![]() Xukuumadda Siilaanyo Oo Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ku Amartay Inay Xayiraad Saaraan Shabakada Wararka Ee Haatuf
Hargeisa(xogreebnews.com_Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa la sheegay inay shalay soo saartay go’aan ay u gudbisay shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Somaliland inay internet-kooda ka Hargeisa(xogreebnews.com_Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa la sheegay inay shalay soo saartay go’aan ay u gudbisay shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Somaliland inay internet-kooda ka xayiraan Mareegaha Internet-ka ee Wargeysyada Haatuf (www.haatuf.net) iyo Somaliland Times (www.somalilandtimes.net) in warar laga geliyo gudaha dalka.
Guddoomiyaha Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ay shalay soo saartay go’aan ay u gudbisay shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel, Telesom iyo African Online in gebi ahaan xayiraan in internet-kooda laga isticmaalo ama laga daalacdo mareegta (website) Internet-ka ee Haatuf, kadib markii ay hore Maxkamadda Gobolka Hargeysa u xayirtay wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, isla markaana ay ciidamada Bileysku xoog ugula wareegeen xarunta Haatuf Media Network. Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sheegay in durba shirkadda Somtel, ayaa shalay ka goysay gurigiisa line-keedii telefoonka iyo internet-ka ee ugu jiray. Dhammaan ururada Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee u dooda xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, taas oo ay ku tilmaameen duulaan lagu qaaday xoriyatul-qawlka iyo Saxaafadda Madaxa Banaan, iyadoo horena ay xukuumadda Somaliland u xayirtay ilaa haddana ciidamada Bileysku u haystaan xaruntii Wargeyska Hubaal. Tallaabooyinkan ayaa ka hor imanaya Dastuurka Somaliland oo ku tilmaamaya xoriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda inay ka mid yihiin xoriyaatka aasaasiga ah ee Dastuurka Somaliland.warqada Leave a comment |
|
Xukuumadda Siilaanyo Oo Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ku Amartay Inay Xayiraad Saaraan Shabakada Wararka Ee Haatuf
Hargeisa(xogreebnews.com_Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa la sheegay inay shalay soo saartay go’aan ay u gudbisay shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Somaliland inay internet-kooda ka