dafkii tumaye
Deegaan Qaboojaa la faray, duullankaa celiye
Ilkajiir daraasiin gujo ah, loo deg xero-baase
Dhako waa difaacyahan khatara, daabbad weerara’e
Dhexda waa u danabkii ciyaar, heegan dacalkaaye
Darandoorri ceebo ah, rug baa looga soo diraye
Reer DIINI goortay dhasheen, dooddu may garine

Cadnaanow kolkaad dunida timi, waan dabbaal-degaye
Ma darjiidhin, deelqaafna ceeb, dawna maan lumine
Duudsiga Allaan igu ogeyn, diin Islaamnimo’e
Sida Sheekha daakira runtaan, doobta soo ridane
Dallacaadna waan heli haddii, Daayinkeen dhigaye
Eeggaan dardaar-fulinayaa, deexdi aabbahaye
Dugsoonbaad ii kaalin-galay, daymo-faraxeede
Dooxatada waqaan fiiriyee, eegga waa dirire
Maxamuud siduu ii dugsiyay, waan ku daaddihine
Dadweynuhu waxay ii xidheen, duub IMAAMNIMO’E
Halkii Gaarriyaan doonayaa, daahfur iyo weedhe
Diintana awoowaa i faray, Dirir lammaanayne
UDUBtii Cigaal daaray baan, iil ka deyayaaye
Duruus-dhigid CAMUUD waan masayn, dawyadaa MAHADE
Runta sida DARWIISHkaan u noqon, maanta dabadeede
Haddaan MUUSE dacaw weyd ka dhigin, waa dirkii Herere
Maroodigu bilaash kuma didee, deyntu way imane
Daalacuu tolkeen qaataybaan, doobbiyaal qubiye
Dibadow tol waad leedahoo, deeqi way imane
Duurxulkaygu weli muu idlaan, deelki maansadu’e
Duco maalintaan kuu wan-qalo, waan dubbayn nacabe
Aabow Duxaa iyo Baqraan, kuu dammaan-qaliye
Derbi kuu ayeeyii ma jabo, hooyo daacadiye
Dersin iyo midh baa ku eddo ah, duul dhabeelo ah
Toddobaan walaal door ahoo, kuu adeer dihane
Dalas-aad, dal-jooggoo dhan baa, doobir kuu xidhaye
Ifka daaddah, dayacnaantu YUUR, Daayinkaa jira’e
Degelkaagu nabad kuu ahaa, Daayinkaa jira’e
Duufaan colaadeed ma dhaco, Daayinkaa jira’e


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured