Dawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay hormood ka yihiin dawaldaha khaliijku hadaba sida uu madaxweyne siilaanyo doonayo in uu u wajaho shirkan waxaa la odhan karaa nin anbaday halkuu aaday way ula eekoonyed anigoo arkaayaan wadada eerigoo maray, waxayna ahayd in uu ku ekaado oo kaliya hadii uu shirka ka qayb galayo in uu sii diyaarsado wixii uu shirka la tegi lahaa kalana tashado cida lama huraanka ah ee ay arintani khuseyso oo kaliya hase yeeshee madaxweyne siilaanyo wuxuu ku mashquulsan yahay oo uu waqti badana ku lumiyey aduun badana ku bixiyay sidii xilka wasiirnimo ee arimaha dibeda looga qaadi lahaa Marwo Foowsiya Yuusuf Xaaji Adan isaga oo adeegsanaya wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada nayroobi ee dalka Kenya Maxamed C/llahi (Sifir) oo isaga laftiisu dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee ka horeeyey dawladan federaalka ahaa ka soo qabtay xilalka wasiirka arimaha dibeda iyo Raysal Wasaare ku xigeen madaxweyne Siilaanyana ay beel ka soo wada jeedaan.
Qaybtii 2-aad: Sir Fakatay: Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii
Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga
Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada
XOGREEBNEWS.COM.
Dawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo
dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka
soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan
bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay hormood ka yihiin dawaldaha
khaliijku hadaba sida uu madaxweyne siilaanyo doonayo in uu u wajaho shirkan
waxaa la odhan karaa nin anbaday halkuu aaday way ula eekoonyed anigoo
arkaayaan wadada eerigoo maray, waxayna ahayd in uu ku ekaado oo kaliya hadii
uu shirka ka qayb galayo in uu sii diyaarsado wixii uu shirka la tegi lahaa
kalana tashado cida lama huraanka ah ee ay arintani khuseyso oo kaliya
hase yeeshee madaxweyne siilaanyo wuxuu ku mashquulsan yahay oo uu waqti badana
ku lumiyey aduun badana ku bixiyay sidii xilka wasiirnimo ee arimaha dibeda
looga qaadi lahaa Marwo Foowsiya Yuusuf Xaaji Adan isaga oo adeegsanaya wakiilka
Somaliland u fadhiya magaalada nayroobi ee dalka Kenya Maxamed C/llahi (Sifir)
oo isaga laftiisu dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee ka horeeyey dawladan
federaalka ahaa ka soo qabtay xilalka wasiirka arimaha dibeda iyo Raysal
Wasaare ku xigeen madaxweyne Siilaanyana ay beel ka soo wada jeedaan.
Hadaba shirka magaalada
London loogu qabanyo soomaalida dhinaca dawlada federaalka ah waxaa u xil saran
wasiirka arimaha deibda ahna raysal wasaare ku xigeenka Marwo Fowsiya Xaaji
Adan
.
Hadaba madaxweyne siilanyo maaha nin madaxweynaha soomaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud u yeedhin kara xubnaha uga soo qayb galaya shirka bisha may lagu qaban
doono London Maah Maah Soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda riyo hadii ay dib
leeyihiin dabadoodey ku qarsan lahaayeen ,nin gurigiisa ka talin kari waayayna
guri kale kama talin karo.
Hadaba madaxweyne
siilaanyo maaha nin qaran ee waa nin qabiil waxaana jirta maah maah
soomaaliyeed oo tidhaahda nin waliba Camalkiisuu Waashaa. taa macnaheedu waxaa
weeyeen hadii aad aragto nin waalan camalka uu wadaa waa kii uu waday markii uu
miyirka qabay.
Hadaba madaxweyne
siilaanyo wuxuu ahaa ninkii wax laagsaari jirey saraakiishii iyo
gudoomiyayaashii SNM Soo maray talaadan uu maanat ku bixiyay halka malyuun ee
doolar eek u waajahan Marwo FowsiyaYuusuf Xaaji Adana waxbakaam duwana kuwaa
hore.
Madaxweyne siilaanyo waa
nin ay da’diisu ay wayn tahay waxaanu manta in badan ka weyn yahay markii uu
gabayadii Salaan Carabay ka cabanayay da’da ee uu lahaa lixdan laba iyo
tobanbaan dul maray waana la hubaa hadaan luqunta kor u taagi jirey
liicday adhaxdii wataa laleemada indha aragu liitaa liiqliiqadbaan ahay sidii
lule dabayleed.
Maantana madaxweyne
siilaanyo wuxuu taagan yahay halkaasi aynu soo sheegnay oo mar marka
qaarkoodna dadka iyo hadalkuba way iskaag khaldamaan waana sababta looga
ilaaliyo mudadaa sadexda sano ahayd ee uu xilka hayay in uu qabto shirar
jaraa’id oo ay saxaafaduna su’aalo ku weydiiso.
Hadaba waxaa dhacday in maalmihii dhaweyd ee uu taagnaa khilaafkii xisbiga
KULMIYE ay siilaanyo u tageen saddex oday oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse
iyaga oo doonaya inay kala hadlaan sida loo furdaamin karo labadan nin ee isku
beeshaah eeuuisagu timaha iskugu xidhay waa Samaale Iyo Muuse Biixi waxaanu
siilaanyomaalintaa lafteeda la balansanaa saddex oday oo kale oo ay isku beel
yihiin oo uu iyaga laftooda rabay in uu kala hadlo arinta xisbiga KULMIYE iyo
in uu doonayo in aanay beeshiisa Habar Jeclo ka dhex muuqan khilaafka KULMIYE
intalabada baar qab ee beesha ka soo wada jeeda mid la khaarajinayo ka
soo hadhana isaga ay u fududahay khaarajintiisu.
Hadaba waxanu
madaxweyne siilaanyo odayaashan ku yidhi markii uu hadalka furay dagaal cid kaa
furata aad haysato laguma degdego qoladan Habar Magaadana way inaga badan
yihiin in aan noqdo gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM iyo madaxweynaha
somalilandna faro kumaan helin waxaanse ku helay tab iyo xeelad haldoorkii
beesha Habar MagaadaanA hore ayaan uga sifeeyay Xisbiga KULMIYE oo hadii uu
khilaafkani soo baxana iyada oo ay sidii hore wax yihiin waa la inala kici
lahaa oo watii hore loo yidhi dad kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku
hafiyaan.
Anigu Samaale kama jecli
Muusi Biixi laakiin lafo geri iyagaa la isku jabshaa wasiiradan beesha Habar
Magaado iyo kuwa beelaha kale ka soo jeedaba waxaa aan ku la dhaqmaa tab iyo
xeelad oo watii hore loo yidhi nimaad dili nimaad dagi iyo nimaad dabi u
qoolayso waa la isu kala daadiyaa yaanu kaa didine.
Hadaba Isku soo wada duuduuboo Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay
Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo
Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada, Isagoo Ergadii Uu Dirayna
Siiyey Hal Malyuun Oo Dollar.
La soco Qormooyinka danbe ee taxanhan.
Cabdirisaaq Suudi
Nuur
Email:suudi88@gmail.com
Tel: 4425243
Hargaysa Somaliland
Qaybtii 2-aad: Sir Fakatay: Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada
Dawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay horm